SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Hogaanka Cusub ee uu madaxda ka yahay dhagaxtuur oo ugu baaqay ganacsatada in ay qiimo dhimis ku sameeyaan badeecadahooda bisha ramadaan owgeed

Maamulka cusub ayaa soo dhaweeyay heshiiska dowladda iyo isbaheysiga dib u xoreynta ay ku gaareen wadanka Jabuuti.

Kusimaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ee uu dahwaan u magacabay raiisalwasaraha dowlada Fadaraalka KMG somaliyeed ahna sii hayaha Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Cusmaan Cali (Dhagaxtuur) ayaa maanta shir jaraa’id kaga hadlay arimo badan .


Mr dhagaxtuur ayaa ugu horeyn shetgay in heshiiskii ay wada saxiixdeen Dowladda Federaalka iyo isbaheysiga dib u xoreynta dalka somaliya ay ku kala saxixdeen dalka DJabuuti xagooda soo dhaweynayaan wuxuuna intaa ku daray in maamulkiisa uu ka shaqeyn doono meel marinta heshiiskaasi maadaama buu yiri muwadiniinta somalkiyeed 18kii sano ee ugu danbeeyey ay dhexdabaalanayeen dhiig farabadan dhiilo colaadeed iyo dhibaatoyin aan la soo koobi Karin meel walbo oo ay joogaan haatana la doonayo in nabad la gaaro

Waxa uu wuxuuna ku tilmamay talaabo xaga nabada loo qaday oo la doonayo in la joojiyo wixii gabood fal ahaa kuwaas oo ku dhacayey shacabka somalyeed dunida oo idil


Kusimaha duqa magaalada Maxamed Cusman Cali Dhagaxtuur ayaa dhanka kale ugu baaqay ganacsatada , Hey’adaha Samafalka in ay gargaar bani’aadannimo ay lasoo gaaraan dadka kudhaqan dalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa aadka u dhibaateysan isaga oo si gaar ah codsiga ugu jeediyay dowladaha Islaamka oo uu sheegay in ay aad uga gaabiyeen arrimaha wax u qabashada Shacabka Soomaaliyeed.

Arintaan maanta uu ka dhawaajiyey Maxamed Cusmaan Cali (Dhagaxtuur) ayaa waxaa ka horeeyey heshiis dalka Jabuuti ay kuwa saxixdeen Dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya iyo Isbaheysiga dib u xoreynta Dalka

Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
0025215576666
002525907666

Faafin: SomaliTalk.com |  August 20, 2008

BAARID | SEARCH


Hayadda batroolka SoomaaliyaDFKMG oo Heshiis u Saxiixday Shirkadaha Batroolka ee Kuwait Energy iyo Medco Energi...
Maadaama shirkadahaasi jaal la ahaayeen Geeddi ma lagu macnayn karaa in la soo celinayo Geeddi Akhri


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS