SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

C/Waaxidow Mudnaan baad leedahay!!! 
 
Ilaah baa mahad iska leh, nabad gelyo iyo naxriis nabi Muxamad korkiisa ha ahaatee. 

Marka hore inta aan guda gelin maqaalkeyga waxaan ummada Soomaaliya ugu bishaareynayaa guusha weyn uu ilaahay na siiyey taas oo ah in ciidamda gumeysiga Itoobiya oo maanta la’ meel ay maraan hadii ay ahaan laheyd wadooyinka magaalada Muqdisho ama kuwa gobolllada dalka Soomaaliya. 

Ummada Soomaaliya waxaan u sheegayaa in laga rabo in ay u mahad celiyaan Allahii ku galadeystay guusha weyn oo ay maanta heystaan, annagoo og bilowgii 2007 Muqdisho sida ay aheyd iyo cidda gacanta ay ugu jirtay iyo maanta sida ay tahay. 

Intaa ka dib, waxaa farxad ii ah in maanta ay ummada Soomaaliya u soo wada jeesatay sidii af iyo idinba ay isaga xoreyn lahaayeen gumeysiga madow ee kusoo duulay diintooda iyo dalkooda. 

Ummadda Soomaaliyeed inta ku sugan gayiga Soomaaliya waxay Jihaad maalin kasta ah kula jiraan ciidamada gumeysiga iyo kuwa la shaqeeya ee DFKM, iyada oo Soomaalida ku nool dibadaha mar walba ay muqaawamada la garab taagan yihiin dhaqaalihii lagu socodsiin lahaa howlaha Jihaadka. 

Waxaa maanta nasiib weyn ah in aan helnay  rag qalinka ku dagaalamayo oo xaqa banaanka soo dhigayo, sida C/Waaxid oo u istaagay in uu qalinkiisa ku difaaco diinta Alle, sharafta ummadda Soomaaliyeed iyo dhulkooduba. 

Waxaan ka mid ahay akhristayaasha sida joogtada ah ugu taxan bogga Somalitalk, anigoo beryihii dambe wixii ka dambeeyey kala jabka Isbaheysiga Dib U Heshiisiinta mar walba la anfariiri jiray maqaalada ay soo qoraan dadka meelaha fog aan wax ka eegin ayaa haddana waxaa mar walba niyada ii qaboojinayey Qoraa Sare C/Waaxid oo qoromooyinka runta taabanayey. 

C/Waaxidow waan la socdaa in ay dad badan ku radinayaan balse waxaan kula dardaarmayaa inaadan danta ummada Soomaaliyada cidna uga xishoon, waxaanna ku leeyahay Mudnaan baad leedahay!!! Allah haku dhowro. 
 

Aw-Nasir Mayow. 
naasirsom@gmail.com 

Faafin: SomaliTalk.com |  August 20, 2008

BAARID | SEARCH


Hayadda batroolka SoomaaliyaDFKMG oo Heshiis u Saxiixday Shirkadaha Batroolka ee Kuwait Energy iyo Medco Energi...
Maadaama shirkadahaasi jaal la ahaayeen Geeddi ma lagu macnayn karaa in la soo celinayo Geeddi Akhri


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS