SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Ciidamada Itoobiya oo ka baxay gobo ku yaal Magaalada Muqdisho

Boqolaal dad ah oo wejiyadooda laga dheehanayo farxad iyo dammaashaad ayaa saakay ku soo qamaamay fariisimadii ciidamada Etobiyanka ay banneeyeen ee ku yaala degmada Yaaqshiid ee magaaladan Muqdisho.

Dad weynahaas ayaa ku faraxsanaa muddo labo sano kaddib inay dib u arkaan guryahoodii, waxayna qaarkood ku dhawaaqayeen ereyo ay ka mid ahaayeen “Dhamaan dalkoo dhan ha nooga baxaan, waa in la soo taagaa Maxkamad waayo waxay gaysteen xasuuq badan”

Dawladda Itoobiya ayaa dhawaan sheegtay ka bixitankan ay ka baxayso Soomaaliya ay tahay mid ku timid heshiiska Jabuuti iyo waliba dawladda Itoobiya oo sheegtay in dabayaaqada sanadkan ay ka bixin doonaan Soomaaliya iyadoo la filayto maalmaha soo socdana inay ka baxaan goobo kale oo muhim ah oo ku yaala Muqdisha.

Goobaha la filayo inay ka baxaan Ciidamadaas ayaa waxaa horey uga barakacay Kumanaan qoysas Soomaaliyeed oo haatan ku dac daraysan duleedada magaaladan Muqdisho halka qaar kalena ay ka gudbeen xuduudda Soomaaliya.

Qaar ka mid ah mas’uuliyiinta dawladda ayaa horey waxa ay uga codsadeen dawladda Itoobiya in Ciidamada Itoobiya ay sii joogaan inta laga keenayo Ciidamo nabad ilaalineed ee beddela kuwa Itoobiya.

Heshiiskii jabuuti ayaa waxa uu dhigayay in 19ka bishan ciidamada Itoobiya ay ka baxaan guud ahaan Soomaaliya hasa yeeshee shacabka soomaaliyeed ayaa iyagu ka cabsi qaba in Itoobiya ay fulin weeydo heshiiskaas maa daama aan horey looga baran fulinta heshiisyada noocaan ah, balse ka bixitaanka saakay ayaa waxa ay yiddi diilo gelisay shacabka soomaaliyeed oo iyagu doonaya in dhamaan ciidamada Itoobiya ay ka baxaan Soomaaliya.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Guddoomiyaha Ururka Wadaniyiinta Soomaaliyeed

"Reer Puntland waxaa looga baahan yahay in ay C/llaahi Yuusuf gurbaankiisa colaadeed meel uga soo wadajeestaan"

Gudoomiyaha Ururka Wadaniga Soomaaliyeed ( UWDS) Cali Cabdi Wardheere ( Cali Yare) oo ka mid ah dhalinyarada Soomaaliyeed ee sida weyn uga soo horjeeda joogitaanka ciidamada Ithiopia ee dalka Somalia, aalabana ka hadlaya tacadiyada ciidamada gumeysiga ay ku hayaan dadka Soomaaliyeed ayaa wuxuu canbaareeyey war ka soo yeeraya qaar ka mid ah masuuliyiinta maamul Goboleedka Puntland oo buu yiri ay hadaladoodu u muuqdaan hadalo uu u soo dhiibay C/llaahi Yuusuf, oo uu isagu ku dhici waayey inuu fagaaraha la soo istaago.

"Cabdullaahi Yuusuf xaaladiisu waa neef gowracan geeda kama waabto, nin wadaniyad, ama Soomaalinimo ama damiir wanaagsan looga bartayna ma ahan, waa ninkaas weligiis Jaajuus Itoobiya ahaa, maantana Itoobiyadii uu shacabkiisii ku xusuuqay markii ay dantii ay ka laheyd ka bogatay waa kaa meel cidlo ah istaajisay, wuxuuna doonayaa dhibaatadii uu geystay inuu kula soo galaangasho shacabka Puntland, haddaba shacabka reer Puntland qaybihiisa kala duwan oo ugu horeeyaan Issimada, Culimada, Aqoonyahana iyo shacabka waxaan ka codsaneynaa ineey ka dhiidhiyaan fikirkan naf la caariga ah ee uu Cabdullahi Yusuf ka wado Puntland, oo aan C/llaahi Yuusuf dheg loo dhigin gurbaanka qabiil ee uu la tegay Puntland" ayuu yiri Cali yare,

wuxuuna xusay in ururka uu madaxda u yahay oo ay ku mideysan yihiin wadaniyiinta Soomaaliyeed ay kulamo kala duwan la yeesheen aqoonyahano ka soo jeeda Puntland oo ku dhaqan dalalka Scandanevian-ka ayna ka wadahadleen in laga digtoonaado gurbaanka qabyaaladeed ee uu C/llaahi Yuusuf garaacayo
.

"C/llaahi Yuusuf Itoobiya ayaa hadda qorsheyneyso in ay maxkamadeyso oo dambiyadii xusuuqa ahaa ee ay shacabka u geysatay ayey dooneysaa in isaga lagu ciqaabo, cid kasta oo aaminsan in ama Itoobiya ama Mareykan ay wax ka dhigi karaana waa in ay ogaataa in ay marayaan halkii uu Cabdullaahi Yuusuf maray oo aad wada arkeysaan maanta" ayuu yiri Cali yare, wuxuuna u soo jeediyey shacabka Soomaaliyeed in ay xoojiyaan muqaawimada, ayna midnimo uga hortagaan sidii cadowga dalkeena qabsaday looga saari


W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Naadiga Pen oo xus Baroor- Diiq ah u sameeyey Abwaan Cabdi Muxumed Amiin

Sawirada Halkan ka daawo....


Naadiga hal abuurka iyo Qalinka ,Maalka Soomaaliyeed ee Somali Pen ayaa xus baroor diiq ah oo si heer sare ah loo soo agaasimay u sameeyay Alle ha u u naxariistee Abwaan Cabdi Muxumed Ammiin oo 3dii November ku geeryooday Magaalada Nayroobi ee dalka Kiinya, waxaana baroor diiqdan iska kaashaday hay’adaha Somali PEN, IIDA, SWA. INXA iyo SOCFEX iyo COGWO, waxaana ugu horreyntii halkaas war bixin ka soo jeediyay xoghayaha Naadiga Pen ee koofurta Soomaaliya Cabdinaasir Yuusuf Macalim oo isagu si ah ugu dheeraaday taariikh nololeedkii iyo wax qabadkii Abwaan Cabdi Muxumed, wuxuuna ku tilmaamay inuu ahaa geesi ka geeryooday Ummadda somaaliyeed quluubta shacabkana ku reebi doonta xasuus ma hadho ah.

Waxaa halkaa ka hadlay oo kale agaasimaha guud ee hay’adda COGWO Marwo Sahra Maxamed Axmed oo iyaduna ka hadashay doorkii Abwaanku uu ku lahaa dhaq dhaqaaqa bulshada rayidka isagoo qayb ka qaatay sidii nabad loogu soo dabbaali lahaa Soomaaliya.

Intii ay xafladdu socotay ayaa waxaa halkaa lagu daawaday filim dikumenteri ah oo ka hadlayay Taariikhdii Abwaanka laga soo bilaabo taariikhdii gobonima doonka illaa iyo waqtigan, wuxuuna abwaanku ka tagay taariikh xusuus ku leh quluubta shacabka Soomaaliyeed.

Waxaa kaloo isla Munaasibaddaas ka hadlay Abwaan Siciid Xarawo oo isna si kooban u sheegay in Cabdi Muxumed ay isku waqti ahaayeen isagoo ku tilmaamay Cabdi Muxumed inuu ahaa nin saldhig u ah suugaanta soomaaliyeed isla markaana door ku lahaa taariikhihii soo maray fanka soomaaliyeed.

Laashiin Axmadey Cabdi Gaashaan oo ka mid ahaa raggii halkaa ka hadlay ayaa isaguna u mahad celiyay Hay’adihii isku soo dubba riday Munaasibaddan isagoo codsaday in la joogteeyo soo ururinta, baadi goobidda Taariikhdii Fanaaniintii Soomaaliyeed ee horey u geeryootay isla markaana la sameeyo maalin loo aqoonsado Fanaaniinta Somaaliyeed.

Liibaan Xuseen Ciise oo ku hadlayay magaca Jaamacadda Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in AbwAan Cabdi Muxumed uu ahaa nin si weeyn u dhiiri galiya waxbarashada, isagoo sanadkan si weyn ula dar daarmay dufcad ka mid noqonaysay Jaamacadda Muqdisho.

Nadiifo Maxamuud Yuusuf oo ku hadlaysay Magaca INXA ayaa si weyn u ammaantay Abwaan Cabdi Muxumed iyadoo sheegtay inuu ka mid ahaa Xubnaha Hay’adda INXA, gaar ahaan Hay’adda Dr Ismaaciil Jimcaale ee Xuquuqda Aadanaha, isagoo ahaa nin u ol oleeya Nabadda iyo xuquuqul Insaanka.

Faadumo Xasan Diirshe oo ah guddoomiyey ku xigeenka Ururka SWA ayaa iyaduna sheegtay in dhimashadiisa maalmo ka hor uu abwaanku kala qayb galay xafladda lagu aas aasayay Ururka SWA oo ka dhacday m,agaalada Nayroobi, waxayna intaa ku dartay in Cabdi Muxumed uu ahaa shakhsi u taagan sidii haweenka soomaaliyeed ay door muhiim ah ugu yeelan lahaayeen Siyaasadda Soomaaliya.

In tii ay socotay xafladdaasi ayaa waxa khadka taleefanka uga qayb qaatay Wiil uu dhalay Cabdi Muxuned oo la yiraahdo Liibaan Cabdi, kaasoo u mahad celiyay hay’adihii soo abaabuley xafladda baroor diiqda iyo dad weynihii ka soo qayb galayba.

Waxaa kaloo ka hadlay xafladdaas guddoomiye ku xigeenka Olymbikada Aadan Xaaji Yabarow Wiish oo isaguna sheegay in abawaan Cabdi Muxumed uu ahaa nin ka qayb qaadan jirey horumarinta Isboortiga Soomaaliyeed isla markaana wax badan kala taliyay arrimaha isbortiga.

Duniyo Maxamed Cali oo ku hadlaysay Magaca Hay’adda Iida ayaa waxa ay sheegtay inay si aad ah u taqaanay Cabdi Muxumed iyadoo ku tilmaantay shakhsi aan la gabban fikraddiisa, sidoo kale waxay ku tilmaantay inmuu ahaa nin dadaal u galay sidii Soomaaliya Nabad loogu soo dabbaali lahaa.

Cabdi Maxamed Weheliye oo ku hadlayay magaca qoyska Abwaanka isla markaana ay soo wakiilatay Xaaska Marxuumka Faadumo Ciise ayaa waxa uu u mahad celiyay dhamaanba dadkii soo qaban qaabiyay xafladdaas iyo intii ka soo qayb gashay isagoo si qoddo dheer uga hadlay taariikhdii Cabdi Muxumed Amiin.

Intii ay xafladda socotay ayaa waxaa halkaa laga aqriyay qoraal uu soo diray Guddoomiyaha Naadiga Pen Maxamed Daahir Afrax isagoo qoraalkiisa ku bilaabay geeridu waa xaq, waana halka uu ku danbayn doono qof kasta, Somali pen waxay weydey halyey ka mid ahaa suugaan leyda Somaaliyeed, waxa naga jabay tiir ka mid ah tiirarka hal abuurayasha Faca weyn ee Somaaliyeed kaasoo loo dhutin doono”/

Geba gabadii xafladda ayaa waxa ka hadlay Af hayeenka Daw;adda Cabdi Xaaji goobdoon oo ka hadlay saaxiibtinimadii gaarka ahayd ee ka dhaxaysay isaga iyo Cabdi Muxumed isagoo ku sheegay inuu ahaa qaamuus loola noqdo afka Soomaaliga gaar ahaan wixii ka horeeyay qoraalkii af somaaliga. Waxana munaasibadda shahaadooyin lagu guddoonsiiyay hay’adihii ka qayb qaatay baroor diiqdaas/

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | December 5, 2008

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS