SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Musharax Nuuradiin Aadan Diiriye oo ka qayb galay Salaadii Ciidul Adxaa ee lagu tukanayey Garoonka Kubadda Cagta ee Mire Awaare Stadium ee magaalada garowe

Diseembar 8, 2008

Dadweyne aad u faro badan ayaa isigu yimid salaada ciidul adxaa iyo masuuliyiin ka tirsan dowlad goboleedka Puntland iyo musharaxiin ay kamid yihiin Musharax Nuuradiin Aadan Diiriye, Musharax Aadan Maxamed Ciise Gaadaale, Musharax Saleebaan Xagle Toosiye iyo Masuuliyiin faro badan oo ka qayb gashay salaada ciidul adxaa ee lagu tukanayey magalada Garowe

garociid1


Salaada Ciidul Adxaa kadib waxaa uu Musharax Nuuradiin Aadan Diiriye bilaabay in uu u qaybiyo Ciidul Fidriga oo ahaa Lacag Iyo Xoolo faro badan oo u qaybinayey Qaar kamida xeryaha qaxootiga Iyo  Isbitaalka weyn ee Magaalada Garowe oo loogu talo galay in la gudoon siiyo bukaanka jiifa Isbitaalka weyn ee magaalada garowe.

garciid2

Musharaxa Ayaa ugu talo galay in uu siiyo dadka ku nool xeryaha qaxootiga iyo isbitaalka si ay u noqoto mid ay ka helaan faa’iido maan daama ay tahay dadka aadka ugu baahan in loo gar gaaro lana soo gaarsiiyo ciidul fidriga..

garciid3


Dadka degan xeryaha qaxootiga ee la gudoon siiyey ciidul fidriga ayaa aad ugu mahad naqay una duceeyey musharax Nuradiin Aadan Diiriye sidoo kale musharaxa ayaa ay ku farxeen bukaanka ku sugan Isbitaalka weyn ee magaalada garowe waxayna sidoo kale u mahad naqeen musharax Nuuradiin Aadan Diiriye una Duceeyeen in ilaahay siiyo Badalkooda.

garciid4

Si kastaba ha ahaatee Musharax Nuuradiin Aadan Diiriye ayaa haatan ku sugan magalada garowe ee caasumada puntland kuna rajo weyn in uu hanto xilka madaxtinimada puntland.

Musharax Nuradiin Aadan Diiriye oo casumaad ah Casho Sharaf  la yeeshay isimadda puntland ee haatan kusugan magaalada garowe ee caasumada puntland
 
Diseembar 6, 2008

Kulankaan uu layeeshay masharax Nuradiin  isimadda ayaa ku saab sanaa isbarasho iyo soo dhaweyta Ciida barakaysan ee Ciidul Adxaa.
 
cashis2

Casumaadaan  oo ka dhacday hoolka shirarka ee maktabada Garowe ayaa waxaa ugu horeen kalmado ku furay Maxamed Cabdile Cilal oo ka mida hawl wadeenada musharax Nuradiin Aadan Diiriye kana war bixiyey taariikhda iyo waxqabadkii Musharaxa.
 
Waxaa isla markiiba hadalka la wareegay oo lagu soo dhaweeyey musharax Nuradiin Aadan Diiriye oo ka hadlay u jeedada casumadaan  casho sharaftaa kuna tilmaamay  mid ah  isbarasho iyo is xasuusin isbadalka puntland iyo soo dhaweynta Ciida Barakaysan ee Ciidul Adxaa.
 
Musharax
Nuuradiin Aadan Diiriye ayaa u sheegay in ay tahay farxad in isimadda iyo musharaxu ay ka wada afuraan isku meel kana wada casheeyaan iyadoo ay soo galayso maalintii ciida barakeysan ee ciidul adxaa   Musharax Nuradiin ayaa sidoo kale ka warbixiyey qorshiiisa iyo in uu u taagan yahay xilka madaxtinimada puntland wuxuuna musharaxu xaqiijiyey in isbadalka iyo ayaaha puntland in maanta laga sugaayo in ay wax ka badalaan isimadda puntland iskuna diyaariyaan sidii ay u badbaadin lahaayeen dadlka iyo dadka reer puntland.
 
 
cashis1

Kadib waxaa halkaas sidoo kale hadal ka jeediyey
Garaad C/laahi Cali Ciid oo ka hadlay marxalada puntland iyo sidii ay ka yeeli lahaayeen doorashada musharaxiinta isku soo taagtay xilka madaxtinimada Puntland garaad C/laahi ayaa tilmaamay in ay tahay tilaabo u taal isimadda ayna ku talo jiraan in ay doorashadaan ku dhacdo si fudud iyadoo aan loo marin wax dhib  ah.
 
Garaad C/laahi ayaa soo qaatay xaalada maanta ay ku sugan tahay Puntland wuxuna garaadku tilmaamay in maanta ay u baahan tahay in   la badbaadiyo lana helo isbadal wax ku oola Garaadka ayaa sidoo kale sheegay in uu soo dhaweenayo musharax nuuradiin uguna mahad celinayo sida sharafta leh ee uu musharaxu u soo dhaweeyey isimadda puntland iyadoo ay ku beegan tahay Ciida Barakeysan ee Ciidul Adxaa

cashis
 
Hase ahaatee waxaa kaloo halkaas ka hadlay
Garaad Maxamed Cilmi Shirwac oo kadlay mar xalada maanta ay Puntland ku sugan tahay wuxuuna garaadku cadeeyey  in ay isimadu raadinayaan una dhiibayaan xilka madaxtinimada Puntland cid alaale iyo cidii ay isleeyihiin waxay badbaadinaysaa dalka iyo dadka reer puntland
 
Waxaa sidoo kale halkaas ka hadlay
Suldaan Siciid Cismaan oo ka warbixiyey mar xalada Puntland Suldaanka ayaa tageeray musharax Nuradiin Aadan Diiriye soona dhaweeyey ajandaha iyo ololaha uu wado musharax Nuradiin Aadan Diiriye
 
Isku soo wada duuboo ugu danbeyntii waxaa  ka hadlay xafladaas
Islaan Ciise Islaan Maxamed ugu danbeyntii waxaa khudbad dheer ka soo jeediyey Islaan Ciise oo aad ugu riyaaqay musharax Nuradiin Aadan Diiriye sida sharaftaleh ee uu u casumay isimadda  Puntland Islaan Ciise ayaa  u hanbalyeeyey musharax Nuuradiin kuna taageeray ajandaha iyo ololaha doorashadiisa uu ku wado in uu ku noqdo madaxweynaha puntland islaanka oo ugu danbey. U soo jeediyey isimadda Duco Iyo Wanaag.
Musharax Nuuradiin Aadan Diiriye ayaa casumaada kadib wuxuu saxaafada siiyey Waraysi ku saabsan hanbalyo Ciida Baraykeysan ee ciidul adxaa oo uu u soo jeedinayo dhamaan umada reer puntland Dal Iyo Dibadba Musharaxa ayaa ugu Duceeyey in ilaahay Nabad Iyo Farxad ku gaasiiyo Ciidaan Ciideeda kale.


Siciid Cali Nugaal
Madaxa Xiriirka Bulshada
Ololaha Doorashada Nuradiin Aaden Diiriye
Kala Xiriir Nuradin Dirie online
www.nuradindirie.com

Faafin: SomaliTalk.com | December 9, 2008

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS