injineero iyo dhaqaatiir cusub oo ku so biiray Mujtamaca somaliyeed
Xaflad qalin jabin dhaqaatiir iyo injineero ka qalin jabisay Jaamacada banadir
oo (Dec 4, 2008) lagu qabtay hotel shaamo ee Magaalada Muqdisho
Sawirada Halkan ka daawo....
Warqad qoraalkeedu yahay sidaan
ayaa laga bilaabay in loo qeybiyo dhamaan ka soo qeyb galayaasha sidaa darted
aqristayaasha bogaan waxaan uga bilaabaynaa sidaa oo kale warqadii oo u qoran
Jaamacadda Banaadir (JB) waxaa la taaba galiyay 1-dii September 2002, fikrada
aasaasida waxaa lahaa dhaqaatiir iyo macalimiintii hore ee J.U.S kadib markii ay
arkeen xirfadleyda oo sii yaranaya noqatay,gaar ahan kuwa Caafimaadka,
xirfadleyda, handasada, Farsamada, waxbarashada lana soo kordhiyo culuum casri
ah sida culuumta Cumbuterka,
JB waxaa xariir la leh Hay’ado iyo Jaamacado caalami ah kuwa maxali ah ba,
Dagaalkii sokeeye ee Somalia ka dhacay waxa uu ka qaaday caruurta Soomaaliyeed
xaquuqdooda waxbarasho la, aan,
Waxaan u mahad celineynaa indhaygaradka dareemay baahida, dibna u soo nooleyay
nidaamka waxbarashada dalka heerar keeda kala duwan mid hoose, iyo dhexe iyo mid
sare
Waxaa hambalyeenaa Maamulka Jaamacadda, iyo Macalimiinta iyo weliba ardayda si
wadajir ah noola shaqeeyay,
Ku soo dhawaada Jaamacadda Banaadir
Dr,Mohamed Mo’allim Muse, MD. Gudoomiye JB
Jad walka waxbarashada
Sanadka waxbarashada jamacadda waxaa ku kooban yahay sanadkii laba xili xiliga
koobaad bilaha Sabteymbar ilaa janawary xiliga labaad Maarso ilaa Julaay
Jaamacada banadir
waxaa ay ku taalaa bartaha magaalada muqdisho ,waxayna si dhab ah u fulisaa
hadafka aasaasiga ah jaamacadu waxay ku fanataa in ay beeniyaan dadka badankooda
oo rumaysan in ay jaamacad iyo kuliyadaheedaba lagu dhisi Karin Caasimada
wadanka somaliya iyada oo ay ka socdaan dagaalo sokeye
falsafada waxbarashada
aragtida ee ka qabto Jaamacada dhinaca falsafada waxbarashada waa in ay soo
saarto xirfadlay , aqoon yahano isku kalsoon waxtar weyn ka geysan kara naftiisa
iyo wadankiisa gaar ahaan arimaha bulshada somaliyeed .
waxay rumaysan tahay in waxbarashada bini aadamka ey ku hogaamiso Cadaalada ,
nabada ,barwaaqo iyo mustaqbal wanaagsan
golaha tacliinta
Mu’asasada Banaadir ee tacliinta sare waa Hay’ada leh Maamulka Jaamacadda.
Hawsha ee isku xil saartay
JB waxy aasaastay ayna abuurtay mabaadiida asaasiga ah iyo faafinta aqoonta iyo
xoojinta ardayda in ay ku najaxaan xirfadooda.
Jaamacadu waxey u hortay in ay kobciso danaha iyo wanaaga umadda Soomaaliyeed
Ujeedooyinka Jaamacadda
In loo abuuro loona fududeyo bulshada in ay helaan tayo wax barasho oo joogta
ah.
In la soo saaro xirfadley takhasusyo sare leh iyagoo gacan ka geysanaaya
kobcinta dhaqaalaha,
Hormarka, bulshada iyo dlka. Intaba
Hormarinta dhalinyarada soo koraya, ayadoo la dheerigalinaayo isku dheelitirka
jinsiga in la yareeyo jahliga lana badiyo fursadaha waxbarasho dadka oo idil
Kulliyadaha
Jaamacadda Banaadir waxay leedahay 4 kulliyadood oo kala ah:
K. Daawada iyo Qaliinka
K. waxbarashada
K. Culuumka kumbuutarka
Iyo IT-da
K. Hanadsada iyo Farsamada
Jaamacadda Banaadir waxey dadaal ugu jirtaa in ay ku biiriso Jaamacadda
kulliyadaha kala ah
K. beeraha
K. xanaanada xoolaha
K. Luqadaha
K. qaanuunka
K. Dhaqaalaha
Tashiilaat
JB waxay ardayda ugu fududeysaa
Waxbarashadooda wax yaabaha soo socda
{Maktabad Guud
{Laabka kumbuutarka,
{Laabka intarnetka
{Laabka Caafimaadka
{Laabka Fiisikiska
Soo galitaanka Jaamacadda Banaadir
Qofka doonaya in uu ku soo biro Jaamacadda Banaadir waxaa laga doonayaa
codsi in uu soo qorto
2. in uu keeno shahaado dugsi sare ama mid u dhiganta
in uu bixiyo lacagta fee-ga oo aan dib loogu soo celin doonin
warqada cadeynta dhalashada
warqada cadeynta akhlaaq wanaaga
shahaadada caafimaad qabka
6- sawir oo teesaro ah
ka gudbida imtixaanka qubuulka jaamacada
Ilaa todobaatan arday oo ka qalin jabisay Jaamacada Banaadir kala duwan ee
dawada iyo qaliinka iyo sidoo kale waxa barashada ayaa shahado lagu gudoonsiiyay
xaflad balaaran oo lagu qabtay hoteelka Shamow ee Magaalada Muqdisho ee Gobalka
Banaadir
Xafladaan oo ay ka soo qeyb galeen ms’uuliyeen kala duwan oo ka socday bulshada
ayaa xafladaas qudbad aan sidaas u dhereen ka jeediyay ku simaha Rii’sal
wasaaraha dowlada KMG Soomaaliya ahna wasiirka maaliyada Maxamed Cali Xamud iyo
sidoo kale Taliyaha Ciidamada boliska janaraal Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid iyo
Gudoomiyaha Gobalka Banaadir Maxamed Cismaan Cali Dhagaxtuur ayaa waxa ay ka
hadleen dhamaantood sida ay u fiicantahay wax barashada ayadoo lagu jira
waqtigaan adag
Porf Maxamed Macalin Muuse oo ah Gudoomiyaha Jaamacada Banaadir kana jeediyay
hadal Xafladaasi ayaa sheegay in waqti badan ay arintaan ay howsheeda ay wadeen
islamarkaana ay tahay markii koowaad oo mu’do sided iyo toban sano ah dhaqaatiir
ay ka qalin jabisay Jaamacada Banaadir
Sidoo kale porf Maxamed Macalin Muuse ayaa inta raciyay in Xafladaan ay
abaabulkeeda ay gacan weyn ka geysatay shirkada Isgaarsiidnta ee Hormuud waxa
kale uu intaa raciyay in ay dadaal weyn u sameyeen islamarkaana ay taqaatiirtaan
ay fuliyaan in ay shacabkooda Soomaaliyeed ay wax u qabtaan
Ardadaan oo ka qalinjabisay Jamacada Banaadir oo kor u dhaafayey ill todobaatan
qofood ayaa waxa ku jira 20 taqaatiir ah oo ka qalinjabisay 12 wiil iyo 8
gabdhood oo sheegay in ay dalkooda ay wax u qaban doonaan dadka ku dhibaateysan
Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666
Faafin: SomaliTalk.com |
December 6, 2008
|