SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Sidee Looga Ciidey Toronto, Canada

Sawirada Halkan ka daawo....

Darul Hijra Islamic Center oo ku yaal Toronto ayaa dadwaynaha muslimiinta ah khaas ahaan Somalida wuxuu si aad u qurxoon ugu agaasimay munaasabaddii salaadda ciidda. Dad aad u fara badan ayaa isugu yimid madasha salaadda lagu tukanayey, dadkaas oo ay ka muuqato bilic, qurux, farxad, iyo rayn rayn ay ku faraxsan yihiin maalinta way nee ciidda. Waxaa aad loo maqlayey takbiirta oo si aan kala go' lahayn la isugu dhiidhiibayey, iyo markii la tukaday oo la isugu tahniyadaynaayey: "Kullu caamin wa antum bikhayr"

Ka hor inta aan khudbadu bilaaban, waxaa dadwaynaha si diirran u soo dhoweeyey madaxa markizka Darul Hijra Sh. Moxamud Axmed Xasan (Fodcadde), isla markaana ku bogaadiyey dadwaynaha inuu ku faraxsan yahay in markizkii cusbaa la furay ra'yigii iyo riyadii reer Toronto ee ahayd inay furtaan markizkaanna uu dhaboobay Allaah ithankii. Shiikha ayaa intaa ku daray casumaad uu u fidiyey dhammaan dadwaynaha ku nool Toronto inay ka soo qayb galaan xafladda furitaanka markizka oo lagu beegay munaasabadda ciidda. Markizkan ayaa ku kacay lacag gaaraysa 3 Milyan oo dollarka Canadianka ah, isla markaasna ah meel adeegyo fara badan umadda u qaban doonta Allah ithankiis.

Waxaa isna meeshaas ka duceeyey oday Mox'ed Nuur oo aad ugu dheeraaday ducadiisa, isagoo gaarsiiyey dhammaan ummadda Somaliyeed iyo muslimiinta kaleba, dalkii iyo dibadba.

Intaa ka dib waxa halkaa khudbaddii ciidda ka akhriyey Sh Cabrisaq Cilmi (Fagare). Shiikha ayaa dadka si kooban ugala hadlay akhlaaqda qofka muslimka ah laga doonayo, iyo in munaasabadda ciidda looga faa'iidaysto toobad iyo dambi dhaaf dalab. Shiikha ayaa si wayn ugu booriyey walaalaha muslimka ahi inay is cafis, is jacayl, isu turid, isu naxariisasho, iyo isu calool fiyoobaan muujiyaan farxadda ciiddana laga garto wajiyadooda iyo warkoodaba. Shiikha ayaa walaalihii soo ciiday uga digay inay is xantaan, is xasdaan, is xaqiraan, is jaajuusaan, is dhiibaan, ama ay is xumeeyaan. Wuxuu shiikhu sheegay dhammaan akhlaaqdaas xun in Allaah iyo rasuulkiisuba ay reebeen, loona baahan yahay in laga waantoobo la iskana ilaaliyo.

Intaa ka dib waxaa dadwaynihii isugu yimaadeen markizka Darul Hijra halkaas oo ay kala kulmeen soo dhoweyn diirran, cunto, cabitaan, iyo waliba carruurta meelo iyo waxyaalo lagu ciyaarsiiyo. Dadka ayaa waxaa aad uga ifaysay farxad aan la qiyaasi Karin oo ay ku faraxsan yihiin markizkaan wayn ee Allaah fadligiisa lagu helay, iyagoo isugu tahniyadaynaayey ka qayb qaadashada mashaariicda lagu hirgalinayo dacwada Alle, isla markaana isku dhiirri galinaya inay sii kordhiyaan wax qabadkooda, iyo ka qayb qaadashada arrimaha dacwada islamka.

Carruurta iyo dhallin yarada ayaa waxaa loo diyaariyey qalab kala duwan oo ay ku madadaashaan, garoomo ay ku ciyaaraan kubbadda kolayga, miiska lagu ciyaaro hockeyga, iyo waxyaabo kale, taasoo ay ka dhalatay inay carruurtii iyo waalidkiiba ay markizka ku nagaadeen ilaa iyo salaaddii cishaha ka dib. Marizkan ayaa ah mid il gaar ah ku eegaya dhallinyarada somaliyeed ee Toronto ku nool, kuna tala jira in dhallintu ay ka helaan adeegyo iyaga munaasib ku ah sida garoomo ciyaareed, iyo qalabka lagu ciyaaro si loogu soo xiro dhallinta maraakizta islaamiga ah. Markizku wuxuu shaqadiisa si rasmi ah u bilaabi doonaa maalmaha foodda inaku soo haya Allah ithankiis, wuxuuna gacmo furan ku soo dhoweynayaa dhammaan walaalaha muslimiinta ah gaar ahaan Somalida Toronto.

Ugu dambayntii wuxuu markizka Darul Hijra idiku bogaadinayaa munaasabadda ciidda isagoo idin leh ciidda ciiddeeda ku gaara nabad, barwaaqo, caafimaad iyo cibaado suubban, "kullu caamin wa antum bikhayr".

A M I N A M I N A M I N A M I N A M I N A M I N

 

abdi hersi
fagare@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | December 8, 2008

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS