SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Ururka Ardeyda Somaliyeed Malaysia oo hugaan cusub doortay iyo rabshado gacanta la iskula tagay oo hareeyay madasha doorashadda

Waxaa habeenkii xalay ahaa ey taariikhdu ku beegneed 2-dec-08 lagu soo gaba gabeeyey midka mid ah hoolalka ugu waaweyn jamacadda Islaamka Malaysia (I I U M) doorashadii hogaan ka ururka ardeyda Soomaaliyeed Malaysia tii ugu Qalalaasaha iyo fowdada badneed abid tan iyo markii ururka dhidibada ey utaageen tiro ardey aan badneen bilowgii sagaashamaadkii.

Kudhawaad dad gaaraya kun qofood ayaa codkooda ka dhiibtay doorashada oo isugu jiray ardey iyo dad arima kale u jooga dalkaan, tiradaan ayaa ah tii abid ugu badneed oo ka qeyb qaadata doorasha ururka ardeyda oo ah mid sanadkiiba mar bishaan oo kale la qabto sida uu goobta ka sheegay Bahiir Cali Warsame oo ah gudoomiyaha gudiga qabsoomida doorashada.

Jawiga goobta ayaa ku bilaawday mid daganaansho iyo nabdoon ah waxaana madasha ey doorashada ka dhaceysay lagu soo bandhigay barnaamij Multimedia oo ka darjumayey wax yaabihii uu soo qabtay hogaanka xubnaha watiga u dhamaaday mudadii sanadka aheed ey xilka hayeen iyo shahaado sharaf uu uruka uu gudoonsiiyey dadkii la soo shaqeeyey mudada sanadka aheed ururka.

C/raxmaan Axmed Muuday oo ahaa gudoomiyihii mudada sanadka aheed ee la soo dhaafay hayey xilka ururka oo ugu horeen goobta ka hadlay ayaa soo jeediyey kalmado intooda badan ahaa talo iyo wacyigalin oo ku wajahneed dadka codkooda dhiibaneyey waxa uuna ka codsaday in ruuxwaliba uu codkiisa si nabdoon ugu codeeyo qofka uu taageerayo, sidoo kale waxa uu si daganaani iyo xushmadi ku jirto uga codsaday musharaxiinta in qofkii ku guuleysto hogaanka uruka uu ilaaliyo jiritaanka iyo midnimada uruka kana ilaaliyo wax waliba oo kala dhantaali kara jiriytaan midowga ardeyda iyo in musharaxa laga guuleysto in uu la shaqeeyo musharaxa guuleystay

Musharixiinta qabashada xilka hogaanka ururka isku soo taagtay ayaa kala ahaa Maxamed khadar ismaacil. Axmed warsame kolone iyo C/fitaax Cumar Gacal oo isga markii dambe googta ka sheegay in uu iska casilay jagadii musharaxnimo, ayaa labada kale mid waliba waxa uu soo badhigay wax yaabaha uu qaban doono iyo ajandihiisa mudada sanadka ah waxa uu noqon doonto hadii uu ku gooleysto xilka hogaanka ururka.

Codbixiyaasha ayaa codkooda ku dhiibanayey waraaqo qaas ah ey gudiga doorashadda ugu tala galeen in codka lagu dhiibto kuwaas oo gudiga doorashada ey sheegeen in ey kufilanyihiin dhamaan codbixiyeenada, walow ey markii dambe ey soo ifbaxday tiro dad ah oo ka cabanaya in aan la soo gaarsiin waraqaha codbixinta taa oo markii dambe dhalisay buuq iyo sawaxan madasha ka dhacay ayaa markii dambe gudiga doorashada ku guuleysteen in uu xalka gaaro

Markii ey gudiga doorashada soo gabagabeeyeen tirinta codadka ayaa gudoomiyahooda Bashiir Cali Warsame nadiijada shaaciyey waxa uuna goobta kaga dhawaaay in musharaha Maxamed Khadar ismaciil uu ku guuleystay cod aqlabiyed ah uuna noqday gudoomiyaha ururka ardeyda mudo sanad ah laga bilaabo hada. ayaa mar qura sawaxan, buuq iyo qalayaan isku shareeray madashii taa oo markii dambe ey gacanta iskula dageen qaar kamid ah taageerayaasha.

Mid kamid ah taageerayaasha musharaxa laga guuleystay ee Axmed Warsame Kolone ayaa goobta ka sheegay ereyo aan dadka ka farxin dad badana ey aad ula yaabeen markii uu gabi'ahaan codbixintii madasha ka dhacday ku tilmaamay mid aan cadaalad u dhicin eyna qaadaceen, walow uusan laqabin musharaxooda oo goobta ka sheegay in uu ku qancay uuna la shaqeen doono musharaxa guuleystay
Rabshadihii iyo gacan kahadalkii taageerayaasha udhaxeyey ayaa cirka isku shareeray waxa uuna gaaray in ey xafladii hakato iyo xaalad ey xalin waayeen gudigii doorashada iyo dadkii masuuliyiinta ahaa ee madasha ka soo qeybgalay, ayaa markii dambe waxaa goobta soogalay security police ka jaamacadda kuwaas oo gabihaan dadkii ku amray in ey banaanka kaga baxaan holka.

Guud ahaan doorashadii hogaanka ururka ardeyda Somaliyeed ayaa ku soo gaba gaboowday sidii aan loogu talagalin ayada oo muuqaal aan ku habooneen dad dalkale marti ku ah in ey sameeyaan goobta ey ka dhacay siiba ardey tacliin baranaya, walow ey dadka qaar ey farta ku godayaan dad ey sheegeen in ey u soo qalab qaadeen wax yeeleenta madasha doorashada kuwaas oo hore u caadeystay in ey sameeyaan falalka sidaan oo kale ah

Isku soo wada duuboo lawada arki doono howlaha iyo wax qabadka uu soo kordhiyo hoogaanka cusub ee ururka ee ladoortay oo hormuudka uyahay mudane Maxamed Khadar Ismaaciil, isaga sheegay in uu aad iyo aad ugu rajaweyn yahay in uu waxbadan uqaban doono ardeyda, asaga oo ku soo aaday xili ey somalida kunool dalkaan malaysia ey sameysteen dhawaan jaaliyad ey horkacayaan aqoon yahaniin aana hore u jirin sanadihii hore.

Waa sidee xaalka soomaalida ku nool Malaysia guud ahaan

wariye: saciid xuseen cabdi (macruuf)
Kuala Lumpur - Malaysia
macruuf09@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | December 4, 2008

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS