SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Ciidul Adxaa Oo Maanta (Dec 8. 2008) Laga Maamuusay Magaalooyin Katirsan Gobolada Soomaaliya 
 

Kumanaan dadweyne  ah ayaa saaka is kugu soo baxay Barxadaha waa weyn iyo goobaha masaajidada ah ee Badanaa lagu tukado xiliyada Salaadaha  Ciidaah, waxaa dadkaasi ay maanta mar qura ah oogeen salaada sunnada ah ee ciidul adxaa.

Dad kaan oo is kugu jiray haween, dhalaan iyo ciroole ayaa saaka buux dhaafshay Barxada garoon kubad cagta ee degmadan Baardheere .waxaana saxmadaasi lagu macneeyay ,iyadoo dadku ay maanta ayideen inay tahay maalin ciida taasoo meesha ka saartay kala qobqobnaan muddo dher jirtay 
 
Culumo Magac ku leh Guud ahaan gobolkan gedo ayaa kamid ah dadkii saaka ka jeediyay qudbado kale kala duwan. Waxaana dadkaasi kamid ah sh c/waaxid isxaaq muudeey oo ugu baaqay dhamaan mudlimiinta inay muujiyaan kalsooni iyo isku duubni si buu yri looga gudbado dhabaatooyinka soo foodsaaray umadda soomaaliyeed. 

Dareen farxad leh iyo jawi degan oo ay astaan u noqdeen dad hidhan dharka ciida ayaa gabi ahaanba hareeyay wadooyinka magaalada,waxaana dadku ay isugu bishaaraynayaan udxiyada amaba qowraca maanta oo kale sunnida ah, taasoo maanta ay dadku intoobadan hilib dhaylo ah afka ku hayaan.hase ahaatee waxaa jira dad iyagu ka soo cararay dagaalada iyo colaadaha ka jira k/soomaaliya. 

Munaasabadan Ciidul Adxaa ayaa waxa ay maanta kaga duwanayd kuwii hore, iyadoo dadku aysan isku khilaafin in maanta ay tahay ciid .waxaana tagbiirta laga wada qaaday jiha kasta.taasoo muujinaysa in muddoo dheer kaddib la iska illoobay tafaraaruq iyo kala qeybsanaan. 

Ciidul Adxaa ayaa Saakay waxaa kaloo looga damaashaaday magaalooyinka Garbahaareey,Buurdhuubo ,Dooloow, B/Xaawo, Ceelwaaq Iyo Luuq .waxaana magaalooyinkaasi isugu soo baxay kumanaan dadweyne ah oo salaada ciida halkaasi ku tukaday. Culumaa’udiin goobahaasi dadka kula hadlay ayaa ugu baaqay in la xoojiyo amniga maadaama uu fure u yahay nabadgelyada degaankan. 

Maxamed Gaarane Aadan

Baardheere/GEDO

gaarane68@hotmail.com

Sidii looga Ciidey Minneapolis US... AKHRI....

Faafin: SomaliTalk.com | December 8, 2008

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS