Dhacdo xiise leh ''Kani waa Barack Obama, Haa wuu yahay'' Madaxwaynaha cusub ee dalka Mareykanka,Madaxwayne Barack Obama ayaa waxa uu
telefoon u direy haweenayda la yiraahdo Ileana Ros-Lehtinen,haweenaydaan ayaa ka
mid Xisbiga Republican isla markaana xubin ka tirsan Congress-ka dalka
Mareykanka, Ileana ayaa dhawaan mar kale loogu soo doortey inay ka sii mid
ahaato Aqalka la yiraahdo ''The House of Representatives''. Maxaase kala qabsaday Madaxwayne Barack Hussein Obama iyo Congresswomen Ileana
Ros-Lehtinen?. Barack Hello : Kani waa Barack Obama Ileana : Haa wuu yahay Markii uu u soo wacay qof u cod eg Barack Obama telefonkeeda Ileana Ros-Lehtinen
waa ay la yaabtey isla markaana ku damisay ku dhigtey telefoonka, hadana waxaa
ku soo celiyay Chief of staff Obama telefoonkii, waxana uu u sheegay inay dhab
tahay aysana ahayn kaftan ama ciyaar ciyaar, isna waa ay ku damisay telefoonkii. Waxaan u qaatey mid ka mid ah (Radio Station) ideecadaha oo raba inay igu
ciyaaraan isla markaana igu dheel dheelaan ayay tiri Marwo Ros-lEHTINEN. Waxayd ogaa in hada ka hor waceen oo ay beerta galiyeen isla markaana ku dheel
dheelen hogaamiyayaal waawayn oo badan sida Fidal Castro, Hugo Chaves iyo kuwa
kale oo badan, waxay tiri hadana anigaa ''Oh no'' maya oo ma doonayo inaan
dabinkooda ku dhaco oo i qatalaan,ayay ku celisay mar kale Ileana. Madaxwayne Obama ayaa daqiiqad kula hadlay qadka intii aysan ku daminin ama
aysan ku xirin telefoonka Marwo Ileana Ros-lehtinen, waxana uu ku yiri sidatan
'' waxaan kuugu hambalyaynayaa dib u soo doorashada laguugu soo doortey mar
labaad aqalka '' The house of representative'', uuna rajaynayo inay wada
shaqeeyaan isaga iyo iyada''. Waxayna u sheegtay inaysan doonaynin inay ku dhacdo dabinka kuwa dadka ku ciyaar
ciyaara sida kan ka soo daayo TV show Saturday Night Live. Qaar ka mid ah kuwa ay isla shaqeeyaan Ileana ayaa u sheegay in madaxwaynaha
cusub Barack Obama uu aad u doonayay inuu la hadlo Ileana Ros-Lehtinen, ugu
dambayntiina waan la hadlay Madaxwayne Barack Obama oo aan ka raali galiyay
dhacdadii, hasayeeshee Barack Obama waxbo uma arkin qaladkii aan sameeyay,
laakiinse aad buu u qoslay markaan wacay ayay tiri Marwo Ileana iyadoo qoslaysa. Xigmado Soomaaliyeed ayaa oranaysa kalmadahan ''Inta aadan falin ka fiirso'' iyo
''Hubsiimaa hal la siistaa'' This is Barack. Yeah, Sure it is Xigasho: Metronews W/D: Yusuf Mohamed Abdi Yusuf mrsomalia@hotmail.com London
Faafin: SomaliTalk.com |
December 6, 2008
|