DUGSIGA CUMAR BINU KHADAAB EE BOORAMA IYO BANDHIGA TARTAN SANADEEDKA KUBADA
CAGTA IYO CIYAARAHA FUDUD.
Sawirada Halkan ka daawo.... maamulka dugsiga hoose dhexe ee cumar binu khadaab ayaa munaasabad badhaalan oo
ka dhacday xarunta dugsiga waxay ku gudoonsiiyeen koob sanadeedkii dugsiga. fasalka 8aad A oo ku guulaystay. tartankan oo sanadwalba qabto dugsigan cumar bini khadaab waxaa ciyaartii
finalka ee tartanka sanadkan iskugu soo hadhay fasalada 8 iyo 5aad A . waxayna ciyaar aad uxiisa badnayd ku dhexmartay garoonka dugsiga. oo ku yaala
hayayaabo village . labada kooxoodna waxay soo bandhigeen ciyaar wanaag . ciyaartiina waxay ku dhamaatay 3 gool iyo HAL gool, guushuna waxay halkaas ku
raacday fasalka 8aad A. tartanku bilowgiisii waxaa ka qayb qaatay dhamaan ardayda fasalada
8,7,6A,6B,5A,5B,4A,4B. kuwaas oo loo kala qaybiyay laba kooxood oo kala ah A IYO
B. kuwaas oo kulomo is araga ay yeesheen,waxaa ciyaarahaa gorsoore ka ahaa min
bilow ilaa dhamaad gorsoore Mukhtaar Xasan C/laahi. barnaamijkan sport ee dugsigan cumar binu khadaab oo ah dugsiyada ugu tayada
fiican dhinacyada waxbarashada, maamulka iyo sportiga,kuma koobnayn oo kaliya
tartankan kubada cagta balse waxaa weheliyay tartanada kale ee ciyaaraha fudud
sida orodada, bootinta iyo Ukunta. oo aay ku tartameen ardayda dugsigaas. xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa shalay lagu gudoonsiiyay koobkii
ardayda fasalka 8aad oo sanadkan noqday horyaalka ardayda dugsigaas.waxa kaloo
halkaa abaalmarino lagu gudoonsiiyay fasalkii kaalinta labaad galay,ardaydii ku
guulaysatay ciyaarihii fududaa kaasoo la siinayay 3 arday ee ugu soo horaysa
kooxkasta, sida bootinta, orodka iyo beedka. munaasabadan waxaa ka soo qayb galay masuuliyiin ka kala socda wasaaradaha
sportiga iyo waxbarashada gaar ahaan gudoomiyaha wasaarada dhalinyarada iyo
sportiga C/wahaab Yuusuf Gadhle iyo Madaxa waaxda sportiga wasaarada waxbarshada
yuusuf C/samad Seed. waxayna ku amaaneen maamulka dugsiga cumar binu khadab sida quruxda badan ee ay
usoo qabanqaabiyeen tartankan ciyaaraha sportiga oo ardayda u le ahmiyad badan
waxayna kaloo ay sheegeen in uu yahay schoolka qudha ee gobolka ku yaala ee
tartankan noociisa uu ka socda sanad walbana si xidhiida u qabta. waxay kaloo sheegeen labadaa masuul in ay la garab taagan yihiin wax kastoo
taageero ah ayna ku amaanayaan waxqabadkan iyo nidaamka maamul ee dugsigani kaga
duwan yahay dugsiyada kale ee magaalada. waxaaa kaloo halkaa ka hadlay maamulaha dugsigaas C/wahaab C/laahi Aadan(Boos)
waxa uu sheegay in sportigani schoolka ka bilowday 2002 ilaa iminkana ka socdo
oo wax dhibihi aanu ka soo gaadhin ardayda ujeedada ay kaleeyihiina ay tahay
sidii loo kobcin lahaa maskaxda iyo caafimaadka ardayda iyadoo dhinaca kalena ay
u tahay fursad ay ku soo baxaan ciyartooy matali kara schoolkooda, degmadooda
iyo gobolkooda amaba heer caalami ah oo ka sareeya iyadoo oo intaas ay
dheertahay maamulka dugsiga oo marwalba ku dadaala sidii loo kobcin lahaa
akhlaaqiyaadka iyo waxbarashada gaar ahaan dhinaca diininga iyo maadigiba
wuxuuna ardayda kula dardaarmay inay ka qayb qaataan waxqabadyada noocanoo kala
ah ee ay bulshadu u baahan tahay aqoontoodana kor usii qaadaan. waxa kaloo halkaa ka hadlay maamule ku xigeenka dugsigaas mudane Maxamed Cali
Cumar ( JAABIR) wuxuuna sheegay in dugsigani uu dugsiyada kale dheeryahay
waxbarasho tayo leh iyo macallimiin wanaagsan akhlaaqiyan iyo cilimiyan ayna u
qalmaan in ay ardaydu ku dayato. waxaa kalo halkaa ka soo jeediyay tix gabaya abwaanka da'da yar ee la yidhaahdo
C/Caruus kaasoo uu ku saabsanaa dhaqanka wanaagsan. by:C/raxmaan Habbane Borama
habane777@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com |
December 5, 2008
|