SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Soo Dhaweynta Musharaxa: Suleiman Mohamed Samatar(Wajixaad)

Waxa dhamaan la ogaysiinayaa Soomaalida degan gobalkan Minnesota ee ka soo jeeda degaamada SOOL, SANAAG, CAYN, iyo JUBADA-DHAXE in ay ka soo qayb galaan shir muhiim ah oo ka dhici doona koonfurta magaalada Minneapolis, xarunta TAJ MAHAL ee 3015 Cedar Ave South Minneapolis, MN, maalinta Axada ee taariikhdu tahay 08/24/08.

Musharaxan, ayaa waxa uu degan yahay magaalooyinka waaweyn ee koonfurta Maraykanka oo uu inbadan ku noolaa, laakiin in ku dhow sanad waxa uu ku maqnaa dalkii hooyo: isagoo ka qayb galay shirkii dibu heshiisiinta ee lagu qabtay Mugadishu, iyo shirarkii badnaa ee lagu qabtay Tukaraq.

Musharaxan, ayaa waxa uu soo bandhigi doonaa xogtii uu ka soo ururiyey intii uu joogay dalkii iyo siyaabihii loo qabsaday Laas-caanood iyo cida ka danbeysey, isagoo weliba ku dari doona sababta uu isagu isku sharaxay xilagan iyadoo ay maqan tahay Laas-Caanood.

Haddaba fadlan, waxa haboon in aan soo dhaweyno Musharaxan oo waqtigana aanu dhowrno. Wixii faahfaahin ah kala xiriir Muqtaar Xasan Deel: 952-240-9040. Waxa halkan ku lifaaqan flyerkii Musharaxa loo sameeyey.

Abdimalik Askar
aabdimalik@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com |  August 20, 2008

BAARID | SEARCH


Hayadda batroolka SoomaaliyaDFKMG oo Heshiis u Saxiixday Shirkadaha Batroolka ee Kuwait Energy iyo Medco Energi...
Maadaama shirkadahaasi jaal la ahaayeen Geeddi ma lagu macnayn karaa in la soo celinayo Geeddi Akhri


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS