SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Tirada Xubnihii Ugu Badnaa Is-bahaysiga oo Ka Dhoofey Jabuuti iyo Kuwo Kale oo La Filayo in....

Duulimaadkii u horeeyey oo ay saran yihiin xubno ka tirsan Is-bahaysiga dibu-xoreynta oo tiradii ugu badneyd ayaa 07/12/2008-da ka dhoofey Garoonka weyn ee caasimda dalka Jabuuti, kuwaasoo ujeedkoodu yahay sidii Is-bahaysigu uga hawlgali lahaa gudaha dalka.

Diyaarada qaadey xubnahaan oo la doonayey in ay ku dejiso Garoonka Xarun goboleedka Shabeelaha Dhexe ee Jowhar ayaa markii ay soo caga dhigatey Garoonka, waxaa digniin lagu siiyey xubnihii saarnaa in aysan ka soo degin, sida aan ka helney ilo wareedyo kala duwan oo ka mid ahaa wafdiga, kadib markii ay ku andacoodeen kuwa joogey garoonka digniin la’aan dhinaca maamulka joogey Gobolka.

Duulimaaadka ayaa markii dambe waxaa loo wareejiyey Garoonka macmalka ee Nambar Konton ee ku yaal Gobolka shabeelaha Hoose, halkaasoo qayb ka mid ah xubnihii diyaarada saarnaa ay diideen in ay ka degaan waxaana loo gudbiyey duulimaadkooda Magaalada Nayroobi ee dalka Kiiniya sida wararku nagu soo gaarayo, maalmaha soo socda ayaa la filayaa I duulimaadyo kale ay gaaraan dalka, taasoo loogu kuurgalayo guud ahaan xaalada Gobolada Is-bahaysigu uu gacanta ku hayo, waxaa kaloo gelinkii dambe 07/12/2008-da ka dhoofey Gudoomiyaha Golaha Dhexe Is-bahaysiga Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo xubno uu hogaaminayo oo kusii jeeda Dubai.

Dhinaca kale Gudoomiyaha Is-bahaysiga Dibu-xoreynta Soomaaliya Sheekh Shariif Sh. Axmed ayaa shir jaraa’id ku qabtey Hoteel Imperial ee caasimada dalka Jabuuti abaaro 8:30 fiidnimo ee 08/12/2008-da, kaasoo uu kaga hadlayo dagaalada ka soo kordhey qaybo ka mid ah Gobolada dalka, isagoo si guud u sheegey in aan xiligaan loo baahneyn in meelaha maamulada ka jira ee nabada ah, in aan laga abuurin colaad, islamarkaana aan laga ceyrin maamulada ka jira deegaanadaasi.

“ma ahan in xilgaan dagaalka lagula jirey cadowga, loo weeciyo gudaha, taasina ma ahan wax loo baahan yahay, dagaalkan waxaa ka faa’iideysanaya cadowga” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Sheekh Shariif munaasabada Ciida Ad-xaha darteed waxaa uu hambalyo u direy shacabka Soomaaliyeed, waxaa uuna ugu baaqay shacabka soomaaliyeed in ay joojiyaan colaaada dhexdooda ah, una sooo jeestaan sidii dalkooda ay u nabadeyn lahaayeen.

Sidoo kale ilo ku dhow dhow Sheekh shariif oo aan si gaar ah ula kulmey ayaa waxay ii sheegeen in kulan qarsoodi ah oo maalmahaan u socdey sheekha iyo Maxamed Ibraahim Bilaal oo Sheekh Muqtaar Rooboow ay si aad ah isugu dhow yihiin ayaa kulankooda wax badan ay isla fahmeen, si wax looga bedelo xaalada murugsan ee soo kala dhex gashey muqaawamada, waa, si ay ugu cadaato jihaadka loo socdo, waa sida warka loo dhigaye.

Xubnaha u yimid Sheekh Shariif oo ahaa laba xubnood oo uu ka mid ahaa Sh. Maxamed Ibraaahim Bilaall oo mudo shan maalmood joogey ayaa Warku wuxuu intaa ku darayaa in waxyaabaha laysku mari waayey ay ka mid ahaayeen sida looga dhaadhicinayo Sheekh Muqtaar Rooboow hawlaha ka socda Jabuuti, inkstoo aan la ogeyn sida ay kuwada heshiinayaan labad Sheekh, Sheekh Shariif iyo Sheekh Muqtaar, balse Maxamd Ibraahim Bilaall iyo Sheekh Muqtaar Rooboow ayaa hore fakir isku mid ah waxay ka qabeen halkii lagu dhisey Is-bahaysiga Dibu-xoreynta Soomaaliya ee Asmara, kama aysan qayb galin shirkii lagu dhisey Is-bahaysiga oo kamana tirsana Is-bahaysiga sida uu ii sheegey, xubintaan il wareeda ah ee ii warameysey.

Maxamed Macallin Cismaan(All-man) Somalitalk Jabuuti.
fatxumaalik@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | December 8, 2008

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS