SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Dhammaadkii Tuunelka[1]

-The End of the Tunnel-

Ugu dambayn, dhammaadkii Tuunelku waa muuqday. In la gaari doono dhammaadka, in jahada bixidda lagu sii socon doono, in dib la isu majiiri doono, barta la marayo in gu'yaal dambe la sii fadhiyi doono!. Sida wax noqon doonaan waa gacan uur ku jirta, Allaah oo keliya ayaana og.

Sidaa daraadeed, waxa Ina Aadan ka dahsoon, Alle mooyee cid kale war kama sheegi karto. Ha yeeshee, waxaa na soo gashay yididdiilo[2]. Markan, waxaa noo muuqday iftiin tilmaan u ah in lagu dhow yahay afka laga baxo ee Tuunelka. Allow, run ka dhig.

Aalaa, Tuuneladu waa waddooyin mara Buuro la duleeliyay dhexdood, biyo hoostood, dhismayaal hoostood. Iftiin sida aad ugu socoto ayaad mugdi u geli -haddaan nalal shidnayn. Cabbaar, ku xiran dheerarka tuunalka kolkaad socoto waxaa kuu muuqanaya iftiin dibadda ka yimid, wax yar dabadeedna, tuunelka dibadda ayaad ka joogtaa.

Dalka Soomaalidu ma laha Tuunello, baahidoodna ma taagna!. Sidoo kale, waxaa Tuunel loo yaqaan godadka dhaadheer oo laga soo saaro Macdanta kala duwan iyo dhuumaha biyaha qaada.

Haddaba, shaki wuxuusan ku jirin in Soomaaliya muddo siddeed iyo toban sano ah kicin colaadeed ku jirtay, Tuunel mugdi ahna ku dhex rafaadday. Kolkol waa socotay, waase la jillaafeeyay. Mararra waa iska habsatay oo dhanna u dhaqaaqi wayday. Balse, wixii ka dambeeyay shirkii Asmara 06/09/2007, xallinta dhibaatada soomaalida, maalin walba ama maalin dhaaf ama saddex maalin dhaaf, waxay u siqaysay jahada Tuunelka looga baxo.

Dorraad ayay ahayd markii la iska dhaadhaciyey waxaa Asmara - Eretareeya- u yaacay dhawr wadaad oo Xamar looga itaal-roonaaday, Xubno barlamaanka Baydhabo ka soo gadoodey, kolkay arkeen in Xabashi marada loo taagey, qurba-joog dunida ku firirsan oo cayr-ku-nool ah (social welfare), bulshada Rayidka ah kuwo la baxay iyo dhawr oday oo maqaawiir lagu sheegay (dignitaries ama acyaan).

Jacburka caynkaa ahi maxay soo kordhin karaan?. Iyagaaba halis ugu jira in Argagixiso lagu shabbadeeyo?. Reer gaar ah iyo kuwo demman ayaa is uruursaday. Asmara nin tegey sooma nabad-noqdo. Eretareeya, iyadaaba go'doonsane, maxay qaban kartaa?! 'Laba qaawani isma qaaddo' sow laguma maahmaahin?

Shalay ayay ahayd markii ruux kasta loogu sheekeeyay: “Isbahaysigii Dib-u-xorayntu (ARS) markii la isu dhex-maray waa kaa kala tegey! Waxaa lagu guulaystey in laba garab loo kala jaro”. Garab wuxuu ku haray Asmara, garabna wuxuu u soo guurey Jabbuuti. La kala dhaqaaji!.

Dib-u-xorayn halkaa warkeedu ha ku haro! Kala-didintooda qorshihii loo dajiyey allaylehe si dhab ah ayuu u meel-maray. Bal car arag mar dambe laba wadaad oo wada taagan! Laabtooda ayaa xajiin la isu mariyey! Marka hore waxaa laga fara-xalan kuwa Asmara ku haray, marka xigana waxaa la qabqaban kuawa Jabbuuti loo soo raray. Waa u dhammaatay wixii loo bixiyey ARS!.

Maanta war oo dhan layrta ayaa la qabadsiiyey, kolkii ficil iyo wax la taaban karo loo gudbey. Heshiis: Dhisid Dawlad Mididnimo Qaran ayaa 26/11/2008 qalinka lagu duugey.  Farxad diirran. Neecow macaan. Saxansaxo caafimaad ayaa durba na soo gashay. Takbiir iyo Mashxarad ayaa dhan walba ka willatay. Maalin xusuusta Soomaalida ka soo gashay Albaab weyn in ay dhalatay ayaa la qarwaaqsaday!.”Ka naxow nafta waa” ayaa lagu wada dhawaaqay. Allaylehe, Shirkii Jabbuuti guul iyo tilaabo dhanka saxa ah loo qaaday; dheh!.

Nasiibwanaag, tuunelkii ayaa iftiin soo galay; waa iftiin waa la hubaa, waase  durugsan yahay. Runtii, muddo 18 sano ku dhow maanta ayaa iftiin kow noo ah.  Haddii Hayaanka Nabadda aan laga daalin, Allena raalli ka noqdo berrin-nabadgalyo way isku waraysan intii nooli (Insha'allaah).

Haddaba, hubaal waxaa ah markii tuunelka laga dhammaado in la geli doono bar- waddooyinku ku kala bayraan (Cross Roads) oo haddii dhanka khaldan la isla rogo wixii tabaca ahaa oo la kuusay noqonayaan hal bacad lagu lisay. Sidoo kale, waxaa hubaal ah in iftiinka cayayaan faro badan soo raaci doonaan. Laakiin, intaanan cayayaanka u gudbin aan iraahdo: dorraad, shalay iyo maanta raggii iyo haweenkii culayska  iyo eedda xilka dib-u-xoraynta qaaday oo har iyo habayn soo taagnaa wax la shinsan[3] karo ayay Soomaali u soo kordhiyeen, xallinta dhibaatadii sannadaha badan banjarinteeda loo fadhiyeyna meel wanaagsan oo wax laga yagleeli[4] karo ayay, runtii, soo gaarsiiyeen. Ha yeeshee, imminka ayaa la soo gaarey dardaarankii uu odaygu wiilkiisa ku yiri oo ahaa: “Maandhow, waa intaa oo aad ugala sii dhowaataa”.

Hore Soomaalidu waxay u tiri: “xil nin qaaday eed qaad”. Xil in la qaado ceeb ma aha, in loo eedoobaana wax la baciidsado ma aha. Waase in eedayntu xigmad ku fadhido, soo-jeedinta iyo qaadashda eedduna xigmad ku timaaddo. 'Eedee, isagaa xil qaadaye, ama eeddaa waan qaatay, saa xil baa isaarane' ma shaqaynayso. Sidaa darteed, kan wax eedeeyey waa in uu wax cad eedda ku dhisaa, kan la eedeeyeyna wax la tusay qaato, haddii loo soo bandhigo!. Haddii kale, waxba lagama duwana ari xero ku jira oo madaxa isgashaday. Sidaas haddii loo dhaqmo xil wuxuu noqon waajib laga cararo, eedina waxay noqon qadaf joogto ah, dantii guudna waa faro-kala-bax!

Haddaba, wixii xalay-dhalay[5] laga noqon karo meesha ku habboon intaan dhigno geesaha aan ku wada dhegno Himilada Cusub oo Soomaali u hillaacday. Waqtigii tegey, waqtiga soo aaddan ayaa ka mug weyn, khatar iyo culaysna ka badan. Waxa keliya oo lagu jiiri karaana waa midnimo, kala-dambayn, wada-tashi iyo kalsooni.

Sidaa daraadeed, ruux kasta oo xididdadiisa dhiig Soomaalinimo dhex-roorayo oo ficilo[6] ku dambayso maanta waa in uu xil qaado, intuu doono ha le'ekaado, eedna isu dhabar-godin, haddii uusan gelin. Beryaha soo aaddan ayaa markhaatiga laga dhex-baari doonaa.

Dib aan ugu laabtee, waxaan shaki ku jirin cayayaan habqan ah mar dhow in la arki doono. Sidoo kale waxaa la arki doonaa beri dhow wixii la oran jiray Safka Shanaad  ama 5th column. Safka shanaadi waa xoogagga kala ah danaystayaasha, khaa'imiinta, jawaasiista iyo inta qabiil wax ku doonta. Dherigii hareerihiisa iyaga oo taagan, rag kalena kabo-qaad u ah oo 'annaga reer hebel ah' aan ka xishooneyn ayay safaf dhaadheer soo geli doonaan!

Labadaa kooxood waxaa ka shiddo badan kuwa bilaabay mindiyihii dhiigga lahaa oo ay sannado badan ku qaraabanayeen musaska ku soo qariyay, afkana soo tirtirtay. Kollayse, waxaan ku kolsoon nahay raggii Soomaali danaheeda muddada dheer gaarka ka hayay in aysan sibiq ku dhaafi doonin.

Shacabkan Soomaaliyeed oo muslimka ahi ma mudna mar labaad in uu ku calaacalo: “Xalwaddii waxaa cunay kuwii Xaawo gawracaye!”[7] oo “Buug Madoobe” oo ay ku qoran yihiin ardaashii xalaalaystay dhiigga Soomaalida markanna la xado. Booggaa waa in meel dhowrsan lagu xafido, indho aammin ahna la dul-dhigo.

Ugu dambayn, waa maanta oo kale marka ay bannaan tahay cod dheer iyo kalsooni in loogu dhawaaqo: WAR, YAA MAALI JIRAYEEY! WAR YAA SOOMAALI AHEEY!. 

[1]Tuunel: Tunnel, afka Ingiriiska. Nafaq, afka carabiga waa dhuun wayn oo isku xirta laba barood oo

    kala durugsa. Badanaa waa mugdi. Dadka afingiriisiga ku hadla kolkay u muuqato arrin rajo

    dhammaad ku dhaw waxay yiraahdaan; “finely, there is a light at the end of the tunnel” [ugu

    dabmayn, iftiin ayaa ka muuqday dhammaadka Tuunelkaii. Badanaa intaadan bixin waxaa kuu

    soo baxaya calaamad ay ku qoranthay; Dhammaadkii Tuunelka.

[2]Yididdiilo:filashada la filanayo, wax loo baahanyahay in la helo ama la jecelyahay in la gaaro, sida

    xorriyadda .Gabyaagii soomaaliyeed Qaasim mar 60 dii ay u muuqatay in wax isbadali doonaan,

    wuxuu yiri; Noolaatay yididdiiladii naxashka saarrayd.

[3]Shinsado: wax helidoodada uurka lagu hayo.

[4]Yagleelid:xero ama dayr cusub oo ood ah dhigid ama samayn.

[5]Xalay dhalay, qofka noqonayaa waa in uu mar hore keeno Warqad-dhalash oo sax ah, nadiifna ah

    (Clean Birthe certificate) ama wax u dhigma, sidoo kale, gaboodfal kasta, xalay dhalay, lagama

    noqon karo. Warkaa, Kaftan yaan loo qaadan.

[6]Ficil:jacayl kulul iyo hiillo qof, dad gaar ah ama dhulka loo qabo; hiil; danaano; ficilo.

[7]tixdaan oo dheer waxaa 60-kii ku calaacay Gabyaagii xoriyadda (AUN) Cali Xuseen. Kolkuu

    saluugay abaal-darrada dawladdii soomaali loo dhisay ayuu gabay dheer tiriyay. Xaawo waa Xaawo

    Cusmaan “Taako”.

                Cabdiwali Sh. Maxamed

                Ifaqoon@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | December 3, 2008

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS