SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Kulan nabadeed ay qabatay Hay'adda PDRC oo ka dhacay Magaalad Gaalkacyo.

Xarunta Horumarinta iyo Cilmibaarista Puntland (XHCP-PDRC) ayaa waxay qabatay kulan nabadeed
oo ay kasoo qayb galeen 60 xubnood oo kamid ah haweenka magaalada Gaalkacyo ee Gobolka mudug.

Kulankan ayaa waxaa kasoo qayb galay qayb kamid ah madaxda Gobolka, halkaasi oo ay hadallo kasoo jeediyeen.

dad uu kamid yahay Xog hayaha dawladda Hoose ee Gobolka Mudug Musse Yusuf Jalle isagoo sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay in ay haweenku samaynayaa dadaal iyo horumar nabadeed oo muuqda taas oo keeni karta xal waara.



Waxaa kale oo isna halkaas hadal kasoo jeediyey Maxamed Dhabancad oo ah xubin katirsan UN-OCHA, wuxuuna sheegay in nabaddu tahay shay aan marnaba laga maarmin, hooyooyinkuna ay lafdhabar u yihiin nabadda madaama wax walba ay
kasoo asaasmaan xaafadda, wuxuu sidoo kale sheegay in ay dhammaantood arintaas kawada shaqayn doonaan.

Kulankaas oo gabi ahaan ahaa mid xiiso badan ayaa waxaa qayb ballaaran ka qaatay haweenka nabadaynta labada bulsho ee gobolka Mudug kuwaas oo maalin iyo habeenba u taagan in ay raashdaan halka dhibaatadu kajirto isla markaasna ay kusoo dabbaallaan xaalad nabadeed.



Kulankaan ayaa waxyaabihii looga dooday waxaa kamid ahaa:

• Nuglaanta gobolka Mudug iyo saamaynta uu ku reebi karo gabdhaha
• Muhiimadda iyo faa’iidada samaynta xiriir ka dhexeeya labada bulsho
• Ka hortagida dagaalada iyo xoojinta tubta nabadda
• Kalsooni abuur labada bulsho iyo dhiirigalin gabdhaha oo nabadda ku raadsha wada xaajood.

Kulankaan oo looga dooday dhammaan qodobada kor ku xusan ayaa waxaa


Faarax Siicid Faarax.
Galkaio Puntland Somalia

La xiriir: umalx85@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | December 3, 2008

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS