SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Taliska Maxaysatada Itoobiya & Fashilaadii IGAD ee Dalka Soomaaliya

Jamhuuriyadii Dimoraadiga ee Soomaaliya markii ay burburtay 12/30/1990kii ayaa waxaa markiiba ay Dowladda Itoobiya bilowday inay Xudduudaha Dalka Soomaaliya si sharci darra ah Ciidamadeedu u soo fadhiisteen kuwaa oo Shacabka degaanka ku hayey Hanjabaado joogta ah iyo soo gelin hub sharci darra ah oo ay u kala gudbinaysay dhammaan Qabqablayaashii Dagaalka oo Shacabka baday Qaxa,Barakicinta ,Xasuuqa,iyo Tahriibka ,Shirar fara badan kaddib ayaa waxaa IGAD u suuragashay inay ku guulaysato inay gaarto muhiimadii ay ka lahayd Dalka Soomaaliya kaddib markii Shirkii Nairobi lagu soo magacaabay mid ka mid ahaa Qabqablayaashii ay Dowladda Itoobiya gacan saarka la lahaa taasina ay keentay in ay u hergasho ujeedooyinkoodii ay ka lahaayeen Dalka Soomaaliya ,hase ahaatee Taliska Maxaysatada Itoobiya ayaa waxay heleen fursad ay Dalka ku soo galaan kaddib markii uu Baarlamaankii DFKMG ahi ay saxiiseen inay Soomaaliya u baahan tahay Ciidamao Shisheeye laakiin safka hore aysan ku jirin Ciidamada deriska la ah Dalka Soomaaliya ayaa waxaa isla markiiba Maxaysatadu u soo booday inay Dalka Xuduudiisa ay Ciidan Xoog leh soo dhigtay si aan looga hormarin ,nasiib darro Dagaallo fara badan kaddib oo Dalka ka dhacay iyo Kacdoon Dadweyne ayaa wuxuu abuuray in guushii ay gaaraan Ciidamadii Midowga Maxaakiimta Islaamka oo markaana ay gacanta ku dhigaan dhammaan konfurta Dalka Soomaaliya ,taasina ay naxdin iyo walbahaar ku abuurtay DFKMG ah iyo Ciidamada Maxaysatada ee Itoobiya oo horeba Xadka u fadiyey.

Midowgii Maxaakiimta Islaamka ee Dalka Soomaaliya ayaa waxay bedeleen dhammaan noloshii ay Shacabka ku noolaayeen 18kii Sano ee la soo dhaafay waxayna u bedeleen nabad iyo xasilooni oo dhammaan Shacabku ay ku wada noolaadaan ,laakiin tani waxay caqabad ku noqotay Cadawga Shacaka Soomaaliyeed iyo DFKMG ah oo ay weheliyaan Ciidamada Maxaysatada ee Itoobiya ayaa waxay weeraro qorsheysan ku soo qaadeen goobihii ay Dadka raydka ahi degenaayeen waxayna geysteen Qax,Barakicin ,Xasuuq aad iyo aad u daran Maxaysataduna waxay ka faa'idaysatay inay gacanta ku dhigto si Sahlan dhammaan Caasimadii Dalka Soomaaliya iyo Goobihii Muhiimka ahaa Dalka Soomaaliya oo ay ka mid ahayd Rugtii Ciidamada Xoogga Dalka ee Soomaaliyeed ,waxayna cagta mariyeen Masaajidii iyo Madarasooyinkii lagu baranayey Qur'aanka Kariimka ah waxay kaloo Rugo ka kala dhigteen Madaxtooyadii Dalka Soomaaliya oo taasi Macnaheedu yahay in ay Surtaan Calankoodii kaddib markii ay Dalka gacanta ku dhigeen arimahani ayaa waxay abuureen inay Dadkii Soomaaliyeed ay ku kala fikir duwanaadaan ,kuwana noqdaan Wadaniyiin kuwana noqdaan Dabadhilif gumeysi gargaar ah waxaa bilowday inay Dagaallo aan kala go' lahayn oo ilaa iyo maanta socda.

Haddaba Soomaalida maxaa Xal u ah? Soomaaliya Xalkeedu waa ku dhaqanka Diinta Islaamka oo si Xaq ah loo qaato iyadoon aan geed laysugu soo gaban Dimoqoraadi iyo Federalna wax Xal ah oo ay keenayaan ma jiraan , Dalku wuxuu soo maray duruufo kala duwan Shacbkuna waxay u baahan yihiin Nabad waxaanna lama huraan ah in nabad la helo isi ay taasi u taaba gashana waa in la dhisaa Guddi Sare oo heer Qaran oo baaris ku soo sameeya sidii loo gaari lahaa nabad buuxda , Jiilkii dhashay wixii ka dambeeyay 1990kii waxaan marnaba la dhaadhicin karin in uu Dalka Soomaaliya lahaan jiray Nidaam iyo kala Dambayn Shacabkuna ay ahaayeen kuwa Walaala oo is jecel ,Sababtoo ah wuxuu ku soo dhex koray Bulsho Dagaal iyo Nabadgelyo darro ku nool oo kala Dambayn iyo Dowlad aan lahayn Qoryaha waawyn iyo kuwa yar yari ay guryaha u dhex yaaliin Nabadda iyo Nabadgelyo darraduna aysan kala garanayn ,iyo kuwa Dalka Dibadda kaga Cararay oo lumay oo dhaqankii iyo Diintii iyo Afkiiba uu ka lumay kuna dhex koray Bulsho Ajaanib ah oo ka dhaqan gedisan.

Hoggaanka Sare ee Midowga Maxaakiimta Islaamka Labadooda Dhica ee Jabuuti iyo Eretiria maxaa la gudboon , Shacabka Soomaaliyeed wuxuu idiin hayaa Kalsooni aad ka kasbateen hase ahaatee waxay naxdin ku noqotay markii uu Khilaaf idin soo kala dhexgalay Shacabkiina waxay u kala jabeen sida aad ku kala fikir duwan tihiin waxaadna moodaa in Khilaafkiinu uu Dhaawac u geysanayo Midnimada Shacabka Soomaaliyeed Sababtoo ah wuxuu Caqabad ku noqday Shirkii Dib u Heshiisiinta ee Jabuuti markii ay Heshiis qaateen garabka Shirka ka soo qayb galay runtii mar haddii uu Heshiis jiro Qofka kula Heshiinayana ay Dhab ka tahay Diintu waxay qabtaa inaad la Heshiiso ,Nebi Maxamed CSW waxaa inooga sugan ku dayasho Qof bani'aadan lagu daydo tan ugu qiimaha badan haddana Kufaaru Quraysh marar badan ayuu Heshiis la galay ,bal u isugu noqda innagu waxaannu wada nahay Dad Soomaaliyeed oo Muslim ah maxaannu ula Dagaalamaynaa kuwa Nabadda jecel ,Itoobiya waxay ku baxaysaa ma aha Xoog ee waa Sharci ka soo baxay Hay'adaha Nabadda ee Adduunka Dad fara badan oo Soomaali ah iyo kuwa kale ayaana ka Shaqeeyay oo Qaarkiin ka mid yahay.

Ka bixitaanka Ciidamada Itoobiya ayaa waxay ku soo beegantay Xilli uu Khilaaf weyn soo kala dhexgalay Mas'uuliyiinta Is bahaysiga Dib u xoraynta Dalka iyo kooxaha kale ee weli Dagaalka ka wada Dalka Soomaaliya ,haddaba Ciidamadan Maxaysatada ahi waxay doonayaan inay sii joogaan Dalka Soomaaliya laakiin waxaa ku dhacay Xukun kaddib markay ku soo Xadgudbeen Xuduudaha Dalka Soomaaliya kuna Xasuuqeen Dad rayd ah oo aan waxba galabsan ,Mas'uuliyiinta Itoobiya ayaa waxaa goor dhow la horgeyn doonaa Maxkamad ka mid kuwa Dembiyada Dagaalka ee Dunida si loo dhagaysto Tacadiyo fara badan oo ay geyteen kuwaa oo kala duwan sida Dalka JDS iyo Gobolka is Maamulka ee Soomaali Galbeed iyo kuwa kale oo degaankaasi ah waxayna bilaami doontaa kaddib markii ay Ciidamada Itoobiya ay ka baxaan gebi ahaanba Dalka Soomaaliya ,hase ahaatee waxaa laga yaabaa in Ciidamada Itoobiya ay fariisimo ka samaystaan Xuduudaha Dalka Soomaaliya Cabsi weyn oo ku soo korodhay darteed iyo arimo kale .

Baarlamaanka DFKMG ah oo hadda ay tiradiisu aad u badan tahay wax ay Shacabka u qabteena aan la arag haddii lagu soo kordhiyo intaa iyo in ka badan maxay soo kordhin karaan? waxaan hubaa inay waxba ku soo kordhin karin Siyaasadan Cakiran ee ka taagan Dalka Soomaaliya ,Sababtoo ah korodhku wuxuu sii kordhinayaa oo keliya Khilaaf iyo is Afgarasho waa oo baaha iyo in aan Dib dambe aan loo heshiin maxaa wacay ? haddii ay Ummadi Heshiinayso iyadoo Tirada aan la badin ayaa la Heshiin karaa laakiin Tiro la badiyaa Nabadi kuma Imaanayso Dunida Caalamka kama jirto Baarlamaan ay Caddadiisu dhan tahay 550 Xildhibaan Qofkii loo sheegana wuu la yaabayaa Nabbadu waxay ku jirtaa oo keliya in la helo Dad midaysan Baarlamaankuna uusan ka badan 100 Xubnood Dowladda ah 100 Xubnood Isbahaysiga ah iyo 75 Xubnood oo Bulshada Raydka ah Xulitaanka Xubnahaanina waa inay ahaataa mid ku Salaysan Caddaladda si loo badbaadiyo Shacabka Soomaaliyeed oo ay dhibaatadu ay Aafaysay 18 Sanadood una baahan gargaarka.

Mucaaradka oo sii kordhaya wax nabad ah kama imaanayaan waxaa sii kordhaya oo keliya Dagaalada iyo Dhimashada iyo burburka loo geysanayo Dadka Raydka iyo Degaanka waxaa wanaagsan in Dowladdu soo dedejiso barnaamijka geedi socodka Nabadda ee uu horseedka u yahay R/Wasaare Nuur Xasan Xuseen iyo Hoggaamiye Sheekh Shariif Sheekh Axmed isla markaana dib loo eego khilaafka ka dhex jira Isbhaysiga si loo gaaro guul loo wada dhan yahay , Qof walba oo ka biyo diidan Heshiiskani waxaa haboon in uu Dib isu Xasuusto in uu Qabri Sugayo Dhibaatada Shacabkani haysatana isaga la weydiin doono ha ahaadaan kuwa Dalka lagu laynayo kuwa Qaxootiga ah kuwa Tahriibya ee ay Baduhu Cunayaan ,kuwa Diintoodii ka baxaya kuwa barakacaya ,kuwa Qaxootiga Dibadaha ku dhamaanaya ee aan haysan meel ay u soo noqdaan Nabadgelyo darrida jirta aawadeed , Maslaxadeennu waa Midnimo , Guul, Caddaalad iyo Gobonimo waarta.

Eng. Cabdulqaadir Cumar Yuusuf
Somalihungerhivprojectus2004@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | December 3, 2008

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS