SOMALI TIGERS OO NOQOTAY KOOXDA SANADKA 2008 EE GOBOLKA MINISOTA
Waxaa maalintii Sabtida taariikhduna ahayd 11/29/2008 Magaalada Burnsville ee
Gobolka Minisota, USA lagu soo gebagebeeyay tartanka Kubadda cagta ee Somali
Fall League 2008, waxaana ku guuleystay Tartankaas kooxda Somali Tigers.
Ciyartii kama dambeysta ahayd ayaa dhexmartay labadda kooxeed ee kala ah Somali
Tigers iyo Cedar Stars, isla markaana ahayd mid aad iyo aad u adkeyd. Macalin
Barkhad iyo kooxdiisa Cedar Stars ayaa qaybtii hore cayaar wanaag soo bandhigay,
weerar is daba joog ah oo xamaasad lehna la beegsaday S. Tigers, balse waxay
qaybtii hore ku soo gebagebowday barbar dhac 2-2. Qaybtii labaad ee cayaartan
kama danbaysta ah ayey labadda kooxiba fooda isa saaren iyaga oo dar dar iyo
dadaal dheerad ah muujinaya. Kooxda Somali Tigers ayaa waxa ay lasoo if bexeen
farsamo iyo dar dar aad u xoogan taas oo u suura gelisay inay guushu raacdo,
koobkana ku qaadan natiijo dhan 5-3.
Qoraalka iyo
Sawirada oo weyn halkan ka eeg (PDF)

Kooxda Somali Tigers

Kooxda Cedar Stars
Cayaartan oo ahayd mid aad xiiso iyo xamaasad xoogleh u leh ayaa waxaa ka soo
qeybgaleen gudiga cayaaraha ee gobolka Minisota oo iyagu billadaha gudoonsiiyay
cayaartoydii iyo kooxihii iyagu mutaystay abaalmarinta. Gudiga cayaaraha oo ay
qaarkamid ahi ahaayeen cayaartooydii hore ee dalka Soomaaliya, sida Cabbdullahi
Morgan, Sacid Mashaale, Cabdiraxman Amaan, Cabdiasis Bixi iyo Maxamud Madaxey
ayaa iyagu hadalo guubaabin iyo wacyi galin iskugu jira la wadaagay
cayaartooydii halkaas iskugu yimid. Waxaa kaloo cayaarta daawanayey Dadweyne aad
u tiro badan iyo marti sharaf kale oo kamid ah bulsho weynta Soomaaliyeed ee
degan gobolka Minisota.


Kooxda Somali Tigers
Qoraalka iyo
Sawirada oo weyn halkan ka eeg (PDF)
Cayaartoygii ugu wanaagsanaa cayaarta kama danbaysta ah ayaa waxaa noqday Diini
Axmed oo isagu u ciyaara S.Tigers. Bashiir oo u ciyaara kooxda Midnimo ayaa
wuxuu noqday cayaartoyga ugu wanaagsanaa tartankan. Khalid (Okocha) oo u ciyaara
kooxda Cedar Stars ahna wiil aad u da’a yar ayaa wuxuu ku guulaystay abaal
marinta gool dhaliska, halka macalin Carab Dheere oo macalin u ah kooxda Twin
City Stars uu isaguna hantay bilada macalinka ugu wanaagsanaa tartanka. Gool
haye Abdiqani Ducaale oo u cayaara kooxda Communality ayaa noqday gool hayihii
ugu wanaagsanaa tartanka. Abdinuur Jama (Buulo) ayaa helay abaal marinta difaaca
ugu wanaagsanaa tartanku intuu socday. Abdi Najiib oo ah maamulaha guud ee
kooxda Cedar Stars ayaa noqday abaabulaha iyo maamulaha ugu wanaagsan ee maamula
koox kamid ah kooxaha Gobolka Minisota ka dhisan .
Kooxda Somali Tigers ayaa waxay noqotay kooxda ugu wanaagsan ama kooxda sanadka
2008 ee Gobolka Minisota ee dalka Maraykanka. Kooxdan ayaa waxay ku guulaysatay
afartii koob ama horyaal ee sanadkan lagu qabtay gobolkan Minisota, halka ay
gaareen ciyaarta kama dambaysta ah koobka weyn ee lagu qabto magaalada Columbus
ee gobolka Ohio.
Macalin Jibriil oo ah macalin aad u da’ yar ahna macalinka sanadka sida aan
anigu u arko ayaa intii uu la wareegay xilka macalinimada kooxda Somali Tigers
ayay u suurto gashay in uu soo hooyo guulo badan, kooxdiisuna ay hanatay afar
koob oo is daba joog ah. S. Tigers ayaa soo bandhigta cayaar wanaag joogto ah
iyaga oo dhankasta ka dheeli tiran, tartan kasta oo ay ka qayb galeen sanadkan
2008 cayaarta kama danbaysta ah soo gaaray, dabadeedna hantay abaal marinta
koobaad.
Qore: Abdirahman Mukhtar (Abdirashiid)
Minneapolis, MN USA
Abdirahmanmukhtar@gmail.com