WARBIXIN-Sidee baa General Cabdulahi Axmed Jaamac looga soo dhoweeyey
Degmada Badhan ee Gobolka Sanaag
Sawirada Halkan ka daawo...
Badhan:- Waftigii uu hormuud ka ahaa Gen-ku ayaa si diiran loogu soo
dhaweeyay magaalada Badhan ee Xarunta labaad Gobolka, boqolaal ruux ayaa sitay
boodhadh soo dhawayn ah, dadkaasi ayaa waxa wajiyadooda ka muuqtay Farxad iyo
soo dhawayn, Gen-ka ayaa waxa salaan siiyay Ciidamada Deegaanka kuwaasi oo ku
jiray Heegan sare.
Sidaanu kor kusoo xusney waxaa soo dhoweeyey musharaxa dadwayne aad u balaaran
oo uu horkacayeen Ururadda Bulshada iyo Qaybaha kala duwan ee Bulshada iyo
waliba Gudiga Magaalada Badhan iyo waxgaradka culumada cugaasha isimada iyo
waliba dhamaan dadwayanaha degmada Badhan.
Dadweynaha soo dhoweeyey wefdigan ayaa ruxayey caleemo qoyan iyo waliba halku
dhigyo, sawiro iyo waliba Hesso Wadani ah muujinaya xamaasada Magaalada Badhan,
Waxaa sidoo kale magaalada Badhan soo gaarey wefdi Her wasiro ah oo ka kala yimi
Magaloyinka Boosaaso Gawoowe isla markanaan ka qeyb qaatey soo dhoweynta
Generalka iyo wefidgiisa waxaana wefdiga Wasirada ah hogaaminayey Wasirka
Xananada Xolaha iyo Bereha Cali Bureed.
Magaalada Badhan ayaa maanta u ekeyd mid aad moodid iney ka jirto maalin ciideed
iyadoo aad arkeysid faraxad aad u badan oo ay dadku hayaan isla markaan ay
dadweynuhu isugu tahniyadaynayeen soo dhoweynta Generalka iyo Wefdigiisa.
Dhalinyada Sportska Magaalada Badhan ayaa waxay ka cayaartey door weyn oo
iyagoonWatay Dharka Sports ka iyo Sawirada Generalka iyo waftigiisa kuna
dhawaqayeey sodhowow .sodhowow.
Magaalada ayaa sidoo kale waxaa xirnaa goobaha Ganacsiga iyo suuqyada laga
adeegto iyadoo dhamaantood ay isu taageen Wadoyinka Waween ee magaalada Badhan
sidi ay uga qayb qadan lahayeen soo dhoweynta wefdiga.
Faafin: SomaliTalk.com | August 20, 2008
|