SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - RA'YI

ETHIOPIAN WAA KAREEN !!!

Abdulghaffar Wardhere

Nairobi – Kenya

Email: abdi.wardhere@gmail.com

Soomaali oo idil “Asalaamu Calaykum Waraxmatullahi Wabarakaatuhu”. Meel alle iyo meeshii ay ka joogaan dunida dacaladeeda, waxa uu maqaalkayga ku socdaa:- Soomaalida wadaniyiinta dhabta ah, jecel wadankooda, jecel nabada, ka fakara mustaqbalka Soomaaliyeed in uu hagaago, ku duceysta in wadankooda uu eebe ugu soo diro kuwa cadaalad u shqaysta.

Kadib salaam, waxaan manta u fakaray aniga oo waliba aad u faraxsan in aan ka hadlo maqaalkaygaan ka hadli doona ama ku saabsanaan doona joogitaanka cadawga shisheeye”Ethiopia” ee sida xaq darrada ah ugu soo duulay wadankeena Soomaaliyeed iyo sababta ku kalliftay in ay kasoo yeerto in ay isaga bixi doonaan meelaha, goobah, saldhigyada iyo waliba fariisimooyinka ay ku leeyihiin dhulka Soomaaliyeed oo idil, waxaanse waa horey u maqli jiraay oraah dhahaysa “DHARIGA MAXAA KARKA KA KEENA, KULEELKA LEE WAAYE” waxay ila tahay akhristoow maanta in aanu joogno ama gaadhnay waqtigii guusha oo aan horey ugu han waynaa ama aan ugu duceysan jirnay aniga iyo dadka kale ee Soomaaliyeed oo jeclaa in ay helaan xornimo toos ah iyo nabad joogto, necbaana in cadawga wadankeena uu si nabad ah ku joogo si nabad ahna uu uga baxo.

NIN GAR DARRAN, MA GUULAYSTO:-

Cadwga Ethiopia ee wadankeena Soomaaliya sida xaq darada ah ugu soo duulay, waxay wadankeena soo galeen mudo hada lagu qiyaaso laba sano, waxayna sidoo kale ku dhawaaqeen in dabayaaqada bisha December 2008, ay wadanka Soomaaliya gabi ahaanba isaga bixi doonaan, waxayna kale oo ay sheegeen in aysan diyaar u ahayn; taageerida Dawlada uu madaxda ka yahay Abdulahi Yusuf Ahmed, balse akhristoow, waxaa is waydiin mudan waxa Dawlada Ethiopia ku kaliftay in ay wadanka Soomaaliya isaga baxaan, waxaana is oran karnaa siyaabaha soo socda in ay tahay waxa Ethiopia ku kalliftay ka bixitaanka Dhulka Soomaaliyeed:-

  1. Qorshihi ay wadanka Soomaliya ka damacsanaayeen oo idil ayaa ku fashilmay.
  2. Is af-garanwaa ka dhex dhashay iyaga iyo Dawlada uu madaxda ka yahay Abdulahi Yusuf Ahmed.
  3. Waxay arkeen in aan shacabka Soomaaliyeed, la gumaysan karin, lana dheel-dheelaysan karin.
  4. Waxay sugi waayeen amniga caasimada Mogadishu, iskaba daa in ay sugaan wadanka oo idile.
  5. Waxay arkeen dagaalyahanno mintidiin ah, oo aanba ka cabsan dhimasho iyo dhaawcba.
  6. Caalamka oo ka gaabsaday taageeridooda ku saabsan arimaha Soomaaliya.
  7. In ay ka caroodeen khilaafka soo noq-noqonaya ee u dhaxeeya madaxda ugu sar-sareysa ee Dawlada Soomaaliya.  

Intaa iyo ka badan markii ay arkeen cadawga Ethiopia, ayay go’aan kama dambeyn ah gaareen oo ay isaga baxayaan Wadanka Soomaaliya oo markii horeba waqtigii loo qabtay in ay kaga baxaan Dalka Soomaaliya uu ahaa 120 maalmood kuna ekaa 21 November, 2008 ee bishii lasoo dhaafay, waxay kaloo ay sheegeen cadawga Ethiopia in ay ciidamadeeda ku daad gureyn doonaan dhinaca bada, laakiin Dawlada uu madaxda ka yahay Abdulahi Yusuf Ahmed ayay dhabar jab ku noqon doontaa, illeen Ethiopia waxay ahaayeen cadawga koowaad ee ugu awooda weyn hadana garabka siinaye Dawlada Soomaaliya, waxaana badali doono ciidamada AMISOM oo anigu aan u arko in ay yihiin cadaw labaad, maxayse shacabka Soomaaliyeed u kala dhaamaan cadawga Ethiopia iyo AMISOM taas ayaaba is waydiin mudane?

MAHAD GAAR AH:-

Waxaan mahad gaar ah usoo jeedinayaa, walaalaha u huray naftooda sidii ay wadankooda cadawga uga xureyn lahaayeen, gacasatada iyagana u huray maalkooda si ay ugu fan-gareeyaan, Mujaahidiinta Al-Shabaab iyo kuwa garabkooda ah ee Maxaakiimta Islaamiga, waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa sidoo kale, shahiidiinti ka tagay, waalidkooda, walaalahooda, xaasaskooda, caruurtooda iyo waliba ehelkii iyo qaraabadii ay ka tageen in uu eebe sabar iyo iimaan ka siiyo, illeen waxay u dagaalamayeen wadankooda, si ay uga saartaan cadawga sida naxariis darrada ah ugu soo duulay wadanka Somalia, awalna eebe ayaa keensaday kawn-kaan, hadana isagaa ceshtay.

FIIRO GAAR AH:-

Waxaan ka afeefanayaa ama aan ka cudur daaranayaa in aad iga cafisaan hadii uu iga dhaco qalad, isla qaladkaasna aad iga qabataan oo aadan igu eeganina, “Illeen ruux aan wax qaldin waxba ma saxee”. Sidoo kale waad ila soo xidhiidhi kartaan waliba adinka oo aad u mahadsan.

Alle Ayaa Mahad Leh!

Abdulghaffar Wardhere

Nairobi – Kenya

Email: abdi.wardhere@gmail.com


Afeef: Aragtida qoraalkan wxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | December 7, 2008

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS