SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Xaflado xiritaanka sanad dugsiyeedka mandarasooyinka Soomaalida K/Afrika

Sawirada Halkan ka daawo....

Boqolaal caruur Soomaaliyeed ah ayaa markii ugu horeysey si isku mid ah K/Afrika waxaa oga socota daruus diini ah iyo mid maadi ah kuwaasoo ka baxaya machadyo iyo mandarasooyin ay Soomaalidu sanadihii dhawaa ka fureen dalkani oo horaan caruurta Soomaaliyeed ay aad ugu yaraayeen (WARBIXIN labbo dhacdo oo isku mid ah).

Warbixintani waxaan idinkaga heeynaa labbo xafladood oo xiritaan sanad dugsiyeed ah oo ka kala dhacay Pretoria iyo Johannesburg.



Johannesburg: xaflad si heersare loosoo agaasimey oo lagu xiriyaya machadka SIREC iyo mandarasada Cumar Faruuq ayaa lagu qabtey hoolka shirarka ee daarta AMAL ee Johannesburg. Xaflada oo ay kasoo xaadireen boqolaal caruur Soomaaliyeed iyo waalidiintooda, iyo waliba kasoo qeybgalayaan ay ka mid ahaayeen marti sharaf ayaa abaalmarino lagu gudoonsiiyey ku dhawaad 20 arday oo kaalimaha koowaad illaa sedexaad ka kala galay fasalada ay dhigtaan.

Machadka SIREC oo uu asaasay Sheekh Cumar Faaruuq sanadii 2004 tii ___halkaasoo ah meesha mandarasada ay ka qaadatay magaca Cumar Faaruuq___ ayaa waxay ka koobanyahay machad ay dadka waaweyn wax ku bartaan , mandaraso carurta ah iyo gabdhaha ah iyo iskuul maadi ah oo iminka maraya sanadkii labbaad, iyo waliba xarun cilmi baris ah sida uu ii sheegey Sheekh Maxamed Abuukar oo maamulka machadka ka mid ah..

Sida uu xaflada ka sheegey maamulaha machadka Sheekh Cabdixakiim Ismaaciil Cilmi oo qudbad qiimo baddan ka jeediyey, machadka waxaa lagu bilaabay 12 arday oo kaliya, iminkana waxaa dhigata ku dhawaad 200 arday, maamulaha ayaa faahfaahin ka bixiyey xaalada waxbarasho ee ardayda iyo xaalada machadka, wuxuu sheegey in ay wax ka dhigaan 20 macalin, kuwaasoo 12 ka mid ah ay mushaarkooda bixiso hey'ad qeeyri ah oo lagu magacaabo Crescent of Hope taaso sidoo kale machadka ugu yaboohdey dhismaha labbada dabaq ka kooban ee uu ku fadhiyo, halka 8 macalin ee soo hartay ay mushaarkooda bixiyaan xawaaladaha Dahab Shiil, Kaah, iyo Amal, iyo waliba maqaayadaha laga cuneeyo iyo ganacsato Soomaaliyeed.



Sheekha waxa uu u mahad celiyey dhamaan dadkii ka qeybqaatay taakuleyta machadka, wuxuuna ugu baaqay in wali ay jirto baahiyo taagan loona baahanyahay in ummada Soomaaliyeed gacmaha iska qabsadaan. Waxaa xusid muddan in uu xaflada hadal ka jeediyey Mufti Xusseen Bayaadh oo ah madaxa hey'ada daqliga ugu baddan machadkani ku bixisa ee Crescent of Hope, wuxuu yiri "hey'adani waxaan asaasnay 1999 kii waxaana loo asaasay in lagu caawiyo dhibaatadii xiligaasi Soomaaliya ka jirtey, waxaan ka howlgalayney xarooyinka qaxootiga Kenya ee Soomaalidii soo barokacday, waxaa xusid muddan in hey'adii loo dhisey in ay caawiso Soomaalida Soomaaliya iminka ay caawineyso soomaalida South Africa oo aan xiligaasi la asaasayay laga fikiri karayn suurtagalnimadeeda" ayuu yiri Mufti Xusseen Bayaadh oo sanadkani dhexdiisa lagu xirey garoon Uganda ku yaala isagoo safar uu mucaawino Kenya ugu qaaday kasoo noqdey, arrintiisa waxay dhalisey muran duplamaasiyadeed oo culus oo dhex maray South Africa iyo Uganda, kadibna waa lasoo soo siidaayay.

Waxaa sidoo kale hadal dheer ka jeediyey Sheekh Cali oo ka mid ah culumada iyo odayaasha caanka ah ee Johannesburg ku dhaqan, wuxuu dadka ugu dardaarmay wanaag iyo qaadashada islaamka, waxaa kasoo qeybgalay oo kale imaamka masaajidka Shaafici Sheekh Maxamed Amiin,Sheekh Ibraahim Xirsi , Ganacsade Xaaji Muuse Ganjab, iyo Sheekh Abuukar oo ka mid ah odayaasha magaalada laga qadariyo.

Gabgabadii waxaa ardayda la gudoonsiiyey hadiyado boorsoonin yaryar ku jirrey, waxaana dadkii kasoo qeybgalay ay si weyn ugu xasuusanayaan codkii naaxiyada lahaa ee arday aadka u da'da yar ay ku luuqeeyeen markii ay bandhiga samaynayeen.

Pretoria: si la mid tii hore xaflad kale oo si wanaagsan loosoo agaasimey ayaa lagu qabtay xafada dadka maalqabeenada ay degaan ee casimada dalka ee Pretoria, xaafadu waa Lodium halkaasoo ay ka furantahay mandarasada Al-Furqaan oo lasoo xirayay sanad dugsiyeedkii.

Waxaa xaflada ka qeybgalay madaxda jaaliyada Soomaalida oo hadalo gubaabo ah ka jeediyey, Maxamed Cabdi Diiriye oo ah gudoomiyaha jaaliyada SASA ayaa amaanay dadaalka macalimiinta kuna booriyey waalidiinta in ay hor usii wadaan dadaalkooda, waxaa sidoo kale ka qeybgalay madax ka socotey ururada muslimiinta dalka iyo qaar ka mid ah madaxda xaafadaasi.

DR. Cabdullaahi Carte waa maamulaha guud ee mandarasada Al-Furqaan , hadal uu xaflada ka jeediyey ayuu waalidiinta ku booriyey in ay caruurtooda kula dadaalaan waxbarashada diiniga ah, wuxuu caruurta ku amaanay dadaalka iyo kartida ay muujiyeen.
DR. Carte wuxuu ii sheegey in sanadka dambe ay filayaan arday ka baddan tan iminka dhigata, sanadkastana caadi ahaan ay soo kordhaan ardayda, wuxuu rajo ka muujiyey xaalada waxbarasho iyo mustaqbalka caruurta Soomaaliyeed.

Waxaa dadkii ka qeybgalay si weyn usoo jiitey nasiidooyin la yaab leh oo ay caruurta qaadayeen, kuwaasoo dadka qaarkood ay la qashuuceen.

Gabogabo: tani waa astaan wanaagsan oo muujineysa sida waalidiinta Soomaaliyed ee kusii kordhaya dalkani ay diyaarka ugu yihiin in ay caruurtooda diinta kula dadaalaan, dalka waxaa ka furan illaa 6 (Johannesbur 2, Pretoria 2, Cape Town 1, Port Elisaberth 1) mandaraso inta aan ogahay, dhamaantoodna waxaa buux dhaafiyey caruur Soomaaliyeed oo si xad dhaaf ah dalka ugu soo kordhaya.

Sanooyin ka hor ma ahayn wax laga fikiri karay caruur dariiqyada xaafada qaar kugu jiirta oo Soomaali ah, waxaana qariib ahaa in aad aragtid ilmo Soomaaliyeed, iminkana kaliya arki meeysid ilmo Soomaaliyeed ee waxaa kuu dheer isagoo qamiis xiran oo kutubna golonka ugu jirro.

Cabdinaasir Axmed. (Saxansoxo) Email: Saxansoxo1@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | December 7, 2008

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS