SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Masar: Haweeyney Dhashey mar kaliya 7 Caruur ah 

Adduunka waxaa maalin kasta ka dhaca Mucjisooyin Alla iyadoo taasi ay jirto ayaa dadlka Masar waxaa ka dhacay Mucjisooyinkaas mid ka mid ah  ka dib markii Haweeney lagu magacaabo Ghazalla Khamiis ay dhashay Todobo Caruur ah mar qura waxayna ku dhashey Isbitaalka lagu magacaabo Al –Shatbi ee Magaalada Alexandaria ee dalka Masar  


 
Haweeyneydaan ayaa Caruurta  dhashey ay kala yihiin 4 wiil 3 Gabdhood oo la sheegay in ay caafimaadkoodu aad u wanagsan yahay

Inta aysan dhalin haweeyneydaas ayaa lagu waramey in ay tagtey dhaqtar si ay u ogaato waxa ay dhali doonto ma lab baa mise Dhedig waxaana loo sheegay in ay dhali doonto ilaa afar caruur ah , wixii waqtiga ka dambeeyey haweeyneydaa waxa ay la xiriiri jirtey dhaqtar lagu magacaabo Dr Emad Darwiish oo ku sugnaa ama ka shaqeeya Isbitaalka Al-Shatbi wuxuuna haweeyneydaas ugu dambeyntii  u sheegay in ay qaliin ku sameyn doonaan oo ka soo horeeya muddo Bila waqtiga caadiga ah ee ay dhalaan Haweenka

Dad fara badan ayaa haatan booqanaya Isbitaalka ay ku jirto  Haweeyneydaas , Todobada Carrurta oo haatan lagu xanaaneynayo meel gaar ah si ay caruurtaas u noqdaan kuwa caadi ah waxaana lagu waramey in qolkaas xanaanada gaarka ah ay ku jiri doonaan Muddo sadex bilood ah , waxaa taqaatiirtu sheegeen caruurtaas uu miisaankoodu u dhaxeeyey 1.45 Ilaa 2.80 Kg

Dowladda Masar ayaa balan qaadey in ay caruurtaas caanahooda bixin doonaan muddo laba sano sidoo kale haweeyneydaas ayaa waxaa la sheegay in ay soo gaarayaan Kaalmo fara badan si loola koriyo Caruurtaas iyadoo haweyneydaas ay horey ugu joogeen sadex caruur ah marka la isku daro haatan waxay noqonayaan 10 caruur ah  iyadoo la sheegay in qoyskaas ay ka soo jeedaan kuwa sabool; ah

Warbaahinta dunida ayaa labadaan maalmood indhaha ku hayey haweeyneydaan dhashay 7 caruurta ah  waxaana laga diyaariyey warar fara badan sidoo kale waxaa iyana soo tabinayey saxaafada Masar hadba heerka ay marayaan xaaladda Caruurtaas

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Google images

Faafin: SomaliTalk.com |  August 20, 2008

BAARID | SEARCH


Hayadda batroolka SoomaaliyaDFKMG oo Heshiis u Saxiixday Shirkadaha Batroolka ee Kuwait Energy iyo Medco Energi...
Maadaama shirkadahaasi jaal la ahaayeen Geeddi ma lagu macnayn karaa in la soo celinayo Geeddi Akhri


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS