Jaaliyada Soomaaliyeed ee magaalada Gothenburg ayaa si heersare ah u
soo dhaweysey halgamaa Caasha Xaaji Cilmi oo ku guuleysatey bilada RIGHT
LIVELIHOOD-AWARD.

Caasho Xaaji, Ikraam, Sheekh C/rashiid iyo Odey Cosoble
Magaalada Gothenburg ee dalka Sweden ayaa habeenkii ay taariikhdu
ahayd 04-12-2008 lagu qabtey xaflad si heersara ah loo soo agaasimey oo
lagu soo dhaweynayey marwo Caasho Xaaji Cilmi oo sanadkan ku guuleysatey
bilada sharafta weyn huwan ee
LIVELIHOOD-AWARD.

Caasho Xaaji Cilmi ayaa mudo aad u dheer ku howllaneyd daryeelka
haweenka Soomaaliyeed iyo caruurtooda ee sida aadka ah ugu dhibaatoodey
dagaaladii sokeeye ee Soomaaliya ka dhacey. Caasho Xaaji ayaa sidoo kale
dadaal dheeri ah u gashey sidii nabad loogu soo dabaali lahaa dalka
Soomaaliya iyada oo ka qayb gashey shirarkii dib u heshiisiinta ee ka
dhacey Carta iyo Embegati, iyada oo kaalin lixaad leh ka qaadatey sidii
ay isugu soo dhaweyn lahayd siyaasiyiintii shirarkaa ka qayb galey.

Kulankaa oo ay dadweyne fara badan ka soo qayb galey ayaa waxaa
madasha kulanka xiriiriye ka ahayd suxufi Ikraam Cali Kaar waxeyna ugu
horeyntii codbaahinta ku soo dhaweysey Sheekha magaalada Sheekh
C/rashiid Maxamed oo kulanka ku furey aayado Quraan ah, kadib waxaa
ereyo soo dhaweyn ah halkaa ka jeedyey gudoomiyaha gudiga qaban qaabada
xaflada Cabdalla Aadan Xasan (Cabdalla Siyaasi) oo ah xildhibaan ka
tirsan golaha degaanka magaalada Gothenburg.

Cabdalla Aadan (Cabdalla Siyaasi)

Soo dhaweyntaa kadib waxaa markale codbaahintii lagu wareejiyey
Sheekh C/rashiid Maxamed oo halkaa ka soo jeediyey muxaadaro gaaban oo
ka hadleysey dowrka dumarka ku leeyihiin Islaamka iyo qiimeynta waxa
wanaagsan.
Muxaadaradaa kadib waxaa hadalkii qaatey odey Jaaliyada Soomaalida ee
Gothenburg odey Cabdi Cosoble oo halkaa ka soo jeediyey khudbad
mahadcelin iyo dhiirogelin u badnaa asaga oo Caasho Xaaji ku tilmaamey
in ay tahay halgamaa mudan in lagu daydo.

Sacdiyo Furre oo buraanbur xiiso badan soo jeedisey
Intaa kadib waxaa mikrafoonkii lagu wareejiyey marwo Sacdiyo Fure oo
halkaa ka soo jeedisey buraanburo xanbaarsanaa qiiro wadaninimo kuwasoo
aad u kiciyey shacuurta dadkii shirkaa ka soo qaybgaley.

Ugu danbeyntii Ikraam Cali Kaar ayaa codbaayiyihii ku wareejisey
marwo Caasho Xaaji Cilmi oo halkaa ka soo jedisey khudbad gaaban balse
warbixin xoogan xanbaarsaneed. Caasho ayaa waxey ka hadashey howsha ay
hayso iyo sababta ku qasabtey in ay u istaagto. Caasho ayaa ka
sheekeysey qisooyin cajiib ah oo dadkii ka soo qaybgaley kulanka
dareenkooda kiciyey, dhacdooyinka Caasho ka sheekeeesey ayaa gedigooda
ahaa kuwo xanuun badan oo dumarka Soomaaliyeed qabsadey mudadii dagaalka
sokeeye wadanka ka jira ilaa iyo hadda uu ay ciidamada dalka Itoobiya ka
geystey dalkii hooyo xadgudubyo ka baxsan xaquuqda bani’aadanka kuwasoo
si aad ah u saameeyey guud ahaa shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwooda
jilcan sida waayeelka caruurta iyo dumarka.

Cabdi Beenoos, Cabdalla Siyaasi, Caasho Xaaji, Cabdulahi Black, Sacdiyo
iyo Ikraam

Caasho Xaaji Cilmi iyo qaar kamid ah dumarkii kulanka ka soo
qaybgaley
Caasho ayaa ka warbixisey howlaha samafal uu ururka ay madaxda ka
thay ee SSWC ay wadanka ka geysteen mudadii 10 sano ee ugu danbeysey,
dhinaca waxbarashada, caafimaadka iyo weliba ka shaqeynta nabada.

Ilyaas Maxamuud iyo Caasho Xaaji

Canab Axmed, Caasho Xaaji iyo Caasho Cadnaan
Ugu danbeyntii waxaa shirkii soo gunaanudey Sheekh C/rashiid Maxamed
asaga oo Caasho ugu duceeyey in howlaha ay u hayso dadka tabarta yar in
uu Illaah ku garab galo.
W/D: Ilyaas Maxamuud Xuseen
Ilyas_mah@hotmail.com