SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Hiloow[1]

Cabdiwali Sh. Maxamed

Cabdiwali Sh. Maxamed

Ifaqoon@hotmail.com


Afka, Labada sacab inta saaray ayuu hindhiso dhowr jeer oo isxigta, boobsiis isu raaciyay, indhahana xoog u marmaray. “Hah iyo caku”; ayuu yiri; isagoo gacmaha dhankooda u ridaya. Sare ayaan u eegay, anoo durkaya hosna kaleh; “Alloow, yuusan na qaadsiisaa balada uu hurgufayo?. Indhuhu waa bur guduudan. Wajiga barar ayaa ka saaran. Xaashiyo fara badan oo uu qooyay ayuu hadba cantoobo jeebabka ka soo saarayaa.

War heedhe, saakay yaad habaaraysaa?. Iima jawaabine wuxuu yiri; “Laba iyo tobanka bilood oo sannadka mar waa; qabow samhariira ah iyo lafo xanuun, mar waa neef qabatow iyo dab jirka guba, marra waa hindhiso iyo biyo sanka iyo indhaha kaa duula! War heedhe, halkee ka aadnnaa meeshan?”, tan, meel waliba waa dhaantaa”. Jawaab igama sugin, anna ma hayo!.

Qufac iyo hidhiso mar labaad inta isdabadhigay ayuu dawo sanka lagu buufiyo “Spry, anti allergic” ah jeebka kala soo baxay. Sanka labadiisa dul ayuu biif, biif ku siiyay, isagoo neefta sare u jiidayana yiri: “Yaraantii Iskuraran” ayaan ku barbaaray oo “Ciyaal Iskuraran” ayaan ahaa”, ha yeeshee, Kolkii Jamaal Habro Jabiye[2] (AUN) Iskuraran qayb ka mid ah burburiyay (cabir qabsaday darti –jidbixin-), waxaa naloo raray “Waliyoow Cadde”. Markaa waxaan noqday “Ciyaal Waabari”. Nin wayn oo shaqaysta, xaas iyo carruur leh, kolkaan noqday waxaan ku biiray odayaashii “Hotel Taleex” fadhiyi jiray. Cabdi-Daahir Faarax-Gaas (Guddoomiyihii fadhiga), Maxamed Cabdiraxmaan “Lugooyo”, Xassan Shire Jucfe, Cabdiraxmaan Saalax, Wayrax Warsame, Cali Ileeye, Gabyaa; Khliif Xassan Walah, Khaliif Wooraq, Xaaji Aadan (ina Cali wadaad) oo reer Sacuudi ahaa, Cabdi Kooreeye, Muuse Neero iyo raggii xafiiska NSS-du nagu darsaday iyo shaqaalihii Hoteelka ee hagar la’ida noogu adeegi jiray[3]. 

Qufac iyo hindhiso kale intuusan israacin ayaan ka gaarsiiyay, “oo hadda maxaad tahay?”. Isagoo indhaha aad u marmaraya ayuu yiri: “hadda, waxaan ahay oday “Qurbejoog” ah oo shanta waqti tukada, agagaarka masaajidkana aan laga waayin oo, xusuus ku nool. Dhallinyarad agtooda inta fariisto ayaan dhagaha u laalaadiyaa, bal in aan ka maqlloo murti iyo garasho aan ku illoobo hiloowga!. Sidoo kale, bal in aan ka maqllo haasaawe kaayagii –fadhigii Taleex- u dhaw iyo “adeer waa la noqonayaa, arladii ayaa loo noqonayaa”. 

Nasiib darro; dhallinyarada aan dugsanayo, baddaaba shaqo kuma laha, waxay ku hawlanyihiin tartamada “Kubadda Cagta” ee reer Yurub (Europe). Annaga; “Arsinal ah ayaa ka adag Barsha (Barcelona)” garaad koodu ma dhaafsana. Dhowr af oo afsoomaaligu ugu yaryahay uguna liito ayay ku sheekaystaan; Af-ingiriis kii aannu niqiin aan ahayn (afguri) oo dho’-dho’ wada ah, Dutch, Danish, Norwegian, Finish, Swedish iyo Af-carabi khaliiji ah. Qabka ay u hadlaan waa; isqalqaloocin iyo boodbood. Halka, surweelka aan sare u qaadno (ceshanno) kolkaan dareenno hoos in uu u dabcay, iyagu hoos ayay u sii riixaan. Marar badan waxaan is-iraahdaa: “armuu ka siibtaa inta ay hadba lug sare u qaadayaan!”. Socodku waa sida, ruux dhiiri (dhooqo) ka baxaya. Dharka waxay ka qaataan cabirro waawayn. Surweel sinha hoostooda ka xiran (gumaarkuna muuqdo) oo laba ruux u tolmi kara. Suun ballaaran oo dacalkiisu laalaado. T-shirt, laba ruux iyo wiil yar loogu arrad-tiri karo. Koofiyad dhankeedi hor gadaal loo jeediyay. Qadaadka iyo labada dhafoor waa xiiran yihii. Timaha waxay  ku dhoobaaan “JEEL”. Maanta oo idil haddaad u yeerayso, lagama yaabo; in ay; “heeh” ku yiraahdaan, waayo, waxaa dhagaha u suran sammaacado yar-yay oo u soo gudbinaya heeso sawaxan miiran ah oo, maskaxda iyo jirka ka qalay. Jiibka  iyo jaanta ay la socdaan, aduun iyo aakharana ku illoobeen.

Badanaa, inta ka dudo ayaan Koob “Qaxwe Soomaali” ah oo xoogaa sanjabiil ah lagu bitayay, caano yarra garaw looga dhigay, meel dhallinyarada ka durugsan la fariistaa; anigoo baalasha tagtadii, hadba baal soo rogaya. Runtii, weheshiga dhallinyarada maanta kali-isku-deensiga ayaa dhaama. Waxaan soo xusuustaa Soomaaliya; meelihii la tagi jiray iyo qaabkii badanaa loo haasaawi jiray:

(Meermeerkii iyo dusmayntii surimada (luuqluuqyadii) Iskuraran, kubad ku cayaarkii bacaaddada, dabaashii “Hoobeel iyo Geelliq”, Aw-awayska gadaashiis, wax-barashadii; Ex. Cardinale Massaio waa dambe; Dugsiga Macallin Jaamac iyo Madrasadii Leegada S.Y.L. Haddaan ka boodo, xusuustaydu waxay ka bilaabataa; “aniga oo guriga ka kallahay goobtii shaqadana u socda oo, “hebel”, dariska ah, isna shaqo u soo kallahay, babuurkana; biyaha iyo olyada hubinaya aan isdhaafsanno; “hebeloow, maxaa lagu cawo baryay?”. “Waa nabade iska warrama?”. “Wax dhib ah ma maqal”.

Wax yar markaan sii tallabsadana ay iga hor yimaadaan raxan-raxan carruur ah. Qaar garbaha is-haystaan, qaar wax iswaydiin, qaar sheeko macaan u socoto. Da’yar, shaar cad iyo surweel ama goonno buluug ah, ama shaar Jaalle ah iyo surweel Kaaki ah ama shaar cad iyo surweel kaaki ah ku labbisan. Gacmaha ku sita buug ama boors. Si fiican loogu soo dhaashay oo tillaabada si kolsooni iyo dhiirranaan leh dhulka u dhigaya. Magaalo soo kallahday oo midabo badan isugu jirta, oo dhoollo caddaynaysa, fir-fircoonina ka muuqato. Siddeedda, subixii ilaa labada dhuhurkii waa hawl iyo wax-qabad. Labada iyo rubuc salaadda dhuhur inta iska bixiso qado udgoon lagu soo hordhigoi. Warkii dunida iyo faalladii ku dul dhagaysato. Warka waxaa akhrinaya Maxamed-Carab “Falaxfalax”[4] (AUN) faalladana Axmed Xasan Cawke.

Intaa wixii ka dambeeye; waa nin iyo taagti iyo nin iyo qorshihi. Hadday kula noqoto, waad yarehe seexaan teeriyo afarta galabtii. Guriga ama masajid kuu dhaw ayaad Salaadda Casar ku tukan. Dabadeed, Baar Azan, Maka Al-mukarrama, Taleex, Jubba, Curuuba, Lafawayn Daameey, ayaad “Caffe Espresso” iyo koob biyo qabow kaga dhufan. Waxaad ka tashan meeshii aad u jihaysan lahayd. Labiskaagu waa macawis “Sabar Hindi ama Abuu Qaaruura ah”. Kabo sandal (Fero Cuio –Talyaani) ah iyo cimaamad garbaha kuu saaran. Meeshaad asxaab haasaawuhu kuugu baxo aad ku ogayd ayaad u dhaqaaqi; Taleex, Shiirkole ofijaale, Naadigii Bankiga, agagaarka Masjidka Arbaca Rukun, coroge del sud (Baar wadaama-goosyo), Mid night.

Goor hore inta ka cashayso makhaayaddii; Abul khayr, ama Capuceto Nero, ama Makhaayadihii Muufada (Axmadeey Hadaafow - middii jaranjarada – middii dhismaha Ilmo Camaloow u dhawayd), secondo spetacolo (soo bandhigidda 2aad); shaneemo Xamar ama Misyooni, ama Jentraale ama shaneemo Suber, middood film cusub oo Faranco Nerro ama John weyn “Atoore” ka yahay daawan ilaa 10:30.

“Xalwadda Xaaji Ciise” inta soo marto ayaad Kiilo ama Labo xalwo dhan oo aad u kulul oo aad ku cid gasho faraha ku soo laabi. Carruurta  hooyadoo oo dhashii goor hore seexisay, uunsi iyo jaawe shidatay oo ku sugaysay, cantuugo xalwo qorfe, hayl iyo subag sixin ah laga sameeyay afka u galin. Halkaa, waxaad ka bilaabi sheeko, aan turxaan lahayn, kaftan iyo faro-k-cayaar, Xaajiyadda ku illowsiinayso hawshii maanta. Dadaal, dabadi hurdo macaan oo “Heater ama Air condition” midnna aan laga dhalin aayar la’c-oran. Wabarkii waxaad soo kici adigoo laf iyo lud toona aan ka sheeganayn. Halkaa waxaa ka bilaaban maalin cusub oo khayrkiisa iyo shartiisa wata!.

Ama markaad Shaqada ka soo rawaxdo ayaad Makhaayadihii Siinaay; Cabdi-dheere, Xaaji Cabdi, Dibbiro wayne; Awlal la geedeeyay iyo Bariis “Baa Sarca” ah oo maraq lagu kariyay (Bariis Dhari) kag soo tuuri. Xaaskii iyo carruurtii adiga oo aan ka war doonin, “Siinaay” dhawr Marduuf oo “Biic kaali ama giiza” jilicsan ka sii qaadan. Baabuurka waxaad ku xerayn Garaash ku yaal, guri magac ama tilmaaman leh oo reerkiinna u goglan ama “heblaayo” magac dheer leh Mafrash ay maamusho ah. Meel kuu gaar ah (Reserved), salka intaadan dhigin ayaad sii qotomin boors yar oo qalabkii qayilaaddu ku idil yahay; maryo yar-yar oo Jaadka lagu duubto, Maqas yar, Findhicillo, Barafuunno dhawr jaad ah, Masarro afka lagu tirtirto, Cajalado Qaraami iyo Gabay isugu jira, Raadiye yar (Sony short waves) oo BBC-da Afsoomaaliga oo kaliya laga dhagaysto, Macawis iyo kabo Saandal ah iyo wax yaabo yaryar oo dano gaar ah lagu qunsado. Boorasada, xaaska iyo carruurto ma arkaan. Hawlo gaar ah oo qarsoodi u badan ayaa lagu fuliyaa. Badanaa meel gaariga ka mid ah ayaa lagu qarshaa!. Saacadda wixii ka dambeeya duni kale oo Cabdisalaam Xaaji Aadan, sidata u tilmaamay ayaa la gali:

 Duhurkii toggaa Herer haddaad qado ka soo tuurto 
Hurdo laguma taamee naftaa lala tacaalaaye 
Anigiyo toddoba aan ku jirey tumasho soo qaadnay 
Rag tabaabushuu leeyahaye wax istusaalaynay 
Labo tubaha soo kala cayima hore u sii tuurray 
Ayaguna tusmada warkay sideen nooga tibixsiiye 
Togwajaale qaadkii ka yimid tacab u soo miirnay 
Markay laba tobnaad noo xireen toobiyaha qaadnay 
Tagsi lagama maarmee nin wadey suuqa nagu tooci 
Tilmaan-quruxsantii lala ballamay saani ugu toosnay  
Tubtii horeba boqol jaa-ifaa teybalka u saarray 
Barkimooyinkii teedsanaa suxul ku taageerray 
Nin waliba halkuu soo turqaday garabka soo tiiri 
isagoo falaas laga tif tiray laysu tebi shaaha 
Nin waliba tankiisii haraaq tiilley ugu laabnay 
Kaftan aan turxaan lagu ogeyn la isku tuurtuurye 
Laba aad turkiga mooddid oo tikhilka naagooda 
lyo laba tiftirihii jannada lagu tilmaamaayo 
Iyo laba wax layskama tirshee sida tiriiggaasa 
lyo taan lahaan jirey markaan tumasho soo qaado 
intaasoo xarrago tiicayoo temeshle luudaysa 
Oo toobab noo soo xidhay oo tal iya xiisaan leh 
Oo timaha soo firay salaan gacanta soo taage 
Annaguna hablaha kama tagnee geerish ugu taagnay 
Heesaha rag baw tamar galee kuwii tiriyey soo qaadnay

Alla-tiirigii heesi jirey noogu tacab sawdka 
Tiiraanyo qaylshihii rabaab faraha taabsiiye 
Kaman talalaxleeyiyo durbaan tininigtii yeedhay 
Annaguna tustuurtay lahayd sacabka tiitaynay. 
Goortay cabbaar naga tumeen tegis u qoontayste 
Sheekadu hablahay noo taxnayd togannay haasaawe 
Hadal tooxanoo hoos u teyan la isku taataabay 
Siduu teyse roob nagu onkoday taaha ku caweyney 
Rag takooran baa nagu jiree tabaha qaar diidnay 
in kastoy taftuba noo dhoweyd teedka sharaf eegnay 
Talantaalli labadii gacmood tahan isweydaarte 
Warmihii tumaatiga adkaa tiirka qabadsiinnay 
waan taag darreeyaa haddaan taabto geedkaba 
Habeenkaa ninkii tamar lahaa taxay murqaankiisa.

            [Mindhaa, hawshaa hadda laga towbad keen]

Sida, loogu kala xoog furan yahay balwadda ayaa tumashadu habaynkii isu rogrogtaa. Ragga akhyaart ah; marduuf, labo ama saddex kolkay laacaan, ayay casho fudud ama mid culus -nin iyo cirki- meelahaa (Tarabuunka, Mid night,) kaga dhuftaan oo meeshii carruurta ay ku ogaayeen u dheelmadaan. Ninkii tabar iyo taag isbiday waa laba, saddex qarxaa, dhafar iyo qarraf hor leh galaa. Subixii isaga oo xaalkiisa “Alle” ogyahay, xafiiskii ku gurguurtaa. Tumasho oo kaliya looma Jaado; sheeko macaan, suugaan kala kororsi iyo xallin arrimo bulsho oo murgsanna, intaba waa loo jaadaa (qayilaa). Salaadda Jimcaha kolkii la tukado, qadado waa Abuukar ama Xaraf - km 13. Dhaylo, hilib Ari, bariis iyo caano geel wax aan ahayn afka lama saaro maalinkaa.

Ama, kolkaad salaadda Casar tukato, ayaa adiga, xaaska iyo carruurtu ku baxaysaan waddada Afgooye. Meel; Afgooye iyo Tcsiile u dhaxaysa kolkaad marayso ayaad baabuurka joojin. Albaabada inta ballaqdo, BBC-da Barnaamijka Toddobaadka iyo Afrika oo Cabdullaahi Xaaji soo jeedinyo dhagaha la raaci adiga oo biyo xareed ah oo dhulka waran cagaha kula jira. Dhagax yaryar inta biyaha ku dhex tuurto ayaad hirarka samaysmay midba xilli ku magacaabi. Shinbiro yaryar ayaa biyaha dhul cayaaraya.  kuwo dharagsan oo carraabo ahna koox-koox ayay u dulmarayaan. Carradu waa cagaar. Roobkii dayrta ayaa dhulka waran. Indhuhu waxay ku doogsanayaan dhul wada cagaar ah iyo beero waddada labadeeda dhinac ku yaal oo sabuulka saran si fiican u baxay. Laamaha Gallayda haba dhinac in ay u dheeliyaan, waxaa sabab u ah, dabayl khafiif ah oo, hadba dhan kaga dhufanaysa. Saxansaxo, roob meel fog ka da’ay ayaad sanka la raacaysaa. Meel cabbaar kuu jirta waxaa mayracanaya dhibi iyo waylo aad u dharagsan oo dudumooyin gaagaaban, marra fuulaya, marra ka hoobanaya. Waddada Dhaka aan ka joognno, mooyee dhanka kale, waxaa maraya Geel, laba Kadin ku dhaw ah.Xeebta ayuu geeddi u yahay. Afar kuray ayaa labo horay ka soctaa, labana gadaal ka soo carraabinaysaa. Carruurtii iyo  Gacalisadii; warba isuma haysaan. Bootimaa-laysi iyo tartan ayaa u baxay. Maskaxda, waa ka bexeen, wax kastala oo, murug, walwal iyo Buufis (paranoia) la xiriira. Quruxda dabiicadda aad dhex taagan tahay waa soo celinaysaa (reject) wax walba oo nafta dhiba.

salaaddaa maqrib itaan la galin ayaad soo gaddoomi adiga oo ku hakaday; “Mukayga Afgooye”. Dambiil; Moos, Babaay, Cambe, Qasab, Saytuun, Liin dhanaan, Bombelmo iyo Canuuni aad afka ka joojisay, ayaad baabuurka gadaashiisa ku tuuri. Masaajidkii Isbaxaysiga oo Shiikh Adan Shiikh Cabdullaahi (AUN)[5] ku galo “Tafsiirka Quraanka Kariimka ah”, ama Masaajidkii Arbaca Ruku oo uu ku galo, Shiikh Shariif Shrafow (AUN)[6] maqribka ilaa Cishaha, cibaado iyo kororsi aqoon diineed u fadhiyi. Shiikh Aadan Sh. Cabdullaahi wuxuu si cad noogu fasiray Suurat Al-Tawba. 9:41 [Baxa adinkoo fudud iyo adinkoo culus, kuna jihaada xoolihiinna iyo naftiinnaba jidka Eebbe,saasaana idiin khayr roon haddaad wax ogtihiin]. Shiikh Shariif Sharafow, asna wuxuu si cad noogu fasiray Suurat Al-kahf 18:13 [Annagaa kaaga qisoonayna (sheekaynayna) warkooda si xaq ah, waxay ahaayeen Dhallinyaro rumaysay Eebba-hood, waxaan u siyaadinay hanuun].

Sare inta u booday, oo xashiyihii miiska iyo dhulka daadsanaa guray, haanta qashinka isagoo dul taagan gadaal ii soo jalleecay, si kulul wuxuu u yiri: “ogoow qurbaha markaad joogto oo gu’go (winter) soo galo, haddaad miisaanada meelaha la dhigo iska cabbirto, miisaanku wuxuu kuu sheegi 90/kilo iyo meelahaa in aad tahay. Isla markaa haddaad guriga ku laabato oo dharka iska-daliiqdo, miisaanka guriga kuu yaalla dib isugu cabbirto, wuxuu kuu sheegi in aad tahay; 70/kilo iyo meelahaa. Soomaaliya markaan joognay Gu’, dayr iyo jiilaal miisaankayaguu wuxuu ahaa 70/kilo iyo meelahaa, haddaan cudur jirin. 20-ka Kiilo oo (Qurbaha) markaad joogto ku saaran –si gaar ah gu’ga- waa dulsaar been ah. Dharka aad ku rarantahay ayaa sabab u ah. Dulsaarkaas dhan walba oo nolosha ka mid ah; waa naga saran yahay, waliba, wuxuu noo saaranyahay; Qaab-wax-dhimaal ah (Negative)...Allaha sahlo..

Dhirif, iyada oo uu wajigiisa ka muuqato ayuu yiri: “Qurbuhu; waa Dhaan dabagaalle iyo wirwir ku hodaya. Haanta qashinka (Dust Bin-ka) inta daboolka ka qaaday oo wixii xaashiyo uu isticmaalay ku dhex daadshay, daboolka qab ka siiyay. Albaabkuu ka booday isagoo ku celcelinaya:

       “Laba miirraa la ii moodaa

       Waa laygu maadsadaa”.

       

       “Allow, maxaan ka ooyay maalin.

        Oo maalin kale kolkan arkay.

         Maalinkii, tagay u ooyay!!.

       

       “Idam Allah, duf iyo dooriso ku baxa.

        Aamiin dhaha”..

Kuwaasi, waa xabashi iyo intii raacday.

Dhaqaaq!!.

Waan maan doorsoomay.

Calooshaa irogantay

Ha xusuusan lahaydaa?.

Hadda, maxaan falaa?, maxaanse fallaa?.

Halkee aadaa?, halkeese aadnaa?

Waa inaan helo meel aan uga baxo, waa in aan hello meel aan uga baxnno….

[1] Hilow: u bussayl, u xiisood, dal-tabyood. Dal hore oo la joogi jiray ama qof hore loo yiqiin

      aragtidiisa ama tegiddiisa jeclaysi.

[2] Kontomeeyadii iyo iyo Lixdameeyadii waxaa jiray Laba Jamaal. Jamall Cabdinaasirkii                

       Masar oo Soomaalidu u tiqiin Jamaal Gaalo jabiye iyo Shiikh Jamaal oo ahaa Duqii

       Magaalo madaxda Muqdishow oo xaafado Iskuraran ka mid tahay burburiyay dan guud

       awgeed oo reer Iskuraran ula baxeen Jamaal Habro Jabioye.

[3] Inta qalinku ka booday mooyee, raggaa hadda nala sheeko ma aha, waa geeriyoodeen.

       Ilaahay waxaan uga baryayaa; meel san in ciribtoodu ku dambayso. Sidoo kale, raga

       aanan geeridooda maqal oo kala ah; Maxamed Aw Nuur (Faras-cadde), Cabdiraxmaan

     (Quburi), Axmed  F. Cali  (Idaajaa) Axmed Shiik Cabdulle, Shiikh Siraad (Khumayni),

     Axmed Yaasiin (koofi) waxaan u rajaynayaa guul iyo liibaan. Noole, ku-lantay.

[4] Maxamed Carab Falax-Falax: wariye Raadiyo Muqdishow, Agaasimihii Idaacadda

      Muqdishow, ugu dambayn Maareeyihii (WAGAE). Si dulmi iyo xaq-darro ah ayaa loogu

      dilay Dooloow.

[5]Shiikh Aadan Shiikh Cabdullaahi :wuxuu ahaa Shiikh dhawrsan oo afsoomaaliga iyo tafsiirka

     Quraanka ku xeel-dheer. Raadiyo Muqshishowna ka soo jeediya maalin walba Tafsiirka

       Quraan. Agaasimihii iyo khadiibkii Masaajidka Isbahaysga.

[6] Shiikh Shariif Sharafoow: sidoo kale wuxuu ahaa Alle caabud Masaajidka Arbaca Rukun ka

       akhriya tafsiirka Quraan. Ragii Ururka Altabliiq soomaaliya soo galiyay waa ka mid ahaa 

Cabdiwali Sh. Maxamed

Ifaqoon@hotmail.com

18/08/08 
 

MAQAALLADII HORE EE CABDIWALI....

Faafin: SomaliTalk.com |  August 20, 2008

BAARID | SEARCH


Hayadda batroolka SoomaaliyaDFKMG oo Heshiis u Saxiixday Shirkadaha Batroolka ee Kuwait Energy iyo Medco Energi...
Maadaama shirkadahaasi jaal la ahaayeen Geeddi ma lagu macnayn karaa in la soo celinayo Geeddi Akhri


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS