SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Musharaxa Madaxweynaha Puntland Mudane: Nuradiin Aadan Diiriye oo gaaray Gobolka Karkaar, Qardho

Sawirada Halkan ka daawo...

Musharax Nuuradiin Aadan Diiriye oo ah musharax u taagan jagada madaxweynenimada Puntland ee sanadda 2009-ka, ayaa maanta isaga iyo wafti ballaaran oo uu horkacayo waxaa lagu soo dhaweeyey magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar ee maamul goboleedka Puntland. Musharaxa iyo waftigiisa ayaa la dejiyey Hotel Gufure oo ku yaalla magaalada Qardho
IMG_1385
waxaana musharaxa iyo waftiga uu horkacayey kala kulmeen magaalada Qardho soo dhawayn diiran.
Casho sharaf uu musharax Nuuradiin u sameeyey Issimada, Salaadiinta, Cuqaasha, Nabadoonada, Saraakiisha iyo wax garadka gobolka Karkaar.
IMG_1382

Casho sharaftaas ayaa ugu horeen waxaa ka hadlay musharax Nuradin Adan Diriye oo mahadnaq balaaran u soo jeediyey marti sharaftii ka soo qayb gashay cashadaas. Mudane Nuradin wuxuu kaloo ku wargalliyey inuu u taagan yahay doorashada jagada madaxweynenimada dowlad goboleedka Puntland ee lagu wado in ay dalka ka dhacdo bilowga sannadka 2009 ka. Waxaa kaloo casho sharaftaas ayaguna markooda ka hadlay qaar ka mid ah Issimada, salaadiinta, cuqaasha, nabadoonada iyo saraakiisha, waxayna si wadajir ah u soo dhaweeyeen musharaxnimada Nuuradiin, waxayna si gaar ah u xuseen in Mudane Nuuradiin uu yahay musharixii ugu horeeyey ee la kulma dadweynaha reer Qardho, ayagoo mahadnaq uga soo jeedeeyiyey arrintaas. Dadkii ka hadlay casho sharaftaas ka hadlay waxaa ka mid ahaa
 
 1 Xildhibaan Xirsi Bulxan Farax
 2. Nabadoon Abdi Bashiir Cali Salaad
 3. G/sare Yasin Cisman Dheere
 4. Sheekh Xusen Xashi Barre
 5. Caaqil Maxamed Adan Cali
 6. Dr Yasin Cabdi Xaji
 7. Sagaal Ahmed Adan Ali
 8. Cisman Ciise
Dhamaan masuuliyiintaa ayaa ahaa kuwo aad iyo aad ugu hadlay marxalada maanta puntland ka taagay iyaga oo tilmaamay in loo bahaan yahay isbadal horleh iyo Bilow Cusub waxayna soo dhaweeyeen oo ay ka hadleyn musharax nuradin adan diriye oo ah musharaxii ugu horeeyey oo qardho booqday kulana ku yeesha.
 IMG_1290
isku soo wada duuboo casho sharaftaas ayaa ku soo dhamaatay jawi wanaagsan.
Siciid Cali Nugaal
Madaxa Xiriirka Bulshada
Ololaha Doorashada Nuradiin Dirie
Kala xiriir Nuradin Dirie online
www.nuradindirie.com
info@nuradindirie.com
Safarka Nuradin ee Gobolada Puntland.


FAAHFAAHIN WARARKA MUSHARAXA:

Armo, 19th August –

Mudane Musharax Nuuradiin Aadan Diiriye iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa saakay ka soo kicitimay magaalada Boosaaso oo ay maalmihii ugu dambeeyey ka wadeen kulamo iyo shirar is dabo joog ah oo ay la yeelanayeen qaybaha kala gadisan ee bulshada ku dhaqan magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Safarka musharaxu uu kaga soo kicitimay magaalada Boosaaso oo ahaa mid dhinaca dhulka ah, ayuu wuxuu ku hakaday degmada Carmo oo ka mid ah gobolka bari. Musharax Nuuradiin ayaa wuxuu booqasho gaar ah ku tagay Kuuliyadda tababarka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee Carmo, halkaasi oo uu sallaan sharaf kaga qaatay Saraakiisha iyo ciidamadii halkaasi ku tababaranayey.

Mudane Nuuradiin Aadan Diiriye ayaa ku soo wareegay qaybaha kala duwan ee ay kuliyaddu ka kooban tahay, wuxuuna warbixin ka dhagaystay taliyaha kulliyaddaas iyo macalimiinta Kuuliyadda Ciidanka Booliska ee Carmo. Taliyaha Kulliyadda Carmo Sareeye Guuto Garaad Nuur Cabdulle ayaa aad ugu mahadcelliyey musharaxa una sheegay in uu yahay musharixii ugu horeeyey ee soo booqda kulliyada.

Musharax Nuuradiin Aadan Diiriye, ayaa intaasi kadib la hadlay saraakiisha kuuliyadda ciidanka Booliska ee carmo, waxaana uu u sheegay in uu aad ugu farxsan yahay sida diiran ee saraakiisha ee dadka kalaba ay u soo dhaweeyeen, waxaana uu intaasi ku daray musharax Nuuradiin Aadan Diiriye in uu ahmiyad buuxda siin doono ciidamada oo uu sheegay in ay yihiin kuwa dalka iyo dadka Puntland kuwa Soomaaliyeed ay ku harsadaan.

Musharax Nuradiin wuxuu sidoo kale la kulmay saraakiisha dalka Uganda ee halkaasi tababarka ku siinayey ciidanka booliska ee halkaasi ku qaadanayey tababarka wuxuuna ugu hambalyeeyey shaqada wanaagsan ee ay dadka Soomaaliyeed u hayaan. Musharaxu waxaa uu muujiyey xiriirka wanaagsan ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Uganda, kaasi oo uu ku tilmaamay mid isku soo dumaya qalbiga labada dawladood iyo shacabkoodaba. Mudane Nuuradiin oo kula hadlayey saraakiisha reer Uganda afka ingriiska waxaa ka mid ahaa khudbadiisa:

"I also understand that there are Ugandan teachers teaching and leading you to fulfill your duties in the future. I would- on be half of people of Puntland and people of Somalia- like to express my thanks and deep appreciation to the people and government of Uganda and specially brother president Muzevini who have been standing side by side to the people of Somalia. I was privileged myself to be protected by the Ugandan battalion in Mogadishu while doing my duties as a former UN officer. I can assure you that their dedication and professionalism is second to nobody. And I would like to tell you also that you are privileged to be held by the people and quality of training that our Ugandan brothers are bringing to you. Let’s welcome them, let’s cooperate with them and let’s benefit from them". Thank you very much.

Ugu danbayntii, Musharax Nuuradiin ayaa saraakiisha kuuliyadda Carmo gudoonsiiyey hadiyad lacag ah oo uu ugu talo galay in uu kaga farxiyo saraakiisha, saraakiil kuxigeenada iyo ciidamada layligu uga socdo kuuliyadda Carmo, waxaana uu ku booriyey in ay sii wadaan howsha ballaaran ee ay u hayaan umadda reer Puntland iyo kuwa Soomaaliyeedba. Musharax Nuuradiin waxaa uu deegaanada Puntland soo gaaray bilowgii bishaan aynu ku guda jirno ee August xilligaasi oo uu ka soo degay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug waxaana ilaa iyo xilligaasi uu ku howlanaa kulamo iyo shirar aan kala go’lahayn oo uu la yeelanayey bulshada reer Puntland, kuwaasi oo ku aaddanaa tar-tanka madaxtinimo ee maamulka Puntland ee sanadda 2009-ka.

Qardho, 19th August

Musharax Nuuradiin Aadan Diiriye oo maanta lagu soo dhaweeyey magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar

Musharax Nuuradiin Aadan Diiriye oo ah musharax u taagan jagada madaxweynenimada Puntland ee sanadda 2009-ka, ayaa maanta isaga iyo wafti ballaaran oo uu horkacayo waxaa lagu soo dhaweeyey magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar ee maamul goboleedka Puntland. Musharaxa iyo waftigiisa ayaa la dejiyey Hotel Gufure oo ku yaalla magaalada Qardho waxaana musharaxa iyo waftiga uu horkacayey kala kulmeen magaalada Qaardho soo dhawayn diiran.

Casho sharaf uu musharax Nuuradiin u sameeyey Issimada, Salaadiinta, Cuqaasha, Nabadoonada, Saraakiisha iyo wax garadka gobolka Karkaar.

Casho sharaftaas ayaa ugu horeen waxaa ka hadlay musharax Nuradin Adan Diriye oo mahadnaq balaaran u soo jeediyey marti sharaftii ka soo qayb gashay cashadaas. Mudane Nuradin wuxuu kaloo ku wargalliyey inuu u taagan yahay doorashada jagada madaxweynenimada dowlad goboleedka Puntland ee lagu wado in ay dalka ka dhacdo bilowga sannadka 2009 ka. Waxaa kaloo casho sharaftaas ayaguna markooda ka hadlay qaar ka mid ah Issimada, salaadiinta, cuqaasha, nabadoonada iyo saraakiisha, waxayna si wadajir ah u soo dhaweeyeen musharaxnimada Nuuradiin, waxayna si gaar ah u xuseen in Mudane Nuuradiin uu yahay musharixii ugu horeeyey ee la kulma dadweynaha reer Qardho, ayagoo mahadnaq uga soo jeedeeyiyey arrintaas. Dadkii ka hadlay casho sharaftaas ka hadlay waxaa ka mid ahaa

1 Xildhibaan Xirsi Bulxan Farax

2. Nabadoon Abdi Bashiir Cali Salaad

3. G/sare Yasin Cisman Dheere

4. Sheekh Xusen Xashi Barre

5. Caaqil Maxamed Adan Cali

6. Dr Yasin Cabdi Xaji

7. Sagaal Ahmed Adan Ali

8. Cisman Ciise

Dhamaan masuuliyiintaa ayaa ahaa kuwo aad iyo aad ugu hadlay marxalada maanta puntland ka taagay iyaga oo tilmaamay in loo bahaan yahay isbadal horleh iyo Bilow Cusub waxayna soo dhaweeyeen oo ay ka hadleyn musharax nuradin adan diriye oo ah musharaxii ugu horeeyey oo qardho booqday kulana ku yeesha.

isku soo wada duuboo casho sharaftaas ayaa ku soo dhamaatay jawi wanaagsan.

Suxufi: Farxan Yasin Mire isqootax

Sawirada Halkan ka daawo...


Musharaxa Madaxweynaha Puntland Mudane: Nuradiin Aadan Diiriye oo gaaray Carmo, booqdayna Dugsiga Tababarka Ciidanka Booliiska ee Carmo

Carmo-Police1
Mudane Musharax Nuuradiin Aadan Diiriye iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa saakay ka soo kicitimay magaalada Boosaaso oo ay maalmihii ugu dambeeyey ka wadeen kulamo iyo shirar is dabo joog ah oo ay la yeelanayeen qaybaha kala gadisan ee bulshada ku dhaqan magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.
IMG_1308
Safarka musharaxu uu kaga soo kicitimay magaalada Boosaaso oo ahaa mid dhinaca dhulka ah, ayuu wuxuu ku hakaday degmada Carmo oo ka mid ah gobolka bari. Musharax Nuuradiin ayaa wuxuu booqasho gaar ah ku tagay Kuuliyadda tababarka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee Carmo, halkaasi oo uu sallaan sharaf kaga qaatay Saraakiisha iyo ciidamadii halkaasi ku tababaranayey.

Mudane Nuuradiin Aadan Diiriye ayaa ku soo wareegay qaybaha kala duwan ee ay kuliyaddu ka kooban tahay, wuxuuna warbixin ka dhagaystay taliyaha kulliyaddaas iyo macalimiinta Kuuliyadda Ciidanka Booliska ee Carmo. Taliyaha Kulliyadda Carmo Sareeye Guuto Garaad Nuur Cabdulle ayaa aad ugu mahadcelliyey musharaxa una sheegay in uu yahay musharixii ugu horeeyey ee soo booqda kulliyada.
IMG_1374
Musharax Nuuradiin Aadan Diiriye, ayaa intaasi kadib la hadlay saraakiisha kuuliyadda ciidanka Booliska ee carmo, waxaana uu u sheegay in uu aad ugu farxsan yahay sida diiran ee saraakiisha ee dadka kalaba ay u soo dhaweeyeen, waxaana uu intaasi ku daray musharax Nuuradiin Aadan Diiriye in uu ahmiyad buuxda siin doono ciidamada oo uu sheegay in ay yihiin kuwa dalka iyo dadka Puntland kuwa Soomaaliyeed ay ku harsadaan.


IMG_1342
Musharax Nuradiin wuxuu sidoo kale la kulmay saraakiisha dalka Uganda ee halkaasi tababarka ku siinayey ciidanka booliska ee halkaasi ku qaadanayey tababarka wuxuuna ugu hambalyeeyey shaqada wanaagsan ee ay dadka Soomaaliyeed u hayaan. Musharaxu waxaa uu muujiyey xiriirka wanaagsan ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Uganda, kaasi oo uu ku tilmaamay mid isku soo dumaya qalbiga labada dawladood iyo shacabkoodaba. Mudane Nuuradiin oo kula hadlayey saraakiisha reer Uganda afka ingriiska waxaa ka mid ahaa khudbadiisa:

IMG_1351


"I also understand that there are Ugandan teachers teaching and leading you to fulfill your duties in the future. I would- on be half of people of Puntland and people of Somalia- like to express my thanks and deep appreciation to the people and government of Uganda and specially brother president Muzevini who have been standing side by side to the people of Somalia. I was privileged myself to be protected by the Ugandan battalion in Mogadishu while doing my duties as a former UN officer. I can assure you that their dedication and professionalism is second to nobody. And I would like to tell you also that you are privileged to be held by the people and quality of training that our Ugandan brothers are bringing to you. Let’s welcome them, let’s cooperate with them and let’s benefit from them". Thank you very much.
Ugu danbayntii, Musharax Nuuradiin ayaa saraakiisha kuuliyadda Carmo gudoonsiiyey hadiyad lacag ah oo uu ugu talo galay in uu kaga farxiyo saraakiisha, saraakiil kuxigeenada iyo ciidamada layligu uga socdo kuuliyadda Carmo, waxaana uu ku booriyey in ay sii wadaan howsha ballaaran ee ay u hayaan umadda reer Puntland iyo kuwa Soomaaliyeedba. Musharax Nuuradiin waxaa uu deegaanada Puntland soo gaaray bilowgii bishaan aynu ku guda jirno ee August xilligaasi oo uu ka soo degay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug waxaana ilaa iyo xilligaasi uu ku howlanaa kulamo iyo shirar aan kala go’lahayn oo uu la yeelanayey bulshada reer Puntland, kuwaasi oo ku aaddanaa tar-tanka madaxtinimo ee maamulka Puntland ee sanadda 2009-ka.

Siciid Cali Nugaal
Madaxa Xiriirka Bulshada
Ololaha Doorashada Nuradiin Dirie

Faafin: SomaliTalk.com |  August 21, 2008

BAARID | SEARCH


Hayadda batroolka SoomaaliyaDFKMG oo Heshiis u Saxiixday Shirkadaha Batroolka ee Kuwait Energy iyo Medco Energi...
Maadaama shirkadahaasi jaal la ahaayeen Geeddi ma lagu macnayn karaa in la soo celinayo Geeddi Akhri


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS