Prof-Muxiyadiin Cali Yuusuf oo la kulmay Qaar ka mid ah Siyaasyiinta
Puntland.Musharax Prof Mixiyadiin Cali Yuusuf oo u taagan xilka
Madaxwaynanimo ee Puntland ayaa maanta Dec,06,2008- ayaa la kulmay qaar
ka mid ah Siyaasiyiinta Puntland, Kulankaasi oo ka dhacay Hotel Karaama
2- ee duleedka Magaalada Bosaaso, ayaa ugu horayn waxa laysla soo qaaday
sidii Puntland looga dhalin lahaa Is Bedel dhab ah.
Prof-Muxiyadiin Cali Yuusuf oo ugu horayn kulankaasi ka hadlay ayaa
sheegay inuu kulankan uga Gol"lahaa sidii Puntland looga dhalin lahaa Is
Bedel dhab ah, Prof-ka ayaa u sheegay siyaasiyiintii halkaasi joogtay
inay lagama maarmaantahay in Puntland la Bad-baadiyo si loo gaadho
Hormar iyo Cadaalad.
Prof-ka ayaa Farta ku fiiqay in la doonayo in Hogaanka Puntland loo
dhiibo dad aqoon u leh isla markaana dhalinyarada wax laga siiyo Talada
siyaasadee ee Puntland, Muxiyadiin ayaa ku Cel Celiyay in 10-kii sano ee
Puntland jirtay ay noqday Hal Bacaad lagu lisay isla markaana ay
Siyaasadee Puntland Hadaan ka tuureen kuwii markaasi xilka hayay.
Musharax Prof-Muxiyadiin Cali Yuusuf waxa uu dhanka kale sheegay in
doorashada Pl ee la sugayo 2009- wixii ka danbeeyo Puntland loo
baahanyahay in laga dhaliyo Siyaasad Cusub oo dhamaan ay u bogaan
shacabka daalan ee Puntland.
Muxiyadiin ayaa ku Nuux-Nuuxsaday in hogaanka Puntland ee haatan
wakhtigiisii sii dhamaanayo ay Marin habaabiyeen siyaasadii Puntland
isla markaana ay dhaqaalihii Gobolka ku shubteen meelo gaar ah, Prof-ka
ayaa ka digay in wax kasta oo Khal khal galinkara Doorashada Puntland ay
ka Fogaan Masuuliyiinta haatan talada haya.
Prof- Muxiyadiin Cali Yuusuf ayaa ah nin aqoonyahan ah isla markaan waa
Musharaxii ugu horeeyay ee sheegay in u taaganyahay xilka Madaxtinimo
Puntland waxana uu safka hore kaga jiraa dadka lagu tiriyo inay
doonayaan in Puntland lagu soo dabaalo Nabad ,Cadaalad.
Siyaasiyiintii halkaasi joogtay ayaa waxa ka mid ah Ibraahim Cartan
Ismaaciil [ Xaaji-Bakiin] iyo Ismaaciil Buraale dhamaan siyaasintii
halkaasi joogtay ayaa ahaa kuwa xilal haatan ka haya Puntland iyo waliba
kuwa Wasiiro ka ahaan jiray Dawladihii soo Maraya Somaliya.
Jaamac Feyte
Bosaaso-