Garoowe: Ciyaaraha Gobolada Puntland Daawo....
Minnesota: Sawirada Ciyaaraha Minneapolis Daawo
Gobolka Bari oo ku guuleystey Tartankii Pundland
Sawirada Ciyaaraha Halkan ka daawo...
Nov 30, 2008 waxay aheyd cayaartii finalka oo ay wada cayaareen gobolada BARI
VS NUGAAL waxay aheyd cayaar aad u xamaasad badan waxaana ka soo qeybgalay
masuuliyiin sare ee dhinaca siyaasada ugu sareeya Puntland waxayna yihiin labo
masuul oo u sharaxan madaweynenimada dawlad goboleedka puntland 1. xasan Abshir Faarax 2. Aadan Maxamed ciise (Gaadaale) 3. Xasan Cismaan Aloore wasiirka macdanta puntland 4. C/qaadir cismaan samatar (foodcade) Duqa magaalada Garoowe cayaarta oo aad u xiisa badneyd ayaa waxaa lagu qiyaasay shacabka ka soo
qeybgalay 5000 cayaarta qeybtii hore waxay ku dhamaatay 0-0 qeybtii dambe markii
la gaaray ayaa gobolka bari waxay sameeyeen isbedel farsamo oo aad u sareysa
waxaana u suurto gashay inay ku guuleystaan 2-0 waxaana guusha raacday gobolka
BARI waxuuna ahaa gobolka ugu dishibiliin fiican maamul iyo farsamo ahaan
cayaartu markey dhamaatay kadib ayaa masuuliyiinta siyaasada ee cayaarta ka soo
qeybgalay waxay gacan qaadeen labada kooxood iyo garsoorayaasha cayaarta
dhexdhexaadinayay waxayna si gaara ugu mahad celiyeen garsoorka oo ay ku amaanen
aqoon iyo waaya aragnimo sidoo kale waxay u hambalyeeyeen gobolka BARI oo
kaalinta 1aad galay halka ay kaalinta labaad galeen gobolka NUGAAL waxayna
masuuliyiinta ugu dambeystii mahad aan laso koobi karin u celiyeen xiriirka
soomaaliyeed ee k/cagta talaabada geesinimada leh ay qaadeen iyo sida quruxda
badan oo ay u abaabuleen tartankan qiimaha badan aadna na soo xasuusiseen bari
samaadki waxaana laga codsaday xiriirka k/cagta inay joogteeyaan tartanka
gobolada waxayna masuuliyiinta balan qaadeen inay gacan siin doonaan xirirka
k/cagta waxayna xiriirka ugu hambalyeeyeen horumarinta k/cagta gobolada oo ah
talaabo kalsooni galin karta bulshada ku nool gobolada puntland iyo soomaaliya
oo dhan
A/abdiqani
Waxaa isku dubaridey Amin Yuusuf
Kooxda Tigers oo Ku Guulasatay Koobkii fall league ee Minnesota
Minnesota: Sawirada Ciyaaraha Minneapolis Daawo
waxaa garoonka kubadda cagta (indoor)ee Burnvilla lugu soo gabagabeeyay
cayaartii ugu danbeesay koobkii loogu magacdaray koobka FALL LEAGUE Cayaartii
ugu danbeesay ayaa waxay dhexmartay kooxaha TIGERS iyo CEDAR STARS cayaartaas
ayaa waxay ku bilaabatay si xamasdaysan oo durbaddiiba weerar iyo weerar calis
ah waxayna labadda kooxoodba ay haleen fursado ay ku dhalinkareen goolal balse
kooxda CEDAR STARS ayay u suurtagashay in ay hasho goolkii ugu horeeyay waxaana
u dhaliyay cayaaryahay lamabarka 17 usitay qaybtii hore waxaa lugu kaladhastay
2-0.Waxaad moodaa in ay kooxdda CEDAR ay soo bandhigtay cayaar dadweynahii
daawanay ay u riyaaqeen waxayna kasbatay in sacabka la joojinwaaye . ka dib
markii ay koox walba lasootashadeen macalinmintooda waxayna u sheegeen meelaha
ay kooxdooda ka xunyahiin macalinka kooxdda TIGERS JABRIIL ayaa waxuu wax ka
badalay dhinaca weererka oo uu rabay in uu mar uun iska soo gudo goolasha lugu
leeyahay balse macalinka kooxdda CEDARS STARS BARQAD waxuu sii labajibaaray weerarkii ay ku qaadeen goolka TIGER.
balse TIGERS waxay waxbadan ka bashay cayaartii markii ay dhexda soo galisay ALI
BASGUWAALE, RAAGE YARE iyo ABDIRISAAQ YARE waxayna ka faa'iidaysato cayaartoodda
aad u badan ee kooxdu leedahay waxuuna macalin JABRIIL soo galiyay cayaartoy aan
horay u cayaarijirin waxayna durbaddiiba islahaleen jaanta sacab iyo qaylo ayay
taageerayaasha Tigers joojiwaayeen ilaa ay u suuta gasha kooxdda TIGERS IN AY
DHALIYAAN LABO GOOL OO ISKU XIGA waxaa durbaddii kubadda la wareegay kooxdda
TIGERS oo halkaa ku soo bandhigtay cayaar dhamaan dadkii daawanayay ay aada ugu
riyaaqeen haddaba daqiiqaddii 25naad ayaa waxaa kubad si fiican u soo laaday
kanu ka dibna waxaa durbadiiba qabsaday laacibka khadka dhexe ugu cayaara TIGERS
ETOOPIYA waxuu si cajiibah ugu laaday fasal oo dhanka bidixda taagnaa, fasal
waxuu si cajiib ah intuu samadaa aaday si fiican goolka ugu dhuftay shabaqa
kooxdda CEDAR STARS cayaartii waxay noqotay 3-2 macalinka kooxdda Cedar stars iyo kooxdiisa ma
raja dhagin waxaan maqli jiray cayaar waa galin danbe waxaasa moodaa in kooxdda
Cedar ay halkaa ku soo bandhigeen cayaar soo jeedatay dhamaan dadkii daawanayay
waxaase la yaabnoqotay in kooxdda tigers ay si ka faa'iidaysteen cayaartayda
faraha badan ay haysato meesha macalinka BARQAD kooxdda CEDAR uu goroonka
kuhayay lix cayaartoy oo qura halka macalinka KOOXDDA TIGERS uu badalay daqiid
walba uuna soo galinayay cayaartoy cusub waxaan usuutagashay in taageerayaasha
TIGERS AY sawaxan iyo buuq isgudaray waxaana dhacday in labadda koox ay is
weeraraan kooxdda CEDAR STARS waxay hashay fursado ay gool ku dhalinkareen balse
ka faaiidaysan halkaa waxaa guushii ku raacday kooxdda TIGERS waxayna cayaartii
ku dhamaatay 4-2 Waxaa xusid mudan in cayaartaas ay aheed cayaartii ugu fiicneed
intii ay cayaarhaas socdeen waxaan ka soo qaybgalayay cayaartoddii hore ee
somali AAMAAN, MARSHAALE, MADAXAY,SHIIKHA,MAXAMUUD CIISE, AXMED DAAHIR IYO
MACALIN MOORGAN OO UCAYAARIJIRAY KOOXDDII FIAT OR WAGAN waxuuna halkaa ku
baxiyay koobkii finalka waxuu cayaartoyda somalidda ku canaantay in aysan wax
horumar ah ay wali kagaarin cayaarta waxuu u sheegay in aad ka qayb gashaan
cayaaraha gobolka minnesota ka dhaca ee MLS iska oo u sheegay in aan haysano
cayaartoy cayaari kara MLS(MINNESOTA LEAGUE SOCCER)waxuu yari bal soo eega
cayaartoodda ka cayaara MLS awoodda aad haysataan iyo cayaarta aad ku cayaartaan
magaari karaan ee iska dhaafa in aad tiraahdaan waxaan ucayaaraa
TIGERS,CEDAR,MIDNIMO, VIA ROMA, SYL EE horumarsameeya ayuu ku soo dhameeyay.
Waxaa mahadmudan gudigii soo qabaqaabiyay cayaarahaas oo mudo labobilood ah
socday waxaan u mahadcalinaynaa MUSTAFA, DAADIR iyo dhamaan cayaartooddii ka soo qaybgalyay cayaarahaas oo dhan zakaria aden somali media of minnesota zakihaji@yahoo.com
Faafin: SomaliTalk.com |
December 2, 2008
|