SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

MARXABAYNTA DARWIISH IYO MAAWEELADDA JABUUTI

Ma ahan meeshii Hadraawi ka yiri”Maxaan qoday doox sal weyn, Maxaan helay deeq mug weyn, Wax uu dad jeclaan lahaa, U waayey wax soo dal-dalah”.balse waa meeshii Yamyam ka yiri ” Madiidin kii rabay ka hodan, maaweelo kii rabay ka dhareg,midnimo kii rabay ku hungoow, malayna ma muuqan karo hadey mowjado dhacaan” xaqiiqda walaalaha Jabuuti ku sugan yihiin waa sidey isu dooriyeen in UN u dulaysnayo, wararka xaqiiqda ah ee laga helayo ragga majara habaabay waa in haatan loo bandhigay barnaamij siyaaso oo siddan u qoran:-

1- Marka hore inay guddi amni iyo siyaaso la samaystaan xisbiga ridada Doofaarey , guddiyadaas oo ka shaqaynaya xabad joojinta , sugista amniga, iyo mashaariicda siyaasadda mustaqbalka labadda kooxood, dhamaan talaabooyin kaasina waxay la fulinaya iyadoo Itoobiyanku dalka joogo , shirkii arrintaasi lagu dhisayayna waa tan ay hadda kuwada yeelanayan taliyihii ganacsiga dadka Gen Darwiish iyo Sheekh Shariif.

2- Marka la hirgaliyo qodobka hore waxaa la qaban doona shir ka dhici doona dalka Sacuudiga oo lagu saxiixayo heshiiskii Jabuuti ,haduu hirgalin waayo qodobka koowadna wax la iska warsadaa ma jiraan.

3- Hadii qodobka koowaad hirgalo, golaha amaanku shir buu yeelan doona looga hadlayo keenista ciidamo UN , waqtiga afarta biloodna waxuu ka bilaabanaya marka qodobka koowaad hirgalo isla markaasna la saxiixo heshiiska .

4- Waxaa kaloo loo soo jeediyey in kooxda Jabuuti inay xarun ka dhigtaan Jowhar si ay ujeedooyinka shirka iyo talooyinka UN uga fuliyaan gudaha .

Yam yam gabay uu u tiriyey Hadraawi ayaa waxaa ka mid ahaa” adoo Harar jooga Hargaysa u heeska , waxaa ka haboon adoo halka joogoo kacaanka u heesa” ma is tiri intay naftoodana ku maaweelin lahaayeen isbahaysiga dib u xoreynta , marba haddii arrin halkaas la marayso waxaa uga haboonaan lahayd inay toos ula midoobaan xerta C/laahi, xan kale oo siyaaso oo xaqiiqda u dhaw ayaa shegaysa in qodobada hore oo dhan ay yihiin tijaabo haddii ay wax ka fulin karaan , balse xaqiiqda mashruuca ka danbaysa ay tahay in inta laga gaarayo qabashadda shirwayne qaran muddo lagu sii maaweeliyo barnaamij ihaanaysi ah , ama si kale marka loo yiraahdo la doonayo in la isaga hor keeno muqaawamadda, ama Ilaah ha naga nabad galiyo dabinadoode la rabo in gumaysiga dalka loogu xalaaleeyo .

In barnaamijyo inta laga gaarayo shirwayne qaran lagu majara habaabiyo loo samaynayo waxaa iyana arintaasi ka marqaati kacaya in bartamaha bisha Oktoobar la qorshaynayo in Sheekh Shariif iyo ragga xisbigiisa ugu waawayn ay Yurub iyo Mareykan shirar u tagaan , safarku laba ujeedo ayuu leeyahay dadka gudaha waxaa lagu mashquulinaya ama muqaawamo lagu kala jabinaya guddiyadaas aan kor ku xusnay, madaxdan Jabuuti iyana waxaa lagu maaweelinaya inay barnaamijkooda siyaaso ka iibiyan qurba joogta,ILAAH idinkiis waxaan rajeyneyna in muqaawamada gudaha mar dhaw ku dhawaaqan tilaabo shacabkana ka farxisa , cadowga iyo inta wadada mugdiga qaadayna ay ka naxaan.

Yaab yaabanoo yaab soo arkoo yaaban bay na helay, waxaan shalay aqriyay war walaalaha Jabuuti ay ku cambaaraynayan xasuuqii Itoobiya ka gaysatay deegaanka KM13 , raggii Itoobiya dalka u saxiixay shacabka inta Itoobiya xasuuqdo maahane inta kale iyagu dil, dhac, kufsi , madax furasho iyo xabsi isagu darayna waa marxabaynaya oo waxaan ugu ducaynayna in xitaa qilaafka soo dhex galay Doofaarey bogooda burcad ALLE isu mariyo ,warkaas baa garashadayda miisaami waysay, idin dhihi maayo ducada un ku caawiya si kale uma cad goysaane balse runtu waxay tahay muslinka dhibku gaaray ha ku oohin darsanine la damaashada munaafiqinta Doofarey.

Ma taqaan sababta C/laahi iyo Nuur Cadde Addis Ababa looga yeeray , xaqiiqdu waxay tahay iyadoo meeshooda jooga la heshiisin karaye balse waxaa laga codsanaya inay qilaafkooda muddo u kaadiyan inta dabinadii siyaaso ee ugu danbeeyay loo dhigayo wadaada bulsho caalam isu dhiibay inay u kaadiyaan qilaafkooda.

Oday cilmigiga diinta aad u yaqaanay ayaa goor galab ah waxuu waxuu ka qayb galay aas wiil uu adeer u yahay, oday suufi ah oo qabriga joogay ayaa taqliin bilaabay markaas buu yiri wiilka hooyadii magacii odagii baa ku yiri horta waxa aad aqrinayso waa bidco , waxaanse ku leeyahay aduunka laguma caayi jirine qabriga ha ku caayin, hadda ragga Jabuuti wiilashii ALLE dartiis u shahiiday mar hadey maanta Gabre iyo Darwiish marxabaynayana waxay taariikhda ku qorayan inaysan ALLE dartiis u dhiman ee saldano ragga Jabuuti jooga ay gaaran ay u dhinteen, kuwa noolna waxay ka dhigayan kuwa xaqa ay ku joogaan la dhabar jabiyo iyo qaar la howlgala Gabre iyo Darwiish, war miyaadnan ku waano qaadan ciidankii maxkamadaha ee xilligii Carte lagu daray mooryaantii beelaha ee shaatiga boliis loo galiyey waliba dowladaasi waxay ahayd mid haba tabar daraate taladeeda Soomaali leedahay ,tan taladeeduna Addis bay ka xiran tahay cududeenuna waa Tigree iyo Copy , rag waaya aragnimo la,aan, damac iyo dani wadaad u eg tihiine taariikhda idin xusi.

Waxaa noo sheegtaan maalin kasta hadaanu nahay garabka Jabuuti siyaasadda muqaawamo ayaan bulshada caalamka ka dhex gadaynaa, Boqorka idinku dhaarshayey dadka ku dhow boqolka qof ee doraad Itoobiyan dilay ma aragteen Q.M,Mareykan, Yurub xitaa cambaaraynaya mase qiyaali baad naftiina iyo inta idin raacsanba u sheegtan, waxaad laba bilood ka hor la soo shir tagteen afar bilood baa Itoobiya lagu bixin ciidan UN lagu keeni, maantana afarta bilood waxay bilaaban marka amniga la sugo isla markaasna heshiiska la saxiixo ayaad mar kale keenten sow riyo maalmeedka iskama daysaan iyo iib gaynta mashruuc gabi ahaanba dhintay, waxaad hadda ku guda jirtaan saxiixa xabad joojin iyo amni sugis aaway diintaad barateen ma dad aadnan gabi ahaan matalin ayaad si xishood la,aan ah u sheeganaysan inaad matashaan, wax ma ku qaadan wayseen inaan C/laahi la dirireen Nuur Cadde haduu og yahay bulsho caalam oo danaynaysa heshiiska Jabuuti .

Doraad waxaad noo sheegi jirteen ragga Darwiish u horeeyo inay murtad yihiin maantana xabiib, shalay waxaad noo sheegayseen inaad Itoobiya war ku bixinaysan maantana iyadoon taasi idin muuqan baad qorshayaashoodi ku shaqaynasan, xaqiiqdu waxay tahay Darwiish iyo Gabre midna isma badaline adinkaa mabdii xalaasha ahaa ee ka soo horjeeday ka leexday, rag qiyaas xun taladoodu way qaamo rogataaye yaa idiin diga.

Dagaalkii lala galay xertii ashahado la dirirka ama iyagu isu yaqaanay la dagaalanka argagixisada waxaa bulshadu ka macaashtay in ay ogaadeen halka dhibku ka hayey 17 sano, waxaa kaloo laga faa,idey in dunidu ku baraarugtay inay jiraan dad Soomaali ah oo iyagu xalin kara mushkilada dalka markii la arkay amniga iyo kala danbaynta la gaarey lixdii bilood, inkastoo qilaafkani mujtamaca dagaalada iyo abaaruhu isugu darsamey dhib weyn ku hayo hadana laba arrimoodba waa laga kororsanyaa in la bartay ragga xaqa iyo baadilka isku barxaya iyo kuwa mansab gaar mooyee aan hadafkoodu ahayn shahaado gaar.

Gabagabadii hal rajo ayaa maanta idin furan inaad shaacisaan inaad qaldanteen, umadana aad raali galin warsataan inkastoo dhaqanka siyaasiga ee Soomaalida aysan ku jirin wallow Maxamed Qanyare mar sameeyay,tilaabada labaad ee aad qaadana noqoto in intiina wax saxiixday iyo inta idin taageersanina dagaalka gudaha adinkoo askar ah aad ka qayb gashaan bal si mujtamacu idinku aamino, hadaad talo diidana halganka socday ka wayn mid raali galin maqluuq lagu raadinayey ee raali ahaansho ALLE baa lagu raadinayey.

WQ CAANAGEEL.
caanageel@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com |  August 20, 2008

BAARID | SEARCH


Hayadda batroolka SoomaaliyaDFKMG oo Heshiis u Saxiixday Shirkadaha Batroolka ee Kuwait Energy iyo Medco Energi...
Maadaama shirkadahaasi jaal la ahaayeen Geeddi ma lagu macnayn karaa in la soo celinayo Geeddi Akhri


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS