SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Filand:- Muslimiinta dalka Filand oo raadinaya Qabriyo ay ku duugan meedadka dadka Muslimiinta ah.!

"Waxaanu aad u dooneeynaa in aanu dhismo Qabriyo cusub, si looga gaashaanto dhibaato nooga iman karta in aanu wayno meel dadka Muslimiinta ah lagu duugo , iyadoo cabsidan ay Muslimiinta Filand soo waajihi karto 10-ka sanno ee soo socota" sidaa waxaa wargees ka soo baxa dalka Filand u sheegay Peja Garden oo ah Gudoomiyaha Guddiga Hoosaadka Qabriyadda ee Golaha sare ee Muslimiinta dalka Filand.

Golaha Muslimiinta dalka Filand ayaa dadaal badan ugu jira sidii Qubuuro dadka Islaam-ka ay ooga heli lahaayeyn dhul meelaha ay ka midka yihiin Waqooyiga Dalka Filand, Caasimadda dalka Filand ee Helsinki iyo 16 kalle oo magaalo oo guud ahaan dalkaasi Filand ah. Iyadoo dadka tiradda dadka Muslimiinta ah ay sii badaneeyso.

Golaha Muslimiinta ayaa dadaal ugu jira sidii loo heli lahaa dhul u gaar ah Muslimiinta oo kaliya in Meedadka Muslimiinta oo kaliya in lagu aaso, iyadoo Golahani ay ka fogaanayaan in Muslimiinta iyo dadka aan Muslimiinta aheyn isku meel lagu wado duugi karo. Iyadoo Golahan Muslimiinta dalka Filand la unkay sanadkii 1987.

Dhawaan ayay aheyd markii Muslimiita dalka Filand loogu deeqay 202 Qabri si dadka Muslimiita ah loogu aaso Meedadkooda, ilaa haddana waxaa lagu duugay 18 meyd iyadoo ay harsantahay 184 Qabri.

Peja Garden oo wargeees ka soo baxa dalka Filand warbixin gooban arrintan ka siiyay ayaa yiri "Ujeedkeena ugu weyn waa in aanu helno Dhun ku filan Muslimiinta, si loo xaliyo Mushkiladda heesatadda Muslimiinta dadka Filand"

Muslimiinta dalka Finland waxaa lagu qiyaasaa in ay gaarayaan ilaa 45 kun oo Qofood iyadoo guud ahaan shacabka dalka Finland ay gaarayaan 5.3 Million oo qofood.

Sidda taariikhada ku qorana dalkaasi Filand waxa uu Islaamka soo gaaray Qarbigii 19-aad. Dadka Muslimiinta ah ee dadka Filand dagan waxaa ugu badan Somalida oo ah 100% dad Muslim ah, balse dadka Musliminta ah iyo wadamada ay kalla yimaadan ee dalka Finland waa sedan

Somali (4,694)
Arab, (2,599)
Kurd (2,560)
Persian (1,658)
Turkish - Tatar (1,357)
Kosovars (784)
Pakistani (400)
Thai (16)
Others (52


Dhibaataddan soo waajahday dadka Muslimiinta ee ku nool dalka Filand ma ahan markii ugu horeeysay ee Muslimiinta dalalka Yurub ku nool ayay arrintan oo kalle marar badan soo waajahday iyadoo dhawaan dalkaasi Austria Muslimiinta ku nool mashruuc ay ku dhisayeyn Qabuuro dadka Islaam-ka ay leeyihiin ayaaa lagu arkay Darbigii lagu wareejinayay Qabuuraha dad caalamad Masiixa ah ama Christian-ka oo rinji ah lagu xardhay

Xigasho shabakada www.islamonline.net

Ibraahim Da'ud Abdalle "Gentleman"

Nairobi-Kenya

sayfudiin@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com |  August 20, 2008

BAARID | SEARCH


Hayadda batroolka SoomaaliyaDFKMG oo Heshiis u Saxiixday Shirkadaha Batroolka ee Kuwait Energy iyo Medco Energi...
Maadaama shirkadahaasi jaal la ahaayeen Geeddi ma lagu macnayn karaa in la soo celinayo Geeddi Akhri


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS