SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Dagaal la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan oo saakay ka dhacay xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho

Iska hor imaad aad u culus oo laysku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa saakay waabarigii waxa uu ka dhacay nawaaxiga isgoyska km4 gaar ahaan waddada dheer ee isku xirta Tarbuunka ilaa KM4.

Dagaalka ayaa billowday markii ay Dagaal yahanada hubeysan ee Al-shabaab ay weerar kedis ah ku qaadeen fariisimada ay ciidamada AMISON ku leeyihiin isgoyska Km4, waxaana dagaalka oo sii xoogeystay kaddib uu isku fidiyay illaa isgoyska Taleex iyo Tarebiyano.

Iska hor imaadka oo uu u dhexeeyay ciidamada AMISON iyo kuwa dawladda federalka oo dhinac ah iyo xoogagga Al-shabaab ayaan la ogeyn qasaaraha soo kala gaaray dhinacyadii halkaasi ku diriray, hase yeeshee intii uu dagaalkaasi socday ayaa waxaa tiro madaafiic ah oo ku dhacay goobo ka fog-fog halka uu dagaalka ka dhacay ay sababeen dhimashada iyo dhaawaca dad rayid ah.

Dagaalka ayaa markii dambe iskiis u qaboobay kaddib markii kooxihii soo weeraray fariisimada ciidamada AMISON ay dib u gurteen, waxaana daqiiqado kaddib caadi ku soo noqday dhaq-dhaqaaqii dadka iyo isu socodka gaadiidka, inkastoo waddada isku xirta Tarabuunka ilaa Km4 ay ka muuqdeen bur-burka dhismayaal ay ku dhaceen madaafiic sida illinka hore ee shirkadda isgaarsiinta Hormuud ee KM4.

Dabley aan heybtooda la garneyn oo si gaadmo ah ugu toogtay labo askari oo ka tirsan dowladda federalka Soomaaliya

Labo askari oo ka tirsan ciidamada dawladda federalka Soomaaliya gaar ahaan kuwooda booliska ayaa xalay fiidkii kooxo bastoolado ku hubeysan waxay ku toogteen Dugsiga 21-ka October ee degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho.

Labadan askari ayaa xilligii dilka loo geysanayay waxay ku gudo jireen falal burcadnimo iyagoo baaranayay dadweyne halkaasi marayay oo isugu jiray rag iyo dumar, sida uu xaqiijiyayay mid ka mid ah dadka deegaanka.

Kooxahan bastooladaha ku hubeysan oo ka koobnaa ilaa afar dhallinyaro ahaa ayaa si gaadmo ah ku toogtay ugu horreyn mid ka mid ah labadii askari ee baarashada ku hawlanaa, halka midkii kalena ay toogteen xilli uu isku dayay inuu ka baxsado halkaasi, waxayna ka qaateen qoryihii ay wateen.

Maydka labadaasi askari oo muddo halkaasi yiilay ayaa waxaa markii dambe u yimid ciidamo kale oo ka tirsan dawladda federalka kuwaasoo meydkooda ka qaaday halkaasi, waxaana saakay deggan nawaaxiga goobta askartaasi lagu dilay iyadoo isu socodka dadka iyo dhaq-dhaqaaqa ganacsigaba uu caadi yahay.

Golaha aminiga ee jimciyada qaruumaha ka dhaxeyso oo shir ka yeeshay arimaha somalida go.aanana ka soo saaray Newyork

Xubnaha Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa kulan xasaasi ah oo xalay ku yeesheen Xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada Newyork ayaa waxay ku ansixiyeen in la kordhiyo waqtiga ay ciidamada AMISON ay joogayaan dalka Soomaaliya laguna daro ilaa lix bilood oo hor leh.

Golaha ammaanka oo tixraacayay qaraarka 1831 ayaa waxay sheegeen in iminka lagama maarmaan tahay in la taageero hawl gallada ciidamada AMISON ee gudaha dalka Soomaaliya lana suurto geliyo in ciidamo kale oo ka socda dalalka Afrika la geeyo dalka Soomaaliya kuwaasoo beddela ciidamada Itoobiya.

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale waxay sheegeen in ay ugu baaqayaan waddamada deeqda bixiya inay ciidamadaasi ka socda ururka Midowga Afrika taageero u fidiyaan si ay ciidamadaasi ugu suurto gasho inay gacanta ku dhigaan guud ahaan ammaanka magaalada Muqdisho.

Kulanka ay xalay ku yeesheen xubnaha golaha ammaanka ee Qaramad Midoobay ayaa waxay kaga codsadeen xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ina isaga uu sii wado dadaalada uu ugu jiro in dhaqaale dhinacyada militariga iyo loojistikada ah la gaarsiiyo ciidamada AMISON ee ku sugan dalka Soomaaliya.

Markab laga leeyahay dalka Malaysia  Oo gacanta u galay Kooxo burcad badeed Soomaali ah


Kooxo burcad badeed Soomaali ah oo wata dooman dheereeya iyo hub aad u culus ayaa waxaa lagu soo warramayaa in ay afduub u geysteen markab ganacsi oo laga leeyahay dalka Malaysia oo waday alaabo saliid u badan kuna soo jeeday dalka Soomaaliya.

Kooxaha burcad badeedda ayaa la sheegay inay markabkan ka soo afduubteen xeebta gacanka una soo dhaqaaqeen dhanka xeebaha gobollada bari ee dalka Soomaaliya.

Markabkan oo ay saaran yihiin ilaa 20 shaqaale ah oo u kala dhashay dalalka Malaysia iyo Filibin ayaa xiriirkiisii la waayay, waxaana afhayeeno u hadlay shirkadda markabkani laga leeyahay oo saldhig ku leh dalka Malaysia ay sheegtay inay aaminsan tahay in markabkani la afduubtay maadaama ay sheegeen in xiriirkii dhinaca isgaarsiinta oo ay la lahaayeen markabkaasi ay ugu war dambeysay markii uu soo galay xeebaha dalka Soomaaliya.




Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
0025215576666
002525907666

Faafin: SomaliTalk.com |  August 21, 2008

BAARID | SEARCH


Hayadda batroolka SoomaaliyaDFKMG oo Heshiis u Saxiixday Shirkadaha Batroolka ee Kuwait Energy iyo Medco Energi...
Maadaama shirkadahaasi jaal la ahaayeen Geeddi ma lagu macnayn karaa in la soo celinayo Geeddi Akhri


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS