Sidee Looga Ciiday Dalka Koonfur Afrika!!! - Dec 8, 2008
Sawirda Ciida ee Koonfur Afrika halkan ka daawo...
Boqolaal qof oo Soomaaliyeed ayaa maanta isugu soo baxay Halalka waa wayne ee
ku yaala magalooyin waaweyn ee dalka Koonfurta Afrika iyadoo ay tahay markii ugu
horeysey oo ay hal maalin la ciidaan muslimiinta dalkani Calaamka Intiisa kale
oo caadi ahaan ka dambeeyn Jirey maalin aduunka islaamka oo ay Soomaaliya ka mid
tahay.
Magaalada Johannesburg ayaa waxaa aroornimadii hore isugu soo baxay Boqolaal qof
oo Soomaali ah kuwaas u badnaa caruuro iyo xaasas, salaada waxaa lagu tukaday
Hallka Wayn ee Dhisma Amal Shoping Center oo ku yaala Badhtanka xaafada ay
Soomaalida degto ee Mayfair.
Takbiirta waxaa la bilaabay abaaro 6:00, aroornimo, waxaana salaada la tukaday
abaaro 7:15, waxaa ka horeeyey salaada qudbado ku kala baxay luuqadaha afka
Soomaaliga, Afka luuqada English-ka, salaada kadibna waxaa la galay qudbad
carabi ah, dhaaman qudbadaha waxaa looga hadlay fadliga ciida, waajibaadka dadka
muslimiinta ah saaran, iyo in dadka ay wax sadaqaystaan.
Dadka Soomaaliyeed ee maanta isugu yimid dabaal dega ciida Adxaaga ayaa
intooda baddan ku joogey gawaari casri ah oo bilicsan, waxaana guud ahaan ka
muuqatay dhaqnaan iyo ladnaan, waxaa sidoo kale goobta si weyn oga soo muuqdey
haween iyo caruur aad u tiro baddan oo malaha aad is dhahaysay nin kasta oo
goobta joogay xaas iyo caruur ayuu watay, arrintani waxa ay astaan u tahay sida
qoysaska Soomaaliyeed ugu soo badanayaan dalka gaar ahaan Magaalada
Johannesburg.
Cidaan Ciidul Adxaa ayaa Saakay Magaaladatan Johannesbrug lagu damaashaadayey
si heer saraa Dad ka Magaalada ayaa Saaka Suuq yada Xoolaha ka gadanaayey Xoolo
kala duwan oo ay Qalayaan Maalintaan Sharafta Badan Darteed, Wadooyinka
Xaafadaha Xafada ay soomaalidu ka dagto Magaalada Johannesbrug ee Mayfair ayaa
lagu ar kaayey dad wata Xoola kala duwan oo ay Maanta Guryahooda ku qashaan.
Dhanka kale waxaa sidoo kale Soomaalida salaada ciida ay ka oogeen
magaalooyinka Cape Twon, Port Elisaberth, Rustenburg iyo Pretoria iyo
magaalooyin kale oo tiro macquul ah ay ku joogaan.
Si kastaba ha ahaatee Maanta oo ah Maalinta Ciiddul Adxaa, waa Maalin farxad
leh oo ay Dadka Muslimiinta ah si weyn u Maamuusaan, iyadoo ay xusid mudan tahay
in Ciiddan ka mid tahay labada Ciidood ee ay Dadka Muslimiinta ah leeyihiin
sidoo kale waxaa laga dareemayay Muslimiinta Ku nool Wadankani Koonfur afrika ee
Saaka ku ciiday Magaalada Johannesbrug Jawi Nab deed Farxadeed iyagoon is
Bariidinaayey oo is ku Salaamayey Ciid wanaagsan Ciid Mubaarak.
Mohamed Ismail
mismacil@live.co.za
Johannesbrug,South Africa
AKHRI: Sidii looga Ciidey MINNEAPOLIS, USA...
GUJI
Faafin: SomaliTalk.com |
December 8, 2008
|