Ciyaaro xiisa badan oo dhaxmarey London kooxaha Cardiff v
Switzerland, Canada v Europe.
- Mustaqbalkii Kubadda kolayga Soomaaliya xidigaha Minassota MPLS oo cashar
siiyay kooxda London.
MINASSOTA V LONDON
- XUSEEN CABDI “ 15 SANO JIR KU DHASHAY DALKA CANADA
KANA TIRSAN KOOXDA KUBADDA KOLEYGA SOOMAALIDA CANADA ISLA
MARKAANA MUSTAQBAL KU LEH CIYAARTA KUBADDA KOLEYGA”.
Sawirada Ciyaaraha Halkan Ka Daawo...
Tartankii Somali Week Tournament London kana socday garoonka
London City Accademy ee ku yaal xaafada Herlesdan, ayaa soo
gaarey heer gabagabo ah, iyadoo ay ka soo qayb galayaan dadwayne
Soomaaliyeed oo aad u tiro badan oo xiisa u qaba inay daawadaan
tartanka kubadda koleyga ee dhaxmaraya kooxo kala duwan oo
Soomaali ah kana kala yimid North America & Europe.
Cardiff v Switzerland
Ciyaartaan ayaa bilabatey saacadu markay ahayd 3 galabnimo,
iyadoo aad moodo in labada kooxoodba ay doonayaan inay soo
bandhigaan ciyaar wanaag isla markaana raba in guulaystaan
galabta.
Kooxda Cardiff ayaa si dar dar leh iskula qabsatey jaanta
ciyaarta, taas oo u saamaxday inay ka hormaraan kooxda
Switzerland .
Dadwaynaha garoonka soo buux dhaafiyay ayaa sacab iyo xamaasad
la daba taagnaa labada kooxood, dhalinyaradana waxay muujinayeen
ciyaar wanaag iyo asluub.
Kooxda Switzerland ayaa ka daba timid ciyaarta, kadib markii in
cabaar ah looga fiicnaa xaga gool dhalinta, inkastoo
ciyaaryahankii kooxda Switzerland ugu fiicnaa intii ciyaaraha ay
socdeen uusan galabta ka muuqan garoonka, dhaawac ka soo gaarey
ciyaarihii hore hadana garoonka ma uusan ka maqnayn ee waxa uu
macalin u ahaa kooxdiisa, isla markaana dhiirigalina la daba
taagnaa inta ay socotey ciyaarta.
Ciyaaryahankaasna waxaa la yiraahdaa Liibaan, waxana uu
kooxdiisa u sitey Numberka 7 aad, ciyaaryahankaan ayaa noqon
kara mid ka matala dalka Soomaaliya garoomada caalamka
mustaqbalka.
Kooxda Cardiff waa koox diyaarsan, markaa u fiirsato sida ay
iskugu xiran yihiin dhamaantood, ciyaartiina waxay ku dhamaatey
in kooxda Cardiff ay kaga badiso 70 Dhibcood halka kooxda
Switzerland ay ku hakadeen 61 dhibcood.
Canada v Europe.
Labadan kooxood ayaa ahaa kuwa markii ay soo galeen dadkoo dhan
ay si gooni ah u xiisaynayeen, madaama raga garoonka soo galay
ay ahaayeen ciyaartooydii xulkii qaranka Soomaaliya ee kubadda
koleyga iyo macalinkoodii, kuwaas ka fariistey cayaaraha balse
weli ciyaara taasna ay u sii dheer tahay inay layliyaan caruur
aad u yar yar oo ku nool magaalada Toronto Canada.
Tusaale ahaan kooxda Canada waxaa u safnaa ciyaaryahano caan ah
sida CabdulQadir Dhame, Ahmed Tuke , Mohamed Sheikh iyo
Macalinkii kooxda Jeenyo / Qaranka Soomaaliya macalin Abdi
Dhere, Daa’uud Ahmed, Ahmadeey B, Mustafe Aden.
Kooxda Europe ayaa iyana la shir tagtey rag laga soo xulay
magaalooyin kala gadisan balse aan dadaalkooda ciyaareed aad ka
liidan xidigihaan cuslaatey.
Dadka Soomaaliyeed ee u soo daawasho tagay ciyaarahan ayaa aad
ugu maqsuuday isla markaana sacab iyo dhiirigalin la garab galay
labada kooxood, ciyaaryahanada ayaa iyana muujinaayay dadaal iyo
xirfad, inkastoo aysan ahayn bari sidii ay ahaan jireen hadana
garoonka gees ilaa gees way isku baacsanayeen yaan lagaa tagin.
Ahmed Tuke oo ka mid ahaa ciyaaryahanadii Soomaaliya kubadda
koleyga, hadana u safnaa kooxda Canada ayaa dhaliyay gool aad u
qurxoon qaybtii hore ciyaarta taas oo ay dadkii garoonka ku
jirey u tumeen sacab ( Wonderful Goal).
Ciyaaryahanka Dhame oo ka mid xidigii kooxda Muqdisho iyo xulka
Qaranka ayaa isna qaybtii hore ciyaarta waxaa shaatiga la
gashtey ciyaaryahanka number 14 u sitey kooxda Europe, taas oo
dhawr goor dacwad ka bixiyay sida loo raacayo, balse garsooraha
ayaan dhag jalaq u siin cabashada laacibkaan, markii ay socotey
cabaar ciyaarta ayaa kubadd u ka helay geeska garoonka dhame
fursad uu ku tuuri karo 3 dhbcood ( 3 point) ayaa waxaa si xowli
ku difaac is yiri ama Block ciyaaryahanka 14 u sitey Europe,
taas oo uu si xirfadaysan hawada ugu direy Dhame ciyaaryahankii
kooxda kale, kadibna inta u hareer marey goosha shabaqa ku
nasiyay goolka kooxda Europe, waxaana markaas taagnaa garoonka
afkiisa waxaana ka qaaday sawir taariikhi ah oo ku lifaaqan
warbixintaan.
Dhame ayaa i sheegay qaybtii labaad ciyaarta inuu ka nastey
ciyaaryahankii raacayay kadib markii u tusay xogaa waayo
aragnimo ah.
Macalin Abdi Dheere ayaa isna muujinayay inuu kooxdiisa Canada
wax u tilmaamaya laakinse Goalal badan ka dhaliyay kooxda
Europe.
Mohamed Sheikh oo watey number 8 kooxda Canada hadana macalin ka
ah dalka Qatar ayaa isna goalal badan ka dhaliyay ciyaarta.
Kooxda Europe ayaa moodaa inaysanba u soo diyaar garoobin inay
iska celiyaan kooxda Canada.
Ciyaartiina waxay ku dhamaatey in guusha ay ku raacdo kooxda
Canada 58 dhibcood halka Europe ay la timid 46 dhibcood.
Biindhe oo ka mid ahaa ciyaartooyda kooxda Europe, isla
markaana ka mid ahaa ciyaartooydii kooxda Jeenyo haatana ku nool
dalka Denmark ayaanba soo xadirin garoonka galabta, mar aan la
sheekaystey ciyaartii hore ayuu ii sheegay in waa hore ay ugu
dambaysay inuu dheelo wax isboorti hadana uu dib u bilaabi doono
madaama uu arkay ragiisii oo weli garoonka ku jira, maanta
markii ay ii soo baasan saaxiibaday kubadda waaba naxayaa iska
daa wax dhali ayuu hadalkiisa ku soo koobay isagoo kaftamaya
farxadina ka muuqato.
Ciyaarahaan waxaa garsoorayey garsoorayaashii dalkeena ilaa heer
caalami garsoore Ilyaas, Garsoore Mohamed Haji, iyadoo ay goob
joogayaal ahaayeen garsoorayaasha kala ah Garsoore Osman Xalane
Xarash iyo Garsoore Mohamed Farah.
Gudiga farsamadana waxaa ahaa : Mohamed Abdulahi iyo Abukar
Abanur oo ahaa xoghayaha Xiriirka cayaaraha fudud ee Soomaaliya
haatana ku nool dalka Holand.
Waxaa ciyaarahaan soo qaban qaabiyay oo isku soo dabariday
ururka SSIFO oo ka dhisan magaalada London, mudanayaasha kala ah
- 1. Hassan Farah ‘’John’’
- 2. Shiine Guhad
- 3. Mohamed Sheikh
- 4. Mohamed Weeroow
Waxaa soo diyaariyay:
Yusuf Yusuf
Secretary General of SSPA & Sports Editor
mrsomalia@hotmail.com
London
England
Mustaqbalkii Kubadda kolayga Soomaaliya xidigaha Minassota MPLS oo cashar
siiyay kooxda London.
Xidigaha kooxda kubadda koleyga Soomaalida Minassota MPLS ( USA) ayaa ciyaar aad
u xiisa badnayd kala hor yimid kooxda kubadda koleyga London shalayto garoonka
London City Acadamy oo ku yaal galbeedka magaalada London xaafada Herlesden,
koobka Somali Basketball Tournament Week London 2008.
Ciyaartaan oo ahayd mid ay sugayaan dadka intiisa badan, ayaa hadana garoonka
meel laga fariisto ma lahayn intii aysanba bilaabanin ciyaarta, taas oo aad ka
garan karto in xiisa gaar ah ay u lahayd daawashadeeda dadwaynaha Soomaaliyeed
ee u soo daawasho tagi jirey tartamadaan ka socda Galbeedka magaalada London.
Kooxda kubadda koleyga Minassota ayaa ah koox diyaar garoow adag u soo gashay
tartankaan ka socda magaalada London, markaa eegto sida ay ugu diyaarsan yihiin
xag walbo, hadii ay ahaan lahayd ciyaartooydooda, maamulkooda iyo isku xirnaanta
ku muuqato iyo aqlaaqdaba.
Kooxdatan ayaa soo jiidatey taageerayaal badan oo markii hore is lahaa toloow
kooxdee taageeri doontaa?, kadib markii ay soo bandhigeen 3-dii ciyaar ee hore
ciyaar aad farsamadeeda u sareyso dadwaynaha ay u boogeen.
Kooxda London ayaa iyana ku biloowday koobkan dardar iyo guulo is daba joog ah,
taas oo dad badani ay saadalinayeen in ciyaarta kooxaha London iyo Minassota ay
dhaxmari doonto ciyaar aad u wanaagsan.
Dadwaynaha Soomaaliyeed ayaa moodaa inay ku soo balameen ciyaartaan, qaar badan
ayaa fasax u soo qaatey inay daawadan galabta ciyaarta si aysan uga baaqanin.
Soomaalidu hadal waa soo koobtey oo waxayna yiraahdeen ‘’fardo lays ku haayo
maxaa layskuga/ layskaga faanin’’
MINASSOTA V LONDON
Ciyaartiina waxay bilaabatey saacadu markii ahayd 19:30 fiidnimo saacada
London,ciyaartana markaan waxaa dhax dhaxaadinayey garsoorayaal ajanabi ah oo
aqoon iyo feejignaan u leh qabashada tartankaan oo kale, si aysanba u dhicin
marmarsiinyo ama garsooraha la jirey koox heblaayo.
Kooxda Minassota ayaa ku biloowday dardar iyo weerar degdeg ah, kadib markii
ciyaaryahanka qaranka Soomaaliya u soo dheelay ciyaarihii Morroco dhamaadkii
June 08, sitana Numberka 18 Ahmed uu shabaqa kooxda London ku hubsaday si
xirfadaysan ilaa 4(3 point), taas oo garoonka dhan ruxday qaylo iyo sawaxan,
kooxda London ayaa waxaa ku dhacay inay is waayan koox ahaan, hasayeeshe
kabtanka kooxda London ciyaaryahanka sita numberka 12-aad ayaa isla markiiba
dalbaday Time out ( Ciyaarta in loo hakiyo) si uu kooxdiisa u dajiyo talooyina u
soo qaatan madaama dharbaaxooyin lagu boobsiiyay.
Kooxda kubadda koleyga Minassota Mpls ( USA), waxaa macalimiin u ah isla
markaana gacanta ku haya macalimiin qibrad isboorti iyo waayo aragnimo u leh
sida loo diyaariyo kooxaha kubadda koleyga da’yarta, kuwaas oo iyagaba laftooda
soo ahaa xidigihii xulka Qaranka Soomaaliya ka hor burburkii dalkeena Soomaaliya
1991:
Macalin Ahmed Dahir, Macalin AbdulQadir Haji Dahir’’Shiikha’’, Macalin
AbdulKadir Madaxeey, Macalin Idiris Sulayman, waxaana kale oo la socday kooxdan
oo garab taagnaa Xidigii kooxda Jeenyo iyo Qaranka Soomaaliya Abdi Xalwo,
Macalin Giftin, Saleban Salay, Liiban Dahir, Sicid Dhere iyo Bashir Doob.
Ciyaartii ayaa dib u bilaabatey dadwaynihiina kuligood waxay si xamaasad leh ugu
kala qaybsameen ciyaarta madaama ciyaarta ay isku badashay mid kulul, qaar badan
oo markii hore u sacabatumaayey kooxda Minassota oo lahaa USA, USA, USA markii
ay goalasha ka dhalinayeen dhigooda Kooxda London ayaa waxaa i ag taagnaa
macalin John intuu qoslay ayuu i yiri Soomaalidan hada USA USA ku haya hadhoow
USA ha dhacdo ayay oranayaan hadii ay banaanka garoonka uga baxaan, taas oo ula
jeeday qalbi xaarnaanta Soomaalida, ana waxaan ugu jawaabay hadii Amerikaanka
madaxdooda arki lahaayeen dhalinyaradan Soomaaliyeed ee magacooda sare u qaaday
way ku soo dhawayn lahaayeen magaalada Minassota hadii ay ku laabtan iyagoo
koobka sita cajalada maanta la tuso, waayo waa fariin wanaagsan oo muujinaysa in
cayaaraha dadka isku soo dhaweynayaan kala fikirka ah.
Ciyaartii ayaa is badashay kadib markii kooxda London ay dib isku soo
abaabuleen, dadkii garoonka joogayna way kala qaybsameen madaama lagu ciyaarayey
magaaladooda London qaar baa dhiiga ku korey bilaabayna inay durbaano u tumaan
kooxda London si ay niyada ugu dhisaan, halka taageerayaashi jeclaystey ciyaar
wanaaga iyo aqlaaqada kooxda Minassota ayaa sii laba laabeen taageeradii ay
taageerayeen kooxda Mustaqbalka, inkastoo maamulka garoonka uu adkeeyay
nabadgalyada kadib markii sawaxankii iyo qayladii garoonka ay badatey, balse
asluub wanaag ayay muujiyeen dadkii tirada badnaa ee ka soo qayb galay ciyaarta
ee lahaa rag iyo haween, caruur iyo ciroole.
