Xaflad lugusoo Gabagabeeyay koobkii Gobalka Eastern Cape
Halkan ka daawo Sawirada Ciyaaraha... Xaflad aad loosoo agaasimay oo lugu maamusayo munaasabad lugu xiraayo horyalkii
Gobalka Eastern Cape ee Cariga K/Africa ayaa waxaa lugu qabtay Xafiiska
Jaaliyada (SASA) Ee Gobalka Eastern Cape. Xafladaas oo ay kasoo qaybgaleen dhinacyada kala gadisan ee Bulshada Rayidka ah
ee Somalida ee ku dhaqan wadankan K/Africa Gobaladeeda kala gadisan. Xaflada ayaa waxaa Soo qaban qaabisay Jaaliyada Somaliyeed oo ku guda jirtay
dadaalo badan oo ay ku doonaysay in ay kor u qaado midnimada Bulshada. Xaflada ayaa waxaa lugu furay sidii caadada aheedba Aayado Qur, aan ah. Xaflada ayaa waxaa daadaheynayay Captankii Kooxda AL-SHABAAB oo ah kooxdi ku Guuleysatay Koobka Mudanne MAXAMED XUSSEIN CABDI
(MAXAMED CADDE) Xaflada ayaa waxaa loo guda galay qaybaheedii kale waxaana meshii kahadlay
Gudomiye Kuxigeenka Jaaliyada Gobalka Eastern Cape Mudane : C/Rahmaan Axmed
Yuusuf (RAABI)oo meshii kasoo jeediyay Muxaadarro iyo Sidookale war murtiyeed
aad usoo jiitay ka qayb galayaashii Xaflada wuxuuna ku nuux nuuxsaday in ay
bulshada Lafdhabar u yihiin dhalinta oo ay ka kacaan fadhiga oo gacmaha is
qabsadaan. Waxaa sidokale kahadlay Xaflada Suldaanka Besha Absame Suldaan Siraaje oo ka mid
ahaa Aas aasayashii Jaaliyada Somaliyeed Ee SASA Suldaanka ayaa wuxuu ku
dheeraday wax qabadka dhalinta Somaliyeed iyo kaalinta ay ku leeyihiinBulshada
wuxuuna ku dhiira galiyay dhalita Somaliyed meel kasto oo ay joogaan in ay
noqdaan kuwa lugu xisabtamo oo dhaxdooda ahaado walaalo isjecel dhibka
wadankeeni heestana aan meel ooga soo wada jeesano. Waxaa sidookale kahadlay meshii dhalinyar badan oo kuwada mideeysan inay noqdaan
kuwa dadkooda iyo dalkooda wax tara waxaana kamid ahaa Gudomiyaha dhalinta
Magalada Port Elizabeth Mudane Mukhtaar C/laahi Qaybdiid (Flower) oo ku nuux
nuuxsaday in uu isku dayaayo inuu wado mideeynta Dhalinta kudhaqan Gobalka
asagoo amaan usoo jeediyay dhamaan dhalinyarada Somaliyeed ee isku dayeeyso in
ay sii wadaan is dhaxgalka iyo mideynta bulshada Somaliyeed ee kudhaqan wadanka
wuxuna sidookale amaan u jeediyay Jaaliyada Soomaliyeed oo wado sidii ay
dhalinta u noqonlaheed mid anan xumaan ku mashquulin. Waxaa sidookale kahadlay Xaflada Gudomiyaha Sportiga Mudana Muxuyadiin Nuur
Jiiley oo ay ka muuqatay farxad aad u sareeyso asagoo amaan usoo jeediyay
dhamaan marti sharaftii kasoo qayb gashay Xaflada Halkaasna kusoo bandhigay
Koobkii Sanadka dhan lugu hardamayay ee uu gudoonsiiyay Kooxsa Alshabaab FC oo
ah kooxda Hanatay Kobkii Horyalka Gobalka Eastern Cape ee Jaliyada Somaliyed ay
u qaban jirtay Sanad walbo. Sidookale waxaa lakala Gudon siiyay dhalinyarobadan Shahaada Sharaf ay ku
mutaysteen dadaaladii ay u galeen midaynta iyo isku duwida Bulshada dhexdeeda.
Kaalintii Dhalinta Soomaliyeed ee Gobalka Eastern Cape.
- 1- Kaalinta Diinta & Dadnimada
- 2- Sportiga & Hormatintiisa
- 3- Kaalinta Waxbarashada & aqonkorarsiga
- 4- Dhalinyarada waa Hogaanka mustaqbalka Umada
- 5- Kaalinta Difaaca dadka iyo Dalka
Waxaa mutaystay Koobkii Leaga Koxda AL- SHABAAB FC Waxaa Mutaystay Koobka Goal Dhalinta Mudane: Maxamed Macalin Mujaahid(MADKEY)
Waxaa muteystay Koobka ASLuubta Mudane Cabdi Maxamed Carte (C/KAAT) Walaalaha Mutaystay SHahaada Sharafta waxaa kamid ah
Aas aasa yaasha Jaaliyadda Ee Gobalka Eastern waxaa kamid ah:
- 1- Suldaan Maxamed Siraaje
- 2- Malaaq Xassan Nuur Jiiley
- 3- Sheikh Daahir C/rahmaan Sugelle
Maamulkii Jaaliyadda ee gutay hawlahooda shaqo waxaa kamid ah:
- 1- Muxuyadiin Nuur Jiiley
- 2- C/laahi Careys Daahir
- 3- Ismacil Cabdi Aadan Turky
Ganacsatadda Dhaqalaha Kubixisay Jaaliyada
- 1- Cali Saalax Axmed
- 2- C/rashiid Xussein (XABASHOW CADDE AFYARE)
- 3- AL-Jaziira Restaurant
Gaba gabadii waxaa kahadlay Xaflada oo sifiican ugunuux nuuxsaday wax qabadkii
Jaaliyada Gudoomiyaha war faafinta Jaaliyada Mudane: MAXAMED SHARIIF C/WAHAAB
(MAXAMED MILLE ) Dad waynihii mesha kaso qayb galayna ay aad ugu riyaaqeeyn
hadaladiisii asagoo sidookale umahad naqay sida ay u shaqeynayaan dhamaan
dhalinta saxafiyinta ah ee somaliyeed asgoo carabka ku dhiftay Saxafiyinta
wadankan ku nool sida Mudane C/Naasir SAXANSOXO oo anan asaga Goob jog aheeyn
iyo Ismacil turkey oo isagu ahaa qoraagi mesha fadhiayay ee ka socday waxda war
faafinta Cabdinaasir Axmed Sh. (saxansoxo). Email: saxansoxo1@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | August 20, 2008
|