SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - RA'YI

Hubsiimo la,aanta soomaalida iyo hagardaamooyinka shisheeyaha

Assallaamu caleykum wr wbr, walaalayaal waxaan jeclaystay inaan wax yar ka iraahdo sida ay soomaalidu u dayacan tahay, ha ahaato qaab aqooneed, qaab siyaasadeed ama qaab fikradeed. Soomaalidu wexey beryahan caan ku noqotay in ay wax walba iska rumeysato, waxaana ka lumay hubinta xogta iyo helida xaqiiqada dhabta ah.

Walaalayaal waxaad ogaataan in beryahan dambe idaacadaha lagu soo faafiyey warar yaab, amakaag iyo afkalataag ku riday ummadda soomaaliyeed inteeda Alle ku manaystay caqliga iyo garaadka. Garashana u leh dhiraandhirinta iyo lafaguridda arrimaha la garanwaayo.

Waa su,aale bal iiga jawaaba arriamahan soo socda.

1. Burcad baddeed soomaaliyeed oo tafaxaydxaydan ayaa wexey qabsatay markabka ugu weyn caalamka ee saliidda qaada iyo maraakiib kaleba. Iyo mareykanka iyo xulufadiisa oo wax waa ka qaban la, arrintaas.
2. Boosaaso iyo Hargeyso waxaa weeraray wiilal soomaaliyeed oo qurbe ku koray. Iyagoona ciyaal suuq ah ayey durbadiiba wexey noqdeen mujaahidiin. Iney iyaga yihiinna kuwa ku dhintay oo qarxiyey magaalooyinkaas ayaa waxaa xaqiijiyey sirdoonka markeykanka iyagoo ku ogaaday farsamada DNAga, oo ay ku isticmaalayeen sheybaarkooda u gaarka ah. Mana jirto cid kale oo ku tiri anaguna waa baareynaa ee na sii saambalka si aanu u hubsanno. Sidaa ayaana lagu rumeystay.

Waxaana xaqiiqo ah in lagu qabtay magaalada Boorame ciidamo hubeysan oo ah sirdoonka itoobiya. Amarna lagu bixiyey in lasoo daayo sida ugu degdegsiiya badan.

Marka akhristoow waxaad ogaataa in soomaliya hadda ay ka tagtey heerkii ay joogta ee ahaa Alleylehe reer hebel haddaan nahay waa in aan iska dhicino reer hebel balse ay maanta joogto in soomaaliya ay faraha kula jiraan awoodo iyo dawlado shisheeye oo waaweyn, lehna sirdoonkooda iyo maalgelintooda. Wexeyna doonayaan in ay dhexgalaan oo ay carqaladeeyaan in laba qof oo soomaali marnaba heshiiso amase soomaaliya ka dhalato dawlad iskeed u taagan.

Maxaa nala gudboon

Waa in aynu qalbi wanaagsan iyo isku duubnaan la nimaadnaa, Allena (swt) dembi dhaaf weydiisanaa, kana barinaa inuu na waafajiyo wadada toosan
Waa in aynu indhaha saani u kala furnaa oo wixii naloo sheego si fiican u calalinaa.
Waa in aynu ku dabafaylnaa culumada kuwooda Alle ka cabsiga, cilmiga, waracnimo ku sifoobay, waana in aynu ka fogaana ciddii haad haad qabta oo shaar diimeed wadata.
Waa in aynu sidoo kale ku dabafaylnaa dadka Duubabka, waxgaradka iyo aqoonyahada iyo dhammaan xilkaska soomaaliyeed Alle ka cabsigu ku badan kana sheqeyanaya danaha ummadda musliimiinta ah.

Waxaan idiin rajeynayaa kheyr oo idil dhammaantiis iyo barwaaqo.

Wabillaahi towfeeq

Maxamad Yusuf Muse
Abu yonis
abuyonis114@gmail.com


Afeef: Aragtida qoraalkan wxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | December 7, 2008

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS