SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BAYAAN

بسم الله الرحمن الرحيم

الحمد لله رب العالمين والصلاة والسلام على رسول الله وآله وصحبه أما بعد

Bayaan ay wada jir usoo saareen Culimada ugu waa wayn Soomaaliya

Bayaanka oo Carabi ah halkan ka akhri...

Soomaaliya waxay ku nooshahay wadan iyo Shacab ahaanba imtixaano dheeraaday iyo dhibaatooyin is daba socda mudo Sideed iyo toban sanadood ah, sida; Qabsashada iyo Xadgudubka dibada ka yimid, Shirqoolada caalamiga iyo Gobolka ah, Fidnada Gudaha ee Qabyaaladda iyo jabhadaha Qabiilka ee ku gaboodfalay shabacka iyo wadanka muslimka ah  kalana kulmeen noocyo kala duwan oo ciriiri iyo bur bur ah, dhibaatooyin iyo masiibooyin, barakac gudaha iyo dibada ah,  waxaa ugu danbeeyey masiibooyinkaas duulaankii Xabashida ee tooska ahaa ee ay ku qabsadeen qaybo waawayn oo wadanka ka mid ah oo ay ka mid tahay Caasimada wadanka ee Muqdisho.

Kadib markay dhadhamiyeen Adoomada iyo wadanku macaanka nabada iyo daganaanshaha intuu jiray Maamulkii Midowga Maxkamadaha Islaamku. Wixii ka daba yimid duulaankaas oo ah dhibaatooyin waawayn sida: Xasuuq, burburinta wadanka, joojinta dhaqdhaqaaqa guud ee nolosha, qixinta dadka, dhabtii shacabka Soomaaliyeed waa iska caabiyeen qabsashadaas gardarada ah illaa illaahay ka kaafiyey dhibaatadoodii, burburiyeyna dhagartoodii, malahoodiina hoojiyey, waxayna u dhowdahay inay dhabarjeediyaan illaahay xeeladiisa iyo awoodiisa.

Intaa kadib waxaa muuqda isbadaladaan ugu danbeeya ee ka muuqada goobta dhexdeeda ee iskhilaaf iyo muran muslimiita la jihaadaya gumaysiga dhexdooda ah, shaydaanka oo isku diriya muwaxidiinta, kooxaha oo badanaya, taasoo wiiqaysa awoodooda, codowgooduna ku xoogaysanayo, kuna beeraysa jihaadka dhexdiisa marlabaad qaybo ka mid ah inxiraafyo khatar ah oo lagaga leexanayo manhajka  ahlu sunnah wal-jamaacah. Sida: in lasahlado isticmaalka xukunka qofka diinta kabaxa, gaalaysiin, daadinta dhiig aan waxba galabsan, ku dhiirashada dadka aan ehelka u ahayn  fataawada masaa’il ad-adag , shakina malahan natiijada arintaas inay khatar tahay, iyo ciribdanbeed aysan mahadin dhammaan ummaddu, dacwada islaamiga ah yoolkeeda, iyo  gaar ahaan wadaadada, kaasoo waajib ka dhigaya sixitaan dag dag ah iyo toosin joogta ah. 

Culimaduna iyadaa arinkaas lasocda kuli, waxayna dareensanyihiin masuuliyada dushooda saaran ee ah inay cadeeyaan axkaamta shareecada, iyo inay ummadda u nasteexeeyaan sida illaahay quraanka ku yiri; وَإِذْ أَخَذَ اللَّهُ مِيثَاقَ الَّذِينَ أُوتُوا الْكِتَابَ لَتُبَيِّنُنَّهُ لِلنَّاسِ وَلَا تَكْتُمُونَهُ فَنَبَذُوهُ وَرَاءَ ظُهُورِهِمْ وَاشْتَرَوْا بِهِ ثَمَنًا قَلِيلًا فَبِئْسَ مَا يَشْتَرُونَ١٨٧.

وقال صلى الله عليه وسلم « الدِّينُ النَّصِيحَةُ » قُلْنَا لِمَنْ قَالَ « لِلَّهِ وَلِكِتَابِهِ وَلِرَسُولِهِ وَلأَئِمَّةِ الْمُسْلِمِينَ وَعَامَّتِهِمْ »

Kulan ay yeesheen culimadu qaar kamida xajka sanadkan 1429H (2008) iyo helitaan warbixino faah faahsan oo kusaabsan xaalada wadanka iyo iyagoo ka indha buuxsaday xalaada cadawga qabsaday wadankooda, fitnada oo soo muuqata, is khilaafka Mujaahidiinta oo badan, daraasad ay ku sameeyeen sidii ummadda looga saari lahaa dhibkaan, sidoo kale culimadu fiirinta ay fiiriyeen dhowaanahan dhaqdhaqaaqa qaar ka mida culimada gudaha oo waday dhexdhexaadin walaalaha saxayeyna khaladaadka, waxay si wada jira usoo saareen bayaankan soo socda; 

  1. Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaana Mujaahidiinta inay wadaan Jihaadka ilaahay dartiis ah ee dhanka ka ah kuwa soo duulay ee wadanka qabsaday, iyagoo difaacaya caqiidadooda, naftooda, maalkooda, sharaftooda, wadankooda, sidoo kale dhinacyada oo dhan waxaan ugu yeeraynaa midnimo, inay isuturaan iyo inay isu kaalmaystaan wixii shareecada waafaqsan, si loo gaaro hadafkaas.
  1. Waxaan cadaynaynaa dhamaantayo inaan si buuxda u taageersanahay dhammaan dadaaladii ay wadeen gudiga culimada ee danta iyo sixitaanka ahaa, taasoo uu madax u ahaa Fadiilatu Shiikh Bashiir Axmed Salaad, waxaan taageeraynaa go’aanadii, dardaaranadii iyo fataawooyinkii hore ee uu soo saaray gudigaas.
  1. Waxaan ugu yeeraynaa dhammaan dhinacyada goobta ka dagaalamaya inay aqbalaan kana qayb qaataan shirka dhexdhexaadinta ee uu ku dhawaaqay gudiga culimada bisha soo socota ee Muxaram, waxaan ka digaynaa in la sahlado lana fududaysto ka shaqaynta hagaajinta walalaaha dhexdooda.
  1. Sidoo kale waxaan ku baaqaynaa inay waajib tahay in loo celiyo Masaa’isha sharciga, dhacdooyinka waawayn ee aan hore loo arag (Nawaazil- Balaayo) qaar kamida culimada ku takhasustay lana aamin sanyahay, gaar ahaan wixii laxiriira dhiiga, xoolaha, sharafta, waxaan ka digaynaa in lagu dagdago, laguna xadgudbo gaalaysiinta iyo in xukum lagu rido ashkhaasta iyadoo aan la daa’imayn waxyaabihii shareecadu ku xirtay.
  1. Waxaan ugu yeeraynaa shacabka Soomaaliyeed inay ka digtoonaadaan dhagarta cadowga, kaasoo doonaya in waligiis dabka fidnada uu ka huriyo wadanka, qabiil qabiilna dadka dhexdiisa isugu diro, iyo inuu wadankiina kala googooyo jiritaankiinana tirtiro.
  1. Waxaan u dardaarmaynaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed inay illaahay toobad dhab ah u toobad keenaan, isuna duleeyaan iyo inay illaahay duco khaalis ah ku waydiistaan inuu balaayada iyo dhibka ka dulqaado iyaga iyo wadankoodaba. Maxaayeelay balaayo masoo dagto illaa danbi ayaa sababa, lagumana qaado waxaan alle u noqosho ahayn.
  1. Waxaan ugu yeeraynaa guud ahaan ummadda islaamka, culimmadana gaar ahaan inay garab istaagaan walaalahooda Soomaaliyeed,iyagoo ka jawaabaya illaahay qowl kiisii ahaa; إِنَّ الَّذِينَ آمَنُوا وَهَاجَرُوا وَجَاهَدُوا بِأَمْوَالِهِمْ وَأَنْفُسِهِمْ فِي سَبِيلِ اللَّهِ وَالَّذِينَ آوَوْا وَنَصَرُوا أُولَئِكَ بَعْضُهُمْ أَوْلِيَاءُ بَعْضٍ Sidoo kale waxaad si khaasa ugu mahad celenaynaa Culimadii sharafta lahayd ee soo saaray bayaanadii ay ku tiltaamayeen inay walaalahooda Soomaaliyeed dhibka laqaybsanayaan iyo soo bandhigidooda dareenkooda walaalnimo ee ku aadan waxa kasocda Soomaaliya. Illaahay aayaan waydiisannaynaa anaga iyo iyagaba waafajinta iyo xaqa.

Ugu danbayntii illaahay ayaan waydiisanaynaa inuu fitnada iyo imtixaanka ka korqaado guud ahaan ummadda Islaamka, khaas ahaana wadankeena, iyo inuu xaqa ku mideeyo, cadowgoodana uga hiiliyo, illaahay waa mid maqlaya, dhowna, baryooyinkana aqbala.

Magacyada Culimada ka qaybqaatay;

  1. Sheekh Calaamah Shariif Cabdinuur Shariif
  2. Sheekh Cumar Faaruuq Xaaji Cabdi Suldaan
  3. Sheekh Dr. Axmed Maxamed Maax
  4. Sheekh C/qaadir Nuur faarax
  5. Sheekh Maxamed Cabdi Umal
  6. Sheekh Daahir Aw-Cabdi
  7. Sheekh Xasan Xuseen Aadam
  8. Sheekh Dr. Cali Cumar Cabdullaahi
  9. Sheekh Dr. Cali Maxamed Saalix
  10. Sheekh Faarax Mire Rooble
  11. Sheekh Maxamed Idiris Axmed
  12. Sheekh Dr. C/risaaq Maxamud Takar
  13. Sheekh  Maxamed Qaasim Maxamud
  14. Sheekh  C/laahi Daahir Jaamac
  15. Sheekh  C/raxmaan Abyad
  16. Sheekh  Aadam Sh. C/laahi
  17. Sheekh  C/risaaq Aadam Macalim
  18. Sheekh  Maxamud Sh. Axmed Xasan (Abu Shaybah)
  19. Sheekh  Mustafe Xaaji Ismaaciil Haaruun
  20. Sheekh Maxamed Cismaan Calasow
  21. Sheekh C/qani Huseen

Faah faahin bayaankan ku saabsan Sheekh Maxamud Sh. Axmed Xasan (Abu Shaybah) Tel:+966567031979

Bayaanka oo Carabi ah halkan ka akhri...

Tarjumidii Somalitalk.com

Faafin: SomaliTalk.com | December 7, 2008

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS