SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Gabay layiraahdo Dadlahadal

Soomaalida waxa lagu tilmaama diwankeda ugu weyn Ee ma guuranka ah isla markaasina lagu qoro waxyabaha larabo  in aysan lumin ama aysan sifudud  uga bixin  maskaxda dadka  Gabayga  Gabaygu waxaa uu leyahay  noocyo badan Soomaaliduna waxaa ay u isticmaasha  siyaabo kal duwan sida, in ay ku cabiraan dhibatada iyo Baraaraha mararka qarkood waxaa loo isticmalaa qaylo dhaan oo waxaa uu  ahaa  is gaarsiin  waxana la isugu  gudbinjiray fariimaha  nabada ,colaada iyo fariimaha kale Ee caadiga,ahba.

hadaba  waxaan jecelahay inaan halkaan idinku soo gudbiyo gabay ama maanso Qayla dhaan ah oo  layiraahdo Dad lahadal oo aan  kula hadlayo Dadka soomaliyeed   waxaan gabaygaan tixdaan u curiyay si aan dhibatada dilka iyo dhawaca nafadu ugu weyn yihiin iyo dabar go,a da yarta soomaliyeed  ugu sheego oo aan dhaho dantena maha sxbyaal ila qaybsada dareenkayga!!!!!!!!

  1. Gabeyga Dadlahadal

  2. waxaan dirayaa fariin

  3. waxaan digayaa dharaar

  4. waxaan gudaya  mugdiga

  5. dadkaygaan la hadlayaa

  6. waxaan leyahay dadow

  7. dagaalka sokeyihiyo

  8. inaad isdishaan kaste

  9. isdaaya miyaan karnaa

  10. waxay dulucdeydu taahay:!

  11. niman yahow dad lama beero

  12. mana baxoo sidii geedo

  13. ma ogtihiin barbaar teenu

  14. beec iyo xaraash mahaa

  15. dhul batrool kujira maaha

  16. iyo

  17. miro dul geed yala 

  18. nafhadaad bilaash moodeen

  19. siduu Ee beheen shegay

  20. wax ka daran dilkeed ma ogi

  21. niman yahow bulshada beera

  22. mahuraan usoo booqda

  23. inta wiil lixaad beelay

  24. bukaan socodka tira kooba

  25. walaan beeni soconaynin

  26. beelina wax tari mayso

  27. xukun baadil lagu doonay

  28. dhibta looga bixi maayo

  29. niman yahow alaa boqora

  30. cilmi iyo aqoon badane

  31. bismilaahi baa dawo ah

  32. uga dayo kitaabkaaga

  33. batrad iyo anaa xoogleh

  34. iyo baawr lagu faano

  35. dhibta looga biximaayo

  36. howlina ku bogon mayso

  37. kaligay hadan booyo hadi aan baroor diiqo

  38. baaq yaylagarandoona???

       Afeef ma ahi Gabyaa balse waxan   mansadaan qalinku qorka ah isugu taxalujiyay inaan qoro oo an ku tilmamo mashakilka manta bulshadayda haysta

madaba uu sidaan horey u soo shegayba  uu gabaygu ahaa dhaqan ahaan isgaarsiinta dhabta ah ee ay u mada soomaliyeed  fariimaha isugu dirijireen

         waxaan jeclahay inaan intaas inkabadan lahadlo dadkayga oo an intii karankay ah  u tilmaamo dhibata manta ina haystada   ilaahna waxan ka baryaya in  umada soomaaliyeed ay   isu niyad samato oo dhibatada  ilaah kasaaro. 
 

By Fadumo Daahir Faarax
fay_8d@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com |  August 20, 2008

BAARID | SEARCH


Hayadda batroolka SoomaaliyaDFKMG oo Heshiis u Saxiixday Shirkadaha Batroolka ee Kuwait Energy iyo Medco Energi...
Maadaama shirkadahaasi jaal la ahaayeen Geeddi ma lagu macnayn karaa in la soo celinayo Geeddi Akhri


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS