Xafiiska Gargaarka bani,aadaminimada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya
oo baaq ka soo saaray xaalada Bani,aadanimo ee Dalka Soomaaliya.
Xafiiska gargaarka bani,aadanimada qaramada midoobay ee dalka soomaaliya
ayaa warbixin sanadla ah ka soo saaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya
warbixinta ayaa waxaa lagaga hadlayaa xaalada bini,aadanimo ee dalka
soomaaliya oo ay colaado iyo dagaalo sokeeye naafeeyeen.
Hayada OCHA ee gargaarka bani,aadanimada qaramada midoobay ayaa baaqan
soo saartay 5december waxayna ku cadaysay faaladan''mashaariicda
horumarinta ee hayada sanadka 2009 waa kuwo fure horumarineed
ah.warbixinta ayaa lagu sheegay in 1December laga soo saaray magaalada
Nairobi waxaa la sheegay in US $918 million lagu fangaraynayo 200
mashaariic ah oo ka imanaya 14 hayadood oo qaramada midoobay ah 32 NGO
yo caalami ah iyo 39 NGO maxalia ah.
Waxaa sii kordhaya baahida loo qabo dhaqaalaha iyadoo sanadkii 2008da la
bixiyay US$662 million halka sanadakan 2009 loogu talo galay US$918
million iyadoo tirada dadka u baahan gargaar bani'aadanimo ay dhanyihiin
(3.2million) sanadakan.
Markaan fiirino xaalada manta taagan waa mid aad ugu dhaw kalabar dadka
in ay haystaan waxyeelo iyo dhibaatada colaadaha sii baahaya maalinba
maalinta ka dambaysa arintuna waa mid maraysa heer aad uxun mana jiraan
wax badbaado ah waxaa saas yiri''isku dubaridaha gargaarka bani,aadanimo
ee qaramada midoobay mr:Mark Bowden 'waxaa su,aal la,aan ah sanadka
2008da hawlgalkii bani,aadanimo ee dalka soomaaliya waxa uu ahaa mid ku
qotoma sidii dadka looga saari lahaa dagaalada kulul ee u dhexeeya
kooxaha iska soo horjeeda waxaana sii kordhayay tirada dadka tabaalaysan
ee u baahan Naxariista si deegaanadooda looga fuliyo hawlgalo
bani,aadanimo .
Waxaa adkayd in deegaanada laga fuliyo hawlgalo wax looga qabanayo
dhanka bani,aadanimo ee dalka soomaaliya .hadaba marka laysku daro
waxyaalaha ay dadku u baahanyihiin waxay ay ahaayeen Caafimaad ,quudin
,Biyo iyo nadaafad si loo badbaadiyo nolosha dadka caadiga ah si si
dhaqso ah loo gaaro ujeedooyinka la higsanayo ,waxaan rabnay inan ka
hortagno in guryaha laga barakoco iyadoo ay jireen kor u kac sare oo
xaga cunada ah iyadoo ay yaraayeen waxsoo saarka xaga cunada.balse
sanadkan fooda inagu soo haya ee 2009 waxaan rabnaa inan haqabtirno
waxyaalahas oo dhan.
Hawlaha bani,aadanimada arimaha soomaaliya sanadkii 2008 waxay ahaayeen
kuwo lagu bixinayay baahiyo kala duwan sida xadidka u dhaxeeya –hantida
–badbaado –iyo amaanka shaqalaha (8%)beerashada iyo nolosha caadiga
ah(24%)caafimaadka(40%)waxbarashada(42%).
Shaqadii ugu dambaysay ee quudinta waxaa qabatay UN food security
analysis unit (FSAU) bilihii October &November waxay sheegtay in hawlaha
bani,aadanimo ay ka fulisay qaybo ka mida gobolada dhexe ee dalka
soomaaliya .
Iyadoo ku dhawaad ay quudin u baahnaayen 6% marka la barbardhigo bishii
may oo ahayd 3% iyo sidoo kale kaalmooyinka degdega ah ee waxyaabaha la
danaynayo 4%.(FSAU) ayaa iftiimisay waxyaalaha loo baahanyahay si loo
ilaaliyo nolosha bani'aadanimo si dadka loo badbaadiyo.
Barnaamijka cuntada aduunka ee WFP ayaa sheegay inay 1250 mt oo cunto
gargaara gaarsiiyen 41 kaan oo ah dadka soomaaliyed ee ka gudbayay
xuduuda gobolka Gedo iyo gobolada jubada dhexe iyo jubada hoose ee
soomaliya iyagoo ka gudbaya magaaloyinka mandera iyo liboi markii dib
loo furay xududa Kenya ee soomaaliya 28kii bishii November ayaa dawlada
Kenya xirtay xuduudeda markii rakaab aad ufarabadan iyo dad magangalyo
doon ah usoo jeheysteen dalka Kenya oo xuduud la leh soomaaliya iyadoo
markaasi cabsi ka qabtay kooxaha islaamiyinta ah ee gacanta ku haya inta
badan soomaaliya.
10november ayaa iyana magaalada EL-waaq ee waqooyi
bari Kenya laga afduubtay labo haween soorooyin ah oo ka shaqeynayay
arimo bani'aadanimo .
Shaqalaha caalamiga ah ee ka shaqaynaya arimaha gargaarka ayaa kooxo
dablay ah afduubtaan ama dilal u gaystaan taasina waa sababta ay usii
yaranayso in la wanaajiyo tayada gargaarka cunto qaybinta.
Sidoo kale 30 november dooni siday raashin gargaara oo siday 11,000 mt
oo galay ah ayaa tagtay dekeda magaalada berbera.
Doonida ayaa kazoo kicitintay dekeda mambasa waxaana waday markab dagaal
oo NATO leedahay iyadoo laga cabsi qabay kooxaha burcad badeeda
somaalida .
Doonyaha gargaarka sida ee kusoo xirta dekedaha magaaloyinka boosaaso
iyo berbera waxaa ay marka hore ka yimaadan jabuuti.
Barnaamijka cuntada aduunka ee WFP ayaa sheegay in 1366 mt oo cunto ah
ay gaarsiiyen dadka tabaaleysan ee kunool bartamaha iyo koonfurta dalka
soomaaliya iyo waqooyi bari soomaaliya.
Sidoo kale WFP ayaa sheegtay inay qaybisay 27630 mt oo cunto ah una
qaybisay 1.6 million oo soomaali ah, bisha December ,isku soo wada duubo
260,860 ayaa u baahan naxaris bani,aadanimo barnaamijka ayaa ah
barnaamijka taagerada bulshada si quudinta loo sii baahiyo 656,980 oo
dad baracayaal ah ayaa iyana gargaar la gaarsiyay iyadoo guud ahaanba
gargaarku sii baahayay arimaha bani,aadanimada maadama ay jiraan colaado
iyo sicirbarar aad u baahsan oo dadka aafeeyay.
Iyadoo hayadu ku eegaysay warbixintan gargarka bani'aadanimo e loo
baahanyahay maadama dagaal joogta ah dhacayo.
Waxay ku eedaysay in kooxaha iska soo horjeeda ciidamada itoobiya iyo
kuwa dawlada KMG AH oo dhinaca iyo kooxaha islaamiyiinta ah ay badanaa
gaystaa xasuuq bani,aadanimo .
C/rashiid maxamed daahir
lacle1004@gmail.com