Barnaamijkii Radio Xoriyo
12 August 2008.
Dagaallo lagu naafeeyay ciidammada gumaysiga
Dil iyo dhibaatooyin kale oo gumaysigu dadwaynaha u gaystay
Saraakiil Wayaane ah oo dhexdhexaadinaya madaxda Soomaalida
OSF-Sweden oo shir ku qabatay Stockholm.
Barnaamijkii Aragtida Halgamaaga(Mar Idage Alle Hadago).
======================
Dagaallo lagu naafeeyay ciidammada gumaysiga
11/08/08 waxaa weerar mir ah loo gaystay ciidammada gumaysiga ee ku sugan
Bukudhabo, waxaana laga dilay 4 askari, 3 kalana waa laga dhaawacay.
07/08/08 ciidammo gumaysigu leeyahay oo ku sugnaa Jajabo, oo ka tirsan degmada
Xamaro, ayaa weerar gaadmo ah lagu qaaday, waxaan laga dilay 4 askari, 6 kalana
waa laga dhaawacay.
06/08/08 weerar lagu qaaday ciidammada gumaysiga eek u sugan Farmadow waxaa
lagaga dilay 3 askari, 4 kalana waa lagaga dhaawacay.
Isla 06/08/08 Tamsa, oo Hora-qaliifo ka tirsan, waxaa weerar gaadmo ah loogu
gaystay ciidammo gumaysigu leeyahay oo halkaas hawlgal u tagay, waxaana la
gaadhsiiyay khasaare aan faahfaahintiisa la haynin.
Sidoo kale 06/08/08 dagaal ka dhacay Ceelo-obo waxaa gumaysiga lagaga dilay 6
askari, 2 kalana waa lagaga dhaawacay.
05/08/08 dagaal ak dhacay meesha lagu magacaabo Qudhac-ramale, oo Barta ka
tirsan, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 1 askari, 1 kalana waa lagaga
dhaawacay.
Isla 05/08/08 dagaal ka dhacay meesha lagu magacaabo Ceel Madigan waxaa
gumaysiga lagaga dilay 4 askari, 2 kalana waa lagaga dhaawacay.
02/08/08 dagaal ka dhacay Agasla, oo Ban-baas ka tirsan, waxaa gumaysiga lagaga
dilay 2 askari, 3 kalana waa lagaga dhaawacay.
Isla 02/08/08 dagaal ka dhacay Ina Samriye, oo Jigjiga ka tirsan, waxaa
ciidammada gumaysiga lagaga dilay 3 askari, 2 kalana waa lagaga dhaawacay.
Sidoo kale 02/08/08 dagaal ak dhacay Daahyaale, oo ka tirsan Jaleelo, waxaa
ciidammada gumaysiga lagaga dilay 4 askari, 5 kalana waa lagaga dhaawacay.
01/08/08 ciidammo gumaysigu leeyahay oo hawlgal u tagay meesha lagu magacaabo
Dhankayo, oo Dhagaxle ka tirsan, ayaa weerar gaadmo ah lagu qaaday, waxaana laga
dilay 1 askari, 3 kalana waa laga dhaawacay.
31/07/08 dagaal ak dhacay Gabiib, oo Fiiq ka tirsan, waxaa ciidammada gumaysiga
lagaga dilay 1 askari, 3 kalana waa lagaga dhaawacay.
27/07/08 dagaal ka dhacay Bisiqa, oo Uubataale ka tirsan, waxaa ciidamada
gumaysiga lagaga dilay 3 askari, 2 kalana waa lagaga dhaawacay.
Dil iyo dhibaatooyin kale oo gumaysigu dadwaynaha u gaystay
Ciidammada gumaysiga ayaa dhibaatooyin kala duwan oo dil iyo xidhay ka mid
yihiin u gaystay dadwaynaha rayadka ah ee Ogaadeenya. Dhibaatooyinkaasina waxay
u dhaceen sidatan;
09/08/08 waxay ciidammada gumaysigu Dhagaxmadow jidhdil, dhac iyo xadhay ugu
gaysteen dadka kala ah;
1- Khadar Faseex iyo
2- C/llaahi Saxane oo ay 1500 oo Bir ka dhaceen.
08/08/08 Qabribayax waxay ciidammada gumaysigu ku xidheen nin lagu magacaabo
Xasan Maxamed.
Sidoo kale 08/08/08 Boodhley, oo Shaygoosh ka tirsan, waxay ciidammada gumaysigu
ku xidhxidheen dadka kala ah;
1- Xuseen yuusuf Cali iyo
2- Axmed-nuur Macalin Maxamed
03/08/08 degmada Haarcad waxay ciidammada gumaysigu jidhdil nafta kaga qaadeen
nin lagu magacaabo C/kariin Maxamed Carte. Waxay sidoo kale halkaas ku
xidhxidheen 19 qof oo kale oo aan magacyadooda ka hayno C/nuur C/llaahi Ibraahim
iyo C/llaahi C/qani Diiriye.
02/08/08 magaalada Dhuxun waxay ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen 13 qof oo
rayad ah, waxaana magacyadoo helnay;
1- Mustafe Xasan Maxamed
2- Sayid Maxamed Diiriye
3- Macalin Cabdi
01/08/08 Hunjurri, oo Dhagaxbuur ka tirsan, waxay ciidammada gumaysigu ku
xidhxidheen 12 qof oo shacab ah, oo ay ka mid yihiin;
1- Baddal Xuseen Muxumed
2- Maxamed Yaasiin Aw C/llaahi iyo
3- Cabdi Khaliif Takhal
30/07/08 degmada Dannood waxay ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen 11 qof oo
shacab ah, hase yeeshee waxaan magacyadooda helnay;
1- Amal Maxamed Taani
2- Muna Cabdi Carab iyo
3- Deeq Cabdi Carab
17/07/08 degmada Xamaro waxay ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen ugu yaraan 23
qof oo shacab, waxaana magacyadooda helnay;
1- Xabsa Xasan Ciise iyo
2- Xamdi C/qaadir
Saraakiil Wayaane ah oo dhexdhexaadinaya madaxda Soomaalida
Saraakiisha Wayaanaha ee awoodda kama denbaysta ah ku leh dalka Soomaaliya ayaa
toddobaad ka dib dib ugu laabtay magaala madaxda Soomaaliya ee Muqdisho, si ay
kala dhex-galaan madaxda ugu sarraysa dowlada ku meelgaadhka ah ee Soomaaliya.
Jannaraal Gabre iyo Jannaraal Yohanis ayaa magaalada Muqdisho ku laabtay, ka dib
markii horraantii bishan looga yeedhay xarunta gumaysiga ee Addis Ababa,
halkaasoo looga soo dhiibay qorshayaashii ugu denbeeyay ee lagu kala dooran
lahaa C/llaahi Yuusuf iyo Nuur Cadde, oo kala ah madaxwaynaha iyo raʼiisal
wasaaraha Soomaaliya.
Labadan Jannaraal ayaa ah kuwa kaliya ee sida dhabta ah uga taliya meelaha ay
xarumaha ku leedahay dowlada ku meelgadhka ah ee Soomaaliya, gaar ahaan
magaalooyinka Muqdhisho iyo Baydhabo.
Saraakiishan gumaysiga ayaa ka faaʼiidaysanaya khilaafka dhawaan soo kala
dhex-galay C/llaahi Yuusuf iyo Nuur Cadde, waxayna isniintii billaabeen kulano
ay mid walba goonidiisa ula yeelanayeen.
Sida laga soo xigtay tilifishinka Al Jazeera waxay Wayaanuhu ku talajiraan inay
wax ka beddalaan saaxibtinimadii ay la ahaayeen C/llaahi Yuusuf, haddii uu
khilaafka hadda jira sii xoogaysto
12 August 2008
Axmed Gaal-Eri
Radioxorio@radioxoriyo.com
Raadioxoriyo@yahoo.com
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 41 MB ee dhererkeedu yahay 7560
KHZ,iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com Maalmahaa Talaadada & Sabtida
5:00PM – 5:30 waqtiga Afrikada Bari
Faafin: SomaliTalk.com | August 12, 2008
|