SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MINNEAPOLIS

Minneapolis: Shirkii Waalidiinta Carruurtu ka maqan yihiin iyo khilaaf soo kala dhex galay dadkii u hadlayey....

  • Waxaa isku soo dubaridey: Ustaad Abdiwali Bashir Dalboon | December 7, 2008

Waraysi iyo Warbixin sidii shirku u dhacay Halkan ka dhegeyso ama soo rogo (mp3) ama cod ah .ram

Sabtidii (Dec 6, 2008) ayaa waxaa Minneapolis lagu qabtay shir ay qabteen waalidiinta ilmahoodu ka maqan yihiin, shirkaas oo in badan la sugayey oo dad badan dhagaha u taagayeen.

Waxaa haalkaas hadal ka jeediyey Abdirizaq Biixi oo u hadlayey waalidiinta. (Khudbadii uu jeediyey Biixi hoos ayaad ka daawan kartaa).

Shirka oo ay ka soo qayb galeen Saxaafadda caalamkan ayaa ahaa mid khudbadii laga akhriyey iyo bayaankii loo qaybiyey Saxaafadda uu is waa faqi-waayey (Bayaanka hoos ka akhri). Taasna waxay dhalisay in hawl wadeenadii shirkaan soo qaban qaabiyey oo waalidiinta u hadlayey ay is khilaafaan waxaana dhacday In uu shir jaraa'id uu qabtay Osman Ahmed kuna sheegay khudbadii iyo bayaan kii halkaas uu ka jeediyey Abdirizaq Biixi in ay ahayd Mid aan sax ahayn oo aan waafaqsanayn Bayaanka waalidiinta..... (Shirka gaarka ah ee Osman Ahmed ka daawo dhanka hoose).


Bidix: Abdirizaq Biixi iyo Osman Ahmed

Khilaafkaan ayaa ah mid xataa waalidiinta qaar kood Ay sheegeen in aysan sax ahayn. Sidoo kale Afhayeen u hadlay waalidiinta ayaa saxaafadda Soomaalid au sheegay in aysan sax ahayn in la eedeeyo Goobaha lagu Cibaadaysto.


Warbaahinta ka soo qaybgalay shirka jaraa'id

Biixi warsaxaafadeedka waxa uu ku xusay Masaajidka sida Maasidka Daaru Da'wah iyo Abuubakar Sadiiq waxuu yiri Mar uu ka Hadlayey waxa loogu talagalay Cibaado waxayna sharciyan u diiwan gashan yihiin in ay yihii Organazation ah kuwo aan dhaqaalo lahayn Laakiin lacag ayey dad ka maalin walba ka aruursadaan arimahaas waxa ka jawaabay Osman Ahmed iyo Xuseen oo ka mid ah Waaridiinta Iyo waliba waaridiinta qaar kood oo diiday in magacooda la sheego ama sawiro laga qaado.

Waxaa sidoo kale xusid mudan in qaban qaabiyaashii shirka jaraa'id ay kala soo ceen warbaainta, una kala qaybiyeen saxaafadda Soomaaliyeed iyo saxaafadda aan Soomaali ahayn, isla markaana ay saxaafadii aan Soomaalida ahayn qol gaar ah la galeen una sheegeen wixii ay u sheegeen. Arrintaas oo ka caraysiisay Saxaafaddii Soomaalida ee goobta joogtey. (Saxaafadda Soomaalida oo arrintaas su'aalo ka weydiinaya hoos ka daawo)..

Telefishinada magaalada Minneapolis oo ka mid ahaa saxaafaddii sida gaarka ay ula hadleen (markii loo diidey saxaafadda Soomaalida) waxay fiidkii xalay baahiyeen warar ku saabsan shirka, gaar ahaan waxay sheen magacyada saddex dhallinyaro Soomaaliyeed oo maqan oo ah: Burhan Hassan, oo 17-jir ah, oo dhigan jirey dugsiga sare ee Roosevelt High School; Mohamoud Hassan oo 18-jir oo arday dhigan jirey University of Minnesota; Abdisalam Ali oo 19-jir oo dhiganey jaamacaadda University of Minnesota. (Warka KSTP-TV hoos ka daawo)...


Osman Ahmed oo tusaya warsaxaafadeedkii waalidiinta...

Warsaxaafadeed ay soo saareen Waalidiinta Soomaliyeed ee ku nool Minnesota USA

Og: Waalidiinta Somaliyeed ee ilmahooda loo Diray Dagaalada Somalia ka socda
Ku: Dhammaan Saxaafada Madaxa banaan


(1) Waxaan halkan ka caynaynaa inaan la' nahay ilmaheenii mudo ka badan bil, markii noogu danbaysay waxay ahayd NOV,4 2008 markaas ka dib halmar ayey nala soo waceen iyagoo noosheegay inay joogaan somalia magaalada Muqdisho ayna nabad qabaan.

(2) Waxaan dowlada Maraykanka ka codsanaynaa inay baaritaan qoto dheer ku samayso kuwii ka dambeeyey in Caruurtaas laga xado waalidiintood loo diro dagaalo, kuwa ficilkaas ka dambeeya, uruuriyey caruurtaas ku bixiyey dhaqaalihii ay ku safreen, waxay khatar ku yihiin nabadgalyada aduunka gaar ahaana dalkan aan ku nool nahay ee Maraykanka, waxayna ku dhiiran karaan markasta inay carqaldeeyaan nabada gobalkan Minnesota guud ahaan dalka Maraykanka, sidaas darteed anagoo ku hadlayna magaca waalidiinta dulman ee ilmuhu ka maqan yihiin iyo kan ummada soomaliyeedba waxaan cambaareynaynaa cidkasta oo ka dambaysa ficilada foosha xun ee ilmaha loogu dirayo dagaalada iyo kuwa abaabula intaba.

(3) Waxaan Codsanaynaa in dhammaan bulshaweynta Maraykanka anaguna aan qaybta ka nahay ay nagu garab istaagto sidii loo heli lahaa sharcigana loo keeni lahaa kuwa ka dambeeya falalkaas dambiyeedkaas haday joogaan Maraykanka iyo hadii ay meelo kale joogaanba.

(4) Waxaan umahad celinaynaa hay'adaha dawladda ee ku shaqada leh baaritaanka dembiyada sida ay markiiba ugu istaageen wax qabashada hawshan balaaran, waxaana u sheegaynaa hadaanu nahay bulshada somaliyeed ee ku nool gobalkan Minnesota inaan garab siin doono sidii loo heli lahaa dembiilayaashaas khatarta ku ah guud ahaan nabada.

(5) Waallidiinta ilmuhu ka maqan yihiin ee ilaa hada aan la soo xariirin hay'adaha qaabilsan caruuraha la layahay waxaan xasuusinaynaa inay sida ugu dhakhsaha badan ula soo xariiraan, hadiise ay aamusaan waxaan u sheegaynaa khatarta ay leedahay caruuraha la waayo oo aan hay'adaha dawlada laga diiwaan galin iyadoo loo arki in waalidku uuba ka dambeeyo diritaanka hadii la ogaado in reer kaas ilmaha ka maqan yihiin aysana diiwaan galin ilmahaas ka maqan.

(6) Waxaan bulshada Soomaaliyeed ee ku nool gobalkan ka codsanaynaa inay nagarab istaagto waalid ahaan, gacana nagu siiyaan ay noola wadaagi lahaayeen waxii xoga oo ay ka hayaan arimaha cauurtaas dagaalada loo diray .

VIDEO:

Shirkii Waalidiinta Minnesota: Hadalkii C/risaaq Biixi daawo:


ama Hadalkii daawo

Osman Ahmed Sheikh shirkii Jaraa'id ee uu u qabtay Saxaafadda Soomaalida daawo:


ama Halkan ka daawo

Saxaafadda Soomaaliyeed oo la faquuqay daawo


ama halkan ka daawo

Warka TV-ga KSTP Halkan ka daawo:


ama halkan daawo...

Shirka waxaa lagu qabtaya magaalada Minneapolis, gara ahaan xaafadda Cedar oo Soomaalidu u badan tahay.

Ustaad Abdiwali Bashir Dalboon
North America Minnesota
cdalboon@hotmail.com

OsmanMinneapolis: Cusmaan Axmed Sheikh: Maamulka Masaajidka Abuubakar Waa in ay is casilaan (Waraysi)
iyo Guddi Loo Saaray arrinta la xiriirta Dhallinyarada laga Waayey Minnesota iyo Meydkii wiil isku qarxiyey Soomaaliya oo lagu aasay Minneapolis.... Akhris/Dhegeysi.. Dec 5

sheekhMinneapolis: Iimaamka Masjidka Abuubakar, Sh. C/Raxmaan, oo Laga Hor Istaagey Safarkii Xajka, Isagoo ka dhoofi lahaa Garoonka Diyaaradaha ee Minneapolis. Waraysi Sh. C/raxman

wiil maqanKHATAR KU SOO FOOL LEH SOOMAALIDA MINNESOTA
iyo Wararka

 

Faafin: SomaliTalk.com | December 7, 2008

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS