SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Senator Coleman oo warqad ku saabsan Soomaalida u qoray boqorka Sacuudiga

Nuxurka warqaddan ayaa ah in boqorka Sacuudiga Boqor Abdallah lala socodsiiyo xaaladda dadka Soomaaliyeed ee ku sugan dalka sacuudiga iyo in xuquuqdooda la ilaaliyo. Waxaa boqorka la weydiistay in uu joojiyo tarxiilka soomaalida loogu qaado Soomaaliya ilaa dalku ka xasilo -  Sen. Coleman waxa uu warqadiisa ku xusay in dhowaan lagu soo wargeliyey in diyaarad siday Soomaali laga tarxiilay Suucudiga in ay ka degtey Muqdisho.

Sidoo kale waxaa boqorka la weydiistay in uu ka warhayo xaaladda dadka Soomaaliyeed ee ku jira xabsiyada dalkaas kuwaasoo la sheegay inay ku jiraan haween iyo caruur badan.

Sen. Coleman waxaa laga soo diirtaa Minnesota oo ay ku dhaqan yihiin Soomaalida ugu badan ee ku nool maraykanka.

Halkan ka aqriso warqadda Sen. Coleman oo af ingiriis ku qoran, (pdf)

Eid mubaarak

Isha xogta: xafiiska Senator Norm Coleman,
 

Faafin: SomaliTalk.com | December 7, 2008

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS