QUUSANAYE KEE HORDHICI QARAN SOMALIA IYO QIYAAMAHA?
Marka aad dhab u eegto Cinwaanka qormadan wuxuu kuula muuqandoonaa
Rajobeel balse ilaah ayaa waxa soo socda ogaalkeeda leh ee
waxaan qiyaasi doonaa sida ay iila ekaatay.
Somalida wixii ay weyso ayay ku tilmaantaa wax aan
dhicibarabin oo inta la sugayo Qiyaamaha ka dhacayo marka la
saadaaliyo xaalada Jaah wareerka iyo dhibaatada Rubac Qarni
gaadhay oo aad fiiriso Maxaa la isku haystaa waxaad garowsan in
aanahay dadka aan la aqoon waxa ay doonayaan,
Marka aad dib u gocato Sanadihii burburka oo aad xasuusato
asxaabtaadii ama Dhalinyartii aad dariska ahaan jirteen oo aad
ogaato in ay barakaceen inta badana baaba,een , Markaad u
laabato kuwa hada jooga fakarkooda iyo dhibaatadu halkaymarayso
ayaa waxaa durba niyada kaa haleelaya rajaxumo kaaga muuqanaysa
in Qaran Somaliyaba uusan soo socon.
Waxaa maalinba maalinta ka danbaysa dhagahaadu sii maqlayaa
dhawaq Naxariis la aaneed iyo xaalad dhibaato , waxaad
dhagaystaa waa dhibka iyo Baaba,a umada somaliyeed marna
dhagahaadu maqlimayaan horumar iyo wanaag ku saabsan dalkeena
iyo dadkiisa.
Waxaa hubaal ah oo aan qarsoonayn Muwaadin kasta oo Soomali
ah marka uu isku dayo in uu micne u raadiyo sababaha Dadkiisa
iyo Dalkiisu dhibaadataan ugu jiraan ama sababta diidan nabad
ka dhalata Gayigeena waxaa u soo baxaysa Jawaabta =0) oo ah in
aysanba jirin wax la isku haysto ee arintu tahay Dhibku dhalo
kuna jir ilaa dhimashaadaada ka imaanayso.
Laga soo bilaabo Xiligii ay jabhada Abaabulan la wareegeen
Somalia Lagana raacdeeyay madaxweynihii Soomaaliyeed Maxamed
Siyad bare ayaa waxaa Maalinba maalin lagu sii amaahanayaa in
la helo Kala danbayn iyo Nabad laakiin Howsha ayaa ah mid aan
Alle Xagiisa ka noqon waxaana habeenkata Umada soom aaliyeed
Marti u yihiin Mayd iyo Mucjisooyin dagaal aan dhamaad lahayn.
Aduunka Colaadi waaka dhacdaa iyo Dagaal laakiin umad kastaa
waxay Nasiib u yeelataa in ay ka heshiido isna dhax galaan
balse Dadkeena Soomaliyeed Maxaa sidaani baday.
Maxaa Dadkeena u diidan nabada miyaysan Nabadu macaanayn?
Maxay ugu faanaan Colaada miyaysan Noloshu qiimaba ulahayn?
Maxay isu Dilaan dil aan qiil lahayn Miyaysan Alle Aqoon islaam
ayayba sheegtaane?
maxaa garashada wanaagsan u diiday miyaysan wax garad lahayn?.
Somaliyey hadii aan su,aalo kale idin sii waydiiyo
Hadii aan bari hore Jabhada Qabiil dadkeena dhameeyeen
markale Huggaamiye kooxeed u xirnayn oo dadku ku dhimanayeen
gacan hugaamiye kooxeed Qabiil ku daaban, Hadana aan u gudubnay
in aan isu dilno Dowlad aan raali laga ahayn iyo Dadka
soomaaliyeed markake isu dilnay Kacdoono iskood u baabulan,
Marna ay gacan cadow oo anan gabaad aan ka galno haysan ay
naga aargoosatay walina aad u jeedno calooshood u
shaqaystayaal cusub oo u diyaara dilaanimada dadkooda .
Intaas iyo inka badan markaad isweydiiso waxaa niyadaada soo
galaya haba dhowran in Dal aad leedahay ku raaxaysato ama ku
faanto.
Geedi socodaka dhibaatada tii ugu niyadjabka iyo calool
xumada badnayd
Ilaahbaa umadeena ku manaystay wanaaga diinta islaamka oo ah
shay aysan helikarin qof aana ilaah ugu talo gallin aydadoo
sidaasi ay tahay ayaan hadana umadeena Soomaaliyeed aysan waxba
uga badalanayn wadamada cilmaaniga ah ayagoo ay ka maqantahay
dhowritaanka iyo ilaalinta xaquuqda qofka islaamka ah uu ku lee
yahay islaamka dhaxdiisa iyo xadka ilaah uu siiyay qofka
islaamka ah oo ay dhaafeen.
Waxaa iska caadi noqotay in ninka masaajidka ka soo baxa la
dilo asaga oo aan aqoon sababta lagu dilay iyo waxa uu
galabsaday waxaa sidoo kale midka dilay uusan haysan sabab rasmi
ah oo uu ku dilay walaalkiisa muslim ka ah, taasina waxay
jawaab cad u tahay in la gaaray xiligii ilaah nuugu yaboohay in
umadaani isdili doonto sabab aan midka wax dilay iyo ka
ladilayba uusan aqoon jawaabteeta.
Waxaa kale oo calool xumo iyo murugo uur ku taalo ah in
dagaal uu dhex marayo mararka qaar laba garab diimeed oo
midkastaa midka kale ku tilmamayo gaalnimo iyo kufri uu ku jiro
taasina waxay kaliftaa in ay dagaalamaan waliba ayaga oo ku
sheegaya Jihaad ay jana ku galayaan ma u qaadan kartaa in ay
jawaab cad oo aan la dafiri karin u tahay xadgudubka ay umada
soomaaliyeed ka galeen diinta islaamka oo ah mid
xaaraantinimaysay dilka iyo is cadaaweynta walaalaha islaamka .
Duulkii la royahaa ra,i ma yeeshaani bal eeg sidan.
Dhulka oo rogmada waa midka mid ah Imtixaanka aadaha looga
abaalmariyo dhibaatada uu gaystaye
1. hadii ilmihii soomaliyeed ay dilayaan ehelkoodii ayaga oo
sheeganaya in ay diin difaacayaan.
2. Hadii aabihii soomaaliyeed oo gadanayo dhiiga wiilkiisa
uuna daboolsaarayo xukunka ilaah u dajiyay qofka qofkale dila in
lagu abaal mariyo.
3. Hadii aqoon yahanku wax u barto xaasid nimada qolo uu
qabiil ahaan iyo gobol ahaan uga soo horjeedo.
5. Hadii sheekhu ama Culimadu diitii sikale u micneeyaan
xaasidnimo uu wadaad kale u hayo aawdeed .
6. Hadii ninkii la aaminaa mas,uuliya la saaray uu ka jecel
yahay qabiilkiisa iyo qiyaamada umada soomaaliyeed .
Hadii hay,adaha umada u dhaxeeya sida Saxaafda ay qabiilkooda
ka jeclaadeen u shaaqaynta danaha dad kooda .
Sow kama uur godid in somalia oo mid ah aad aragto ama
ayada oo nabad ah
Waa socdaa maqaalkan

WQ/: Shariif C/nuur Xassan (shafka)
shariifqoobey@hotmail.com