Qaybtii labaad ciyaarta ayaa si wanaagsan looga tagey kooxda London oo aad moodo
inysan lahayn wax maamul hogaamiya ama saxa, madaama kabtanka kooxda Abdull
Mohamud Afrax uu qayb ka ahaa ciyaartooyda garoonka ku jirtey ee baratamaysay,
halka macalimiinta tayada leh kooxda Minassota ay ka muuqatey deganaan iyo isku
kalsoonaan aad u sareysa, taas oo u saamaxday inay kooxda kubadda koleyga
Minassota MPLS(USA) guusha ku raacdo 100 dhibcood halka kooxda London ay
dhaliyeen 61 dhibcood oo qura, iyagoo xaafadooda jooga taas oo aad ka garan
karto farqiga u dhaxeeyay labada kooxood, hadii ay ahaan lahayd xaga maamulka
iyo isku xirnaanta ciyaartooydaba.
Macalinka kooxda Ahmed Dahir xidigii Qaranka Soomaaliya iyo kooxda Horseed ama
ENC ayaan waxaan su’aalay waxa uu caawa dareemayo madaama aysan jirin cid koobka
ka xigta kooxdooda , waxana u yiri run ahaantii anaga halakan waxaan u nimid
inaa koobka qaadno dadwaynaha tusno ciyaar wanaagsan, kooxdatan tababar dheer
ayaan soo galinay aniga iyo saaxiibadayda kale ee caawa garoonka jooga, sharaf
bayna noo tahay inaan aragno dhalinyaradan oo qaarkood jiraan 14 sano inay ku
guulaystaan koobkan .
Mohamed Buuwe marti sooraha kowaad bahda Isboortiga Soomaaliyeed ee magaalada
London ahna taageera isboorti iyo Alfanaan Abti ayaa heeso Soomaali ah ugu
luuqeenayay dadkii ka soo qayb galay daawashada ciyaaraha iyo ciyaartooydii
kooxda Minassota, iyadoo garoonka uu hal mar isku badalay meel ay si weyn ugu
caweeynayaan saqiir ilaa kabiir, iyadoo oo qof walba oo joogay habeenkaas
garoonka uu dib u jaleecsaday garoonkii Luujino ee ku yaalay xaafada Abdi Azix
ee magaalada Muqadisho iyo barisamaadkii dalkeena oo nabad ahaa.
Gabagagabadiina waxaa garoonka dhaxdiisa la isaga qaaday sawiro xasuusa ah
dhamaan dadkii ka soo qayb galay daawashada ciyaarta iyagoo wajiyadooda ka
muuqato farxad iyo is jacayl ayay u kala dareeren xaafadaha ay ka kala yimaadeen
London iyo nawaaxigeeda.
Hadaba warbixinta dheer ee aan ka soo qorey ciyaartan oo run ahaantii ah mid
dhab ah, waxaan umadda Soomaaliyeed ugu bishaareynayaa in mustaqbalkii kubadda
koleyga Soomaaliya ama ka matali lahaa dalkeena garoomada caalamiga in ay ku
guulaysteen koobkii Somali Basketbal Tournament Week London 2008.
Kooxda kubadda koleyga Minassota MPLS(USA)
- 5. SHARMAKE KHALIF 9. AHMED NUR
- 6. YASIN JAMA 10. KHALID HUSSEIN
- 8. ABDULAHI DALMAR 11. DA’UD MOHAMED
- 15. ABDULKARIM DALMAR
- 17. GULED ABDIRAHMAN(AMAAN)
- 18. AHMED ELMI
W/D: Yusuf Yusuf
Secretary General of SSPA & Sports Editor
mrsomalia@hotmail.com
London
XUSEEN CABDI “ 15 SANO JIR KU DHASHAY DALKA CANADA KANA
TIRSAN KOOXDA KUBADDA KOLEYGA SOOMAALIDA CANADA ISLA MARKAANA
MUSTAQBAL KU LEH CIYAARTA KUBADDA KOLEYGA”.
Xuseen Cabdi waa wiil Soomaaliyeed kuna dhashay dalka Canada 15
sanadood ka hor, isla markaana aad u edeb badan ahna laacib
mustaqbal ku leh ciyaarta kubadda koleyga.
Xusen Cabdi ayaa ka mid ahaa dhalinyarada sanadkaan nasiibka u
yeelatey inay ka qayb galaan tartanka Somali Basketball
Tournament Week London 2008, waxana uu ka tirsan yahay kooxda
Canada
.
Intii ay socdeen ciyaaraha ama ka soo qayb qaadatey tartankaan
ayaan waxaa ku tilmaami karaa inuu ka mid ahaa labadii
ciyaaryahan ee uga da’da yareyd midkood Xuseen Cabdi.
Ciyaartii kowaad ee dhaxmartey kooxda Canada iyo kooxda Cardiff,
run ahaantii waxaan dhihi karaa inuu ahaa laacibka suurtagaliyay
in kooxdiisa inay ka badiyaan kooxda Cardiff oo aan dhamaanteen
is lahayn way ku durdurin doonaan Xuseen iyo Saaxiibadiis kooxda
Canada, hasa yeshee ma dhicin sidaasi ee waxaa guusha raacday
kooxda Canada iyo Xuseen yare.
Mar aan la kulmay macalin BASHIR FOX & macalin Bashir Abdi Dahir
oo ahaa u qaybsanayaasha eegida ciyaaryahanada kartida iyo
xirfada leh ayay ii sheegeen inay mar horeba caalamadaysteen
ciyaaryahankan Xuseen Cabdi.
Markii ciyaarta dhamaateyna ayna kooxdiisa guusha ku keneen
caqli ayaan u yeernay su’aalnay magaciisa, da’diisa iyo meesha
uu ku dhashay, si dagan oo asluubi ku dheehan tahay ayuuna nooga
wada jawaabay Xuseen yare isagoo qoslaya kuna faraxsan guusha
kooxdiisa Canada.
Ciyaartii labaad ay kooxdiisa kaga badisay dalka Switzerland
ayuu hadana ka qaatey kaalin weyn isaga la qaybsanaya
saaxiibadiis kubadda, dad badan oo Soomaali ah oo u soo daawasha
taga garoonka maalin kasta daawashada cayaaraha ayaana ka wada
helay qaab ciyaareedka Xuseen Cabdi, isla markaana la garab
istaagay sacab iyo dhiirigalin, markii ciyaarta dhamaateyna waxa
uu Xuseen Noqday wiilka la iskula sawiri badan yahay ama aan
dhaho qof ay isku wada sawir waydiisasho badan hadii ay ahaan
lahayd xidigihii hore Soomaaliya iyo dadka caadiga ah.
Shiine Guhaad oo horey u ahaan jirey ciyaartooy Qaran isla
markaana soo noqday macalinkii Gabdhaha xulka Qaranka Soomaaliya
ayaa isna ka mid ahaa dadkii la dhacay qaab ciyaareedkiisa isla
markaana la galay sawir u ku dhiirigalinaayo Xuseen kana
codsaday inuu dadaalkiisa halkaas ka sii wado.
Inkastoo hal mar laga badiyay kooxda Canada hadana laacibintii
hore Soomaaliya ayaa qaba in Xuseen Cabdi iyo kooxda Canada ay
iska cabin karaan kooxda Minassota ee la calin kari waayay,
iyagoo raba inay arkaan waa ciyaartooydii horee in Xuseen
kubadda la qaybsan karo kooxda ka timid dalka Mareykanka,
madaama kooxdaas ay tahay tan kaliya aan ku tilmaami karo
Mustaqbalkii Soomaaliya ee kubadda koleyga.
Xusen Cabdi oo dadka inta badan ay u bixiyeen Xuseen Future
(Mustaqbal) waxaan u rajaynaynaa inuu noqdo mid kii ka guul
gaara ciyaarta kubadda koleyga, noqdana kii ka daafaca garoomada
caalamka dalka Soomaaliya insha Allah . Aamin
W/D: Yusuf Yusuf
Secretary General of SSPA & Sports Editor
mrsomalia@hotmail.com
London