SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Telesom Borama oo qalab Caafimaad gudoonsiisay Wasaarada Cayaaraha Somaliland (Daawo Sawirada)

Shirkada Isgaarsiinta Telesom qeybteeda Borama ayaa qalab Caafimaad oo loogu tala galay Cayaaraha guddoonsiisay Wasaarada Cayaaraha Somaliland.

Mudane Cabdi Idiris Axmed oo ka wakiil ahaa Maamulaha Telesom C/qaadir Aadan Nuur ayaa deeqdaan daawooyinka Cayaaraha iskugu jirtay guddoonsiiyay Isku duwaha Ciyaaraha gobolka Awdal Mudane Cabdiwahab Ibrahim, waxuuna sheegay in Maamulaha C/qaadir Aadan Nuur oo mashquul ahaa shaqooyin badana ku furnaayeen uu soo wakiishay.

Cabdi Idiris waxuu sheegay in deeqdaan ugu tala galeen in wax loogu qabto Cayaartoyda gobalka Awdal kasoo jeeda ee ku dhaawacma Cayaaraha, waxuuna sheegay inay iskugu jiraan Kaniiniyaal xanuun baab'iyaal ah, Daawooyinka murqaha fur fura iyo kuwa jirka la mariyo ee dhamaantood isticmaalaan Cayaartoyda.

Waxa uu sheegay inay Telesom mar walba diyaar u tahay dhiira galinta Cayaaraha gobalka Awdal iyo guud ahaan Somaliland , waxuuna sheegay inay shalay cagaf galiyeen garoonka kubada cagta Borama isla markaana taasi aad usoo dhaweeyeen dhalinyarada.

Cabdi Idiris waxuu sheegay inay la dagaalami doonaan Tahriibta, waxuuna ugu baaqay dhalinyarada inay Cayaaraha badiyaan isla markaana dhulkooda wax kasoo saartaan oo ay iska daayaan Tahriibta iyo waxii naftooda iyo tan dadkooda dhib u keenaya.

Sidoo kale, waxaa xafladaasi deeqda Telesom ku bixineysay oo ka dhacday garoonka kubada cagta ee Abwaan Xasan Sheekh Muumin ka hadlay Isku duwaha Ciyaaraha gobolka Awdal Mudane Cabdiwahab Ibrahim waxuuna amaan balaaran usoo jeediyay shirkada Telesom gaar ahaan Maamule C/qaadir Aadan Nuur oo ku tilmaamay nin habeen iyo dharaar u diyaar ah horumarka gobalka.

C/wahaab waxuu sheegay in dhalinyarada gobalka u dhalatay ee kubada cagta dheesha weysanaayeen daawooyin lagu dabiibo marka ay garoomada ku dhaawacmaan balse waxii maanta ka dambeeya waxuu sheegay inay heleen daawooyinkaasi.

Isku duwaha waxuu ugu baaqay shirkadaha kale ee gobalka ka dhisan iyo Jaaliyadaha inay sidaan oo kale ugu soo deeqdaan daawooyin cayaartoyga lagu daaweynayo taasoo dhiira galineysa in dhalinyarada gobalka ku sugnaadaan oo ay iska daayan Tahriibta.

Waxuu u mahadceliyay Maamule C/qaadir Aadan Nuur waxuuna sheegay in abaalkiisa aan la gudi karin balse Alle xagiisa ay samaan ka taalo, waxuuna ugu baaqay inuu halkaasi kasii wado dadaalkiisa horumarka gobalka ku saabsan.

Xiliga deeqda Telesom guddoonsiineysay Isku duwaha Ciyaaraha gobolka Awdal Mudane Cabdiwahab Ibrahim ayaa waxaa garoonka xafladaasi ka dhacday ka socday cayaar kubada cagta ah sida aad sawirada ugu jeedaan taasoo kooxo gobalka ka dhisan ku cayaarayeen waxaana deeqdaan daawooyinka ee Telesom maanta bixisay aad ugu farxay dhalinyarada cayaartaasi dheeleysay oo sabad ku sagootiyay madaxdii Telesom Borama ka socotay.

Ridwaan
Borama – Somaliland
Email: ridwaan34@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com |  August 19, 2008

BAARID | SEARCH


Hayadda batroolka SoomaaliyaDFKMG oo Heshiis u Saxiixday Shirkadaha Batroolka ee Kuwait Energy iyo Medco Energi...
Maadaama shirkadahaasi jaal la ahaayeen Geeddi ma lagu macnayn karaa in la soo celinayo Geeddi Akhri


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS