Turunturada Shirka Jabuuti iyo Talaxumada TFGTan iyo intii burburka uu ku yimid haykalkii dowladeed iyo dadnimo ee
Soomaaliyeed waxaa socday shirar taxane ah oo lagu doonayay in lagu
badbaadiyo Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed.
Shirarkaas waxay ka dhaceen goobo badan oo ay ka mid ahaayeen
Itoobiya, Jabuuti iyo Kenya. Badankii shirarkaas wixii ka soo baxay
waxay noqday kuwo lagu hungoobay. Sababaha loo aanaynayay
dhicisowgaasina waxay ahayd iyadoo badanka shirarkaasi aanay goobjoog ka
ahayd dad talo ka godo, ama hadaan hadalka si kale u dhigo looma wada
dhamayn. Sidoo kale agendayaasha shirarkaasi ma ahay kuwo loogu
talagalay in lagu lafaguro ama xal loogu helo xaqiiqda asalka iyo
aasaaska u ah mushkilada taal Soomaaliya.
Ilaa iminka ma dhicin in shirarkaasi looga hadlo qodabada xasaasiga
ah ee ay ka mid yihiin:
- Dulmigii iyo xasuuqii loogaystay maatada iyo maxaysada
Soomaaliyeed kuwaas oo lagu gumaaday hayb qabiil, balse danbi ay
galabsadeen uusan jirin, tiradooduna gaarayso 600.000 ama ka badanba
- Dhulalka ayku abtirsadaan dadka laga tirada iyo tabartaba badan
yahay ee xooga lagu haysto sida Jubooyinka iyo Shabeelooyinka
- Muqdisho oo ahayd Caasumad Soomaaliyeed oo cidwalba oo haybta
Soomaaliyeed sheegataa ay ku lahayd hanti dhul iyo ganacsi taas oo
maanta noqotay goob qabiil qudha uu sheegto dhacna lagu haysto
hantidii shacabka iyo tii qaranka Soomaliyeed
- Dulmigii ay dowladii Shuuciga ahayd ka gashay shacabka gobolada
Waqooyi Bari iyo Waqooyi Galbeed Soomaaliya , goobahaasi oo xasuuq
ba’an loogu gaystay shacab maxaysto ah iyadoo la adeegsanayo
haykalkii , hubkii iyo ciidankii loogu tala galay difaaca dalka iyo
dadka.
Hadaba shirarkaasi aan kor ku soo xusan waa kuwo aad uga fogaa xaqiiqda
iyo xalinta khilaafaadka iyo waxa Soomaali kala tabanayso ee dulmiga iyo
gabood falka ahaa ee ka dhacay dalkeena.
Shirarkaasi waxay ahaayeen kuwo in wax lagu dhoodhoobo ama boog
hoosta ka huraysa korka laga dhayo oo qudha ay ula jeedadu ahayd. Balse
aan marka ahayd in la soo afjaro mushkilada, lagu xaliyo khilaafaadka,
lagu daweeyo dareenka, la iskala xisaabtamo, lagu xeertamo, la isku
xukumo, la iska xaalmariyo dabadeedna lagu wada dhisto maamul iyo
maarayn loo wada dhanyahay.
GACMAHA SHISHEEYE
Shirarkaasi marna kama marnayn faragelin shisheeye iyo hadba qolyo
dhagta wax loogu soo sheego oo lagu adeegto, kuwaas oo loo balan qaado
mansab, iyo xoogaa luf-luf ah, dheef aan dhaayo sii waara lahayna la
siiya.
Dagaalkii Qaboobaa Kadib (Post Cold-War):
Dagaalkii qaboobaa ee ka dhexeeyay NATO iyo WARSAW oo Ruushka iyo
Maraykanku hormuudka u ahaayeen, waa kii dhibaatada maanta Soomaali
taala saldhiga u ahaa maxaa yeelay burburkii ku yimid dowladii shuuciga
ahayd ee Soomaalia wuxuu soo bilaabmay jabkii Soomaalida ka soo gaaray
dagaalkii Ogaden, dhabarjabka dagaalkaasna waxaa sabab u ahaa Ruushkii
oo Soomalida Garabkeeda ka baxay isaga iyo xulafadiisuna la soo safteen
Itoobiya.
Dibin Daabyada Masar:
Kadib markii dagaalka qaboobi dhamaaday waxaa bilaabmay dagaalo kale
oo doqon ma garato ah sida dagaalka khayraadka sida biyaha. Taas ayaana
asal u ahayd dibin daabyada ay bilowday dowlada Masar iyadoo go’aansatay
inay Soomaaliya u adeegsato burburka Itoobiya si aysan itoobiya nabad u
helin dabadeedna fulin qorshayaasheeda horumarineed sida dhismaha biyo
xirka wabiga Niil, taas oo dhabar jab dhaqaale iyo nololeed ku keeni
karta jamaahiirta Masar.
Adeegagaasha Ereteriya iyo Cigaalayda carbeed:
Waxaa iyana xusid mudan raga u adeegaya danaha siyaasadeed ee
Erateriya iyo Danaha batrool iyo istraatiijiyo ee Carbeed. Hadaba
waxaan ka cudur daaranayaa inaanan si qoto dheer uga hadi doonin
arinkaan maadaama aanu maqaalkaygu ku wajahnayn ilma Daahir Awaysks
Asmara iyo Al-Shabaab, balse qolada Jabuuti ku shirtay un uu qoraalkaygu
ku wajahan yahay.
Lugooyada Itoobiya:
Itoobiya oo heshay fursad qaali ah, taas oo ah in Soomaali oo kala
qabsan soo kala hororsato iyagoo koox kasta waydiisanayso ganacsaar iyo
hub ay ku layso hadba qolada iyo qabiilka ay hardamayaan. Taas ayaana
sababtay in Itoobiya hub isugu soo dhiibto Soomali si ay isku gumaadaan,
ilay iyaga kii dhintaaba waa u Soomaaliye. Waxay ka dhigtay Dalkii
Soomaaliyeed gobolo ay midba dhagta ugu sheegto ama ugula faqdo
saaxiibkayga keliga waa adiga.
Waxaa hubaal ah in hubka la isugu soo dhiibaa uu ka soo dego dhul
Soomaaliyeed waa Berberee, waxaa kaloo xaqiiqo ah in Hub ay ku kala
adkaan karaan si dagaalku u soo afjarmo aysan qolana u siin si gumaadku
u sii daba dheeraado oo aan lookala xoogroonaan.
Waxay isku hubaysay Somaliland iyo Puntland gaar ahaan dagaalkii
laascaanood, waxay isku soo hubaysay Morgan iyo Mooryaan, RRA iyo USC,
Masale iyo Itixaadkii Gedo iwm……
Soomaalidu waxay tiraahdaa mayd keebaa ugu danbeeyay, markaasaa la
yiri “kaa la sii sido”
Waxaan oran karaa Soomaalidu waa umul aan garan dhibka iyo xanuunka
soomaray , mana nihin ummad ku wax qaybsada dhacdooyinka iyo
masiibooyinka.
Sidaa awgeed waxaan aamin sanahay in dhibkii hore ee dhacay uu ka
badnaandoono hagardaamada iyo hadimada ay dowlada itoobiya maanta la
damacsan tahay Soomaali. Sababtoo ah waxay itoobiya ku fashilmatay
siyaasadeedii hagardaamo iyo gumaadkeedii milateri intaba.
Waxaan kaloo nasiibdaro ah in dadkii ku andacoonayay dagaal iyo
jihaadbaan wadnaa oo itoobiyaan dalka ka saaraynaa inay iyagii maanta
yihiin aalada iyo kuwa lagu burburinayo haykalkii iyo qaranimadii
Soomaaliyeed, laguna sii kala fogaynayo fursad heshiis ee ka dhalata
Soomaaliya.
Turunturada Shirka Jabuuti
Maaha markii koobaad ee shirkii Soomaaliyeed Jabuuti lagu qabto.
Labo shir oo laba dowladood lagu soo dhisay baa ka dhacay labadaas
dowladoodna hogaanka talada gacanta loogaliyay Cali Mahdi iyo Cabdisaaam
Qaasim oo labaduba ka soo wada jeeda beesha Soomaaliyeed ee Hawiye ku
abtirsata. Labadaas dowladood ciribtoodiina waxay ahayd iyo asbaabtii
burburiyayna dhamaanteen waan ka dharagsanahay.
Hadaba akhristow waxaa su’aal furan iga ah, qolada shirka jabuuti
maanta ka qaybgashay miyaysan ku wax qabysan labadasaas dhacdo, muxuuse
shirka maanta uga duwan yahay labadaas shir ee hore. Waxaanba oran
karaa labadii shir ee hore ayaa ka dad badnaa dhinac tiro iyo tayaba.
Sidoo kale dhamaan qabaa’ilada Soomaalieed iyo xubnaha bulshada ee kala
duwaniba dad baa ka joogay.
Hadaba hadii shirkaan loo eego kuwii hore:
- Miyaysan dhab ahayn in beel ka mid ah beelaha Soomaaliyeed oo
qudha ay qabsatay shirka. (fadlan fiiri shaxda hogaanka shirka:
Shariif iyo Nuur Cadde oo jifo hoose wada ah, waxayna u wakiisheen
saxiixa shirka Axmad Cabdisalaam iyo C/raxmaan C/shakuur oo isku
jifo hoose ah , ragaas afarta ahina dhamaan waxay kuwada abtirsadaan
hayb qudha. Hadaba sidee suurto gal ku noqon kartaa in beelaha kale
ee aan egrada ku lahayni ku qanacdo heshiis aysan qayb ka ahayd ,
talo ku lahayn, wax ka gorfayn ay go’aankiisa qaadato. Miyaysan
mustaxiil ahayn.
- Miyaysan dhab ahayd in go’aamada ay ka midka tahay kordhinta
xubhana baarlamaanku ahayd jilaafo iyo burbur hor leh. Timirtii
horeba dab loo waa!!!! Baarlamaankii TFG ayaaba iska daa mushahaar
iyo goob ay ku shiraan ama ku hoydaane helaane, tigidhadii ay ku
imin lahaayeen Baydhabo loo la’yahay.
- Miyaysan labada garab ee heshiiska gaaray ahayn kuwo aan taloba
gacanta ugu jirin. Deegaan wayn oo ay ku gorgortamaan iyo awood
wayn oo nabad dhalinkarta lahayn.
Talaxumada TFG
TFG waxaa loo arkayay dowlad u istaagi doonta inay ka saarta dalka
dhibaatada, inay midayn doonto shacabka Soomaaliyeed ee dagaalka iyo
dayacu dilooday. Laakiin nasiib daro taladoodii waxay ka dhamaan wayday
is qabqabsi iyo isku qayilis, taas weeye tan maanta meesha xile
dhigtay. Waxay garan waayeen fursada dahabiga ah ee ay haysteen taas oo
ahayd inay heshiisiin dab ah sameeyaan, dalka gudihiisa qolo qolo isugu
yeeraan, xubin karsa oo baarlamaanka ku jirta u diraan deegaankiisa si
uu usoo dumo dadkiisa, dabadeedna shirwayne runta la isugu sheego dhaco
si nabad waarta loo helo. Inay gobolkasta u daayaan dadka u dhashay
inay iska soo dhex doortaan maamul ay ku qanacsan yihiin dhamaan
qabaa’ilada kala duwan ee ood wadaagta ah. Inay xoreeyaan dadka laga
tirade badan yahay deegaamadooda xooga iyo dulmiga lagu haysto, inay
Somaliland la shiraan kuna soo dabaalaan Federation iyo in cidkastaa xor
u noqon doonto arimaha daakhiliga ee gobolkeeda.
Nasiib daro way ku fashilmatay howlahaas aasaasiga ahaa, fashilkaasna
eedeeda masuuliyiinta TFG iyo xubhaha baarlaanka ayaa qaadaya walow ay
dhibka qayb ka ahayd jilaafada Itoobiya, dagaalada Shaatiga diinta loo
soo xidhay, Habacsanaanta wadama Caalamka, iyo Habisada, dhaqaale xumo,
ciidan amni la’aan iyo wadaniyad xumada Shacabka Soomaaliyeed.
Farah Aw-Osman
awosman@gmail.com