SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Bossasso War Saxaafadeed Musharaxa madaxtinimida Puntland Nuuradiin Aadan Diiriye

WAR SAXAAFADEED

KU: DHAMMAAN ISIMMADA DOWLAD GOBOLEEDKA PUNTLAND
KU: XUKUUMADDA DAWLAD GOBOLEEDKA PUNTLAND
KU: GOLAHA WAKIILADA PUNTLAND
KU: DHAMAAN DADWEYNAH GOBOLKA PUNTLAND

Haddaan ahay Mushara xilka madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland Mudane Nuuradiin Aadan Diiriye, waxaan ka xumahay, kana walaac-sanahay xaaladda ay Puntland maanta ku sugan tahay xag amni iyo xag dhaqaaleba.

Iyadoo intaas oo dhibaato ah waddanka ka jirto waxaa ayaandoro ah in mas’uuliyiinta maamul goboleedka Puntland ku mashquulsan yihiin siday waddanka uga samayn lahaayeen doorasho dhalan-teed ah, hor istaagida doorasho madax banaan iyo caburinta saxaafada madaxa banaan si ay iyagu xukunka dib ugu soo laabtaan iyo inay ku ogaan dacwooyin iyo eedayn ciddi ka hortimaada qorshahooda.Taasina waxay tirtiraysaa nabadii ay ku gacan adaygeen Issimadu, odayaasha iyo waxgaradka reer Puntland tobankii sanno ee la soo dhaafay iyo hurumarkii ay sameeyeen maamuladii hore. Waxayna u hor-kacaysaa Puntland burbur, cawaaqib xumo iyo masiir-keena oo meelu ku dambayn doono aan la garanayn..

Waxaa kale wax aad looga xumaado iyo masuuliyad xumo ah habka cabburinta iyo amar-ku-taaglaynta ku salaysan ee Maamul goboleedka Puntland uu kula dhaqmayo saxaafadda madaxa banaan asalna ah qowmiyad kasta madaxbanaanideeda .

Waxaan arrintaas u aragnaa in maamulku si bareer ah ugu tumanayo Dastuurka Dowled Goboleedka Puntland, xuquuqda dadweynaha Puntland iyo xuquuqda saxaafadda ee caalamiga ah iyo tan ku cad cahdiga qaranka.

Waxaan shaki ku jirin in tallaabooyinkaas uu maamulku qaaday ujeedadoodu tahay in uu kaga hortago ama ku cabburiyo codka isbeddel doonka ah ee soo kordhaya oo ay hoggaminayaan Musharraxiinta u tartami doona jagada madaxwaynaha maamul goboleedka Puntland.

Waxaan haddaba maamulku ugu baaqaynaa, dunidana ogaysiinaynaa:

In uu ka waantoobo daandaansiga qaawan iyo adgudubyada agu hayo saxaafadda madaxa banaan.

In uu dhawro xeerka saxaafadda iyo xuquuqda axafigaba

In uu si shuruud la’aan ah ku soo daayo saxafiga sida sharci darada ah ugu xiran magaalada BoosaasoAgaasimihii Idaacadda Daljir ee Boosaaso Maxamed Maxamuud Welcome

In uusan marna isku dayin in uu kala qoqobo dadwaynaha iyo murashaxiinta doonaya in ay dalka ka dhaliyaan isbeddel guud

In uu ogolaado in ay dalka ka dhacdo doorasho xor ah oo madaxbannaan oo ku dhacda waqtigeeda.

Nuradiin Aadan Diiriye
Musharaxa Madaxtinimadda Puntland
Bossaasso, Puntland

Faafin: SomaliTalk.com |  August 19, 2008

BAARID | SEARCH


Hayadda batroolka SoomaaliyaDFKMG oo Heshiis u Saxiixday Shirkadaha Batroolka ee Kuwait Energy iyo Medco Energi...
Maadaama shirkadahaasi jaal la ahaayeen Geeddi ma lagu macnayn karaa in la soo celinayo Geeddi Akhri


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS