SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Doorashada Madaxweynaha Puntland waxa ka muhiimsan Soo xulidda xildhibaanada Baarlamaanka Puntland 
 

Marka hore mahad idilkeed waxaa iska leh Allaah, naxariis iyo nabad gelyana Rasuulkeenii ayeey korkiisa ahaatay. Intaas kadib dhammaan akhristayaasha sharafta lahow iga gudooma salaanta islaamka (A.C.W.W ). 
 

Marka  uu qofku rabo in uu wax soo saar sameysto, waxey doonaanba ha ahaadeene, waxa uu marka hore sameystaa wax la yiraahdo maalgelin ama wax gashi ha noqoto macluumaad, ha noqoto awood ama haba noqotee dhaqaale. Ogow qof walba hadba inta uu la yimaado waxgashi ( Input ) ayuu helaa jawaabteeda. Marnaba ma dhici karto in la helo wax iska hagaagsan iyadoon horey looga sii shaqeyn. Xigmad horaa aheyd ninkii beerta ayaa gurta. Haddaba ogow kolba beeritaankaagu, intuu noqdo ayaad goosan doontaa.  
 

Maamul Goboleedka Puntland, golihiisa Baarlamaan sida la ogyahay waxa uu ka kooban yahay dhowr iyo lixdan Mudane. Mudanyaashaas waxey kasoo baxaan sida lagu soo waramo Qabaa’il;ka ku nool deegaanada Puntland. Haddaba mudanayaashaas ayaan loo aabo yeelin, oo ay qabiiladu iska soo diraan hadba kii ladoono. Ma eegaan ninkan Muxuu beesha u qaban karaa, Muxuu Bulshadda Puntland u qaban karaa, Muxuu caam ahaan Soomaaliya u qaban karaa, Muxuu nafsadiisa isaga u qaban karaa. Waxaa xaqiiqo ah in ay qaarkood mudanayaasha aany waxna qorin, waxna aqriyin. Sidoo kale waxaa dhici kartaa inay qaarkood iska ahaan jireen jiri iyo mooryaantii magaalada kuwood ugu tug tug roonaa. 
 

Haddaba waxaa isweydiin leh, iyadoo uu golaheenii baarlamaan uu sawirka noocaas ah leeyahay, sidee ayaad uga filaysaan inaad heshaan dowlad ku dhisan Karti, aqoon, cadaalad iyo weliba islaamnimo. Waa waxaan dhici karin in la helo, haddii aan la sixin halka ay cilladu ku jirto. Markeedii horeba khaladku wuxuu ahaa in la yiraahdo qabaiilada halaga soo xulo xildhibaanada, oo waxey ku hagaagsaneyd in la yiraahdo halagu yimaado qaab xisbiyeed, taasoo mustawo ahaan aad u heer sareysa. Laakiin hadda maaha mid laga gaaro, oo qaabkii hore ay wax ku socdeen bal hala isku dayo in la saxo. 
 

Waxaan aaminsanahay haddii beel walba ay shiraan intooda caqliga iyo talada ehelka u ah, sida Issimada, nabadoonada, cuqaashi, waxgaradka, aqoonyahanada, culumada, ganacsatada, bulshada rayidka iyo haweenkoodaba, oo ay isla gorfeeyana kaalintooda uga aadan Dhisitaanka Puintland, oo ay isla fiiriyaan qofka ay u dirsanayaan maamulka, nooca iyo shaqsiyadda uu leeyahay, oo ay wadatashi dheer iyo iyagoo talada Allaah saartay, eegayna, rog rogayna qofkan aadaya aqalka mudayaasha taariikh nololeedkiisi iyo wixii uu soo ahaan jiray, ma yahay qof lagu kalsoonaan karo, ma yahay qof wax ku doorta mabda’ , ma yahay qof ay ka go’an tahay inuu ka qeyb qaato horumarka Puntland. Kadibna  loo soo duceeyo, lana soo siiyo dardaaran iyo wacyi gelin buuxa, waxaan qabaa inay soo bixi lahaayeen Xildhibaanadii Puntland ka shaqeyn lahaa horumarkeeda. Laakiin haddii lagu soo xulo kan ayaa beesha wax u soo dhicin kara, kan ayaa odayaasha afgaran kara, kan ayaan ka dhashay jufo laandheere ah iyo kan ayaa yaqaan sida wax laysu daba mariyo, ogaada waxa idiin soo baxa waa mid kasii liidata midda hadda idiin hor taagan. 
 

Puntland maanta waxey u baahan tahay in Aqoonyahandeeda, Culumadeeda, waxgaradkeeda, Isimadeeda iyo dhammaan inta ay ka go’do talada Puntland, in arintan la dar dar galiyo, oo laga shaqeeyo sidi loo heli lahaa xildhibaano tayadooda sareyso, oo wax ka badala nidaamkan fashilka ah ee waayahan Puntland lasoo darsay. Ogaada inti ay ku lumi laheyd waqti iyo dhaqaale kaloo fara baddan doorashada Puntland, tiiyo la qaadayo waddadii hore, waxaa inoo wanaagsan in leyska daayo middan hadda joogta, waayo maxaa iyadaba lagu heystaa oo lagu badalayaa. Waxa wanaagsan in leysla garto waxa la badalayo. Ma waxeynu badaleynaa shaqsi, oo qof kale ayeynu ku badaleynaa, mise waxeynu badaleynaa Qabiil hebel, oo qabiil kale ayaa ay tahay markoodii inay talada qabtaan, mise nin fulaan ayaa noogu Tekniko baddan oo isaga ha inoo taliyo, haddii ay arintu sidaas tahay ogaada yaanan waqti leyska dayicin, oo dhibaato hor leh hadda yaan loo horseedin ummaddaas iska degan, oo sida ay hadda wax yihiin haloo daayo. Laakiin haddii ay arintu tahay waxeynu u baahanahay isbadal ku yimaada xag maamul, dhaqaale, bulsho , caafimaad iyo weliba xag walba oo ku dhisan horumarka Punland, aynu raadino imminka ayeynu heysanaa fursad, oo qolo waliba ha isku noqoto oo si wadajir ah haloogu shaqeeyo sidi loo heli lahaa shaqsiyad lagu soo xulay tayadooda waxqabad haddey noqoto aqoon, karti, cadaalad, alla ka cabsi iyo weliba inay ku jirto dareen ah inay hormariyaan aayaha Puntland. 
 

Waxaa kaloo iga talo ah, in haddaba lasii qeexo Shaqsiyaadka isa soo sharaxay waxey galaan iyo wqxaxey gudaan, oo yaanan fursad lasiin inuu isa soo sharaxo shaqsi la ogyahay wuxuu galo, oo lagu yaqaan wax isdaba marin, aqoon darro, cadaalad xumo, musuqmaasuq iyo weliba alla ka cabsi la’aan. War yaanan nala degin, oo nala qaldin oo ha eegin hebel waa aqoon yahan iyo waa nin karameed. Ku qiimeey qofka isa soo sharaxay ma yahay qof dhinac walba ka dhisan. 
 

Waxaan qoraalkeyga  kusoo gabagaberynayaa war aynu isdaba qabano weynu ka harnay ummaddaha adduunka, oo adduun iyo aakhraba waxaa nala haray Qabiil iyo wax magarato na hor boodeysa. Maanta reer puntlaandow waa waqtigi aad codkaaga ku iibsan laheyd kii kuu horseedi lahaa horumar ama kii kuu horseedi lahaa sanadaha soo socda isciil kaambin iyo ka shaleyn. Waxaa inoo Ballan ah inshaa’allaah in aynu soo xulno gole baarlamaan oo ku yimid karti, cadaalad, waxgaradnimo, alle ka cabsi iyo dareen horumar ku dhisan.. naga ilaaliya kuwa caqligooda iyo cilmigooduba uu ku dhisan yahay laaluush, qayilaad, tumasho, qabali iyo afgarad. 
 

Allaah waxeynu ka baryeynaa inuu bulshadeena kuwooda waxgaranayaa uu talada iyo towfiiqdaba waafajiyo. Aaaamiinn. 
 
 

Wabilaahii Towfiiq

Qalinkii Cabdixakiim Jaamac jooje.

saicentadv@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com |  August 6, 2008

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS