Ninkii waxa xamar ka socodanaya Jihaad Moodayayoow ku quuso hooyooyinkii
nadaafada
Cabdiraxman
Xariri
xariri@hotmail.com
26kii Decembar 1979 ciidamadii soofeetigii burburay oo qalabkoodu uu
dhanyahay tiradoodana lagu qiyaasay 100kun ku dhowaad ayaa la wareegey
oo qabsaday afqaanistaan. Dowlada Maraykanka oo ay markaa ku
xafiil-tamayeen soofeetiga maamulka (dunida) ayaa markiiba u aragtay in
arinkaasi khatar ku yahay amaankeeda iyo amaanka wadamada ay saaxiibka
yihiinba sidaa darteed waxay bilawday inay abaabusho ciidam "hab
diimeed" ku dagaalama oo loo bixiyey Mujaahidiinal Afghan, kuwaasoo lagu
qanciyey 'In dhul muslim lagu soo duulay isla markaasna Jihaad
waajibay". Raga xilgaas waxay hayeenba dhigay ee jahaadka Maraykanku
homuudka ka ahaa u dareeray waxaa ka mid ahaa Sh. Cabdallah Cazaam alla
ha u naxariistee oo ahaa falastiini ku noolaa Urdun iyo Osