SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Codsi Xabsi ka Siidayn Deg-deg ah.‏

Attention: Madaxweynaha DFKMG ,R/Wasaaraha DFKMG,Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka,Taliyaha Xabsiga Dhexe ee Dalka ,Wasiirka Arimaha Gudaha,Dhammaan Taliyaasha Ciidanka ee Dalka ,Dhammaan Hay'adaha Bulshada Raydka ,Hay'adda Qaramada Midoobay ee Adduunka ,Ururka Qareenada Soomaaliyeed,Isbahaysiga Dib u Xoraynta Dalka Soomaaliya, Midowgga Maxaakiimta Islaamka ee Dalka.

Waxaannu Madaxda uu codsigaanni sida tooska ahi ugu socdo si naxariisi ay ku jirto uga Codsanaynaa inay si Deg-deg ah Xabsiga ugu siidaayaan Dhammaan Mudaadiniinta Soomaaliyeed ee ku jira Xabsiyada ku yaalla Dalka Gudihiisa ,isla markaana ay gacan ka geystaan kuwa ku jira Xabsiyada ku yaalla Waddamada Dibadaha Maadaama ay yihiin Dad Muslimiin ah Bishii Barakaysnayd ee Ramadaanna ay fooda inagu soo hayso ,Dadka Xirxiran ayaa intooda badani waxay u badan yihiin Dad aan Dembiyo waaweyn lagu hayn laakiin ay u Xiran yihiin waxyaabo yar yar ama la Cafin karo , Waxaannu Madaxdani mar la baad ka Codsanaynaa inaysan Codsigani aysan ku Xirin wax Shuruud ah kana qaadaan tallaabooyinka ku haboon ee wax looga qaban karo.

Waxaa kaloo jira Dad Soomaaliyeed oo ku Xirxiran Xabsiyada Qurbaha kuwaas loo baahan yahay inay Qaramada Midoobay ay baaris ku samayso Sababaha loo haysto maadaama ay yihiin Dad Qaxooti ah oo Waddankoodii uu Dagaallo ka socdo ,sidoo kale Waddamo fara badan oo ka tirsan Carabta ayaa waxaa ku Xiran Dad Soomaaliyeed oo fara badan Dadkaa oo Qaarkood uu hore Cafis ku siidaayey Mudane C/Qaasim Salaad Xasan Markii uu hayey Xafiiska Madaxweynenimada ee Dalka Soomaaliya taasina waannu uga Mahad Celinaynaa Tallaabadaa uu qaaday waxayna noqon doontaa mid ah Shacabka Soomaaliyeed ay Xasuus ku reebi doonto kaallinta Wanaagasan ee uu Muujiyey waana mid ku dayasho mudan ayaanu leenahay.

Madaxda Sare ee kor ku Xusani waxaannu ka Codsanaynaa inay fulliyaan Codsigaan aannu u soo gudbinay Maadaama ay fooda nagu soo hayso bishii Ramadaan ,Shacabkuna ay u baahan yihiin in loo arxamo isla markaana la Xureeyo si ay Cibaadadooda u gutaan iyagoo xor ah oo aan Xabsi ku jirin ,Ururka Qareenada Soomaaliyeed ayaannu sidoo kale ka Codsanaynaa inay Xiriir la sameeyaan Dhammaan Safaaradaha Soomaaliyeed ee ku yaalla Qurbaha si loo Xaq dhowro Xuquuqda Muwaadinka Soomaaliyeed ee Dulman.

Madaxda Shirka Jabuuti ayaannu waxaannu ugu baaqaynaa inay isu Tanaasulaan Maadaama ay Dhibaatada Shacabka Soomaaliyeed haysataa ay tahay mid aan baaxad lahayn isla markaana war cad ka soo saaraan sidii Xabsiyada looga siidayn lahaa Maxaabiista ku jira Xabsiyada Dalka Gudihiisa iyo kuwa ku Silicsan Xabsiyada ku yaalla Waddamada Shisheeye ee Qurbaha , Codsigaan ayaannu waxaannu ku soo beegaynaa iyadoo ay Shacabka Soomaaliyeed ka sugayaan Shirka Jabuuti natiijo aad iyo aad u weyn iyo iyadoo ay foodda nagu soo hayso bishii barakaysnayd ee Ramadaan , Waxaannu rajaynaynaa inuu Codsigaani noqdo mid taabagala.

Gabagabadii iyo Codsigaani ,waxaannu Hay'adaha bulshada Raydka ka Codsanaynaa inay eegaan fullinta iyo Xaq dhowridda Codsigaan maadaama ay yihiin kaallinta ugu firfircoon ee Bulshada isla markaana la socon kara Xaqiiqda dhabta ah ee ay Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ay u baahan yihiin ,sidoo kale hore ugu guulaystay arimahan oo kale markii ay Dowladda Liibiya ay Xabsiyada ka Siidaysay Muwaadiniin Soomaaliyeed oo waqti fara badan Xabsiyadooda ku jiray haddana ay qaar fara badani ay ku Xiran yihiin.

Eng. Cabdulqaadir Cumar Yuusuf (Daandurey)
Somalihungerhivprojectus2004@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com |  August 20, 2008

BAARID | SEARCH


Hayadda batroolka SoomaaliyaDFKMG oo Heshiis u Saxiixday Shirkadaha Batroolka ee Kuwait Energy iyo Medco Energi...
Maadaama shirkadahaasi jaal la ahaayeen Geeddi ma lagu macnayn karaa in la soo celinayo Geeddi Akhri


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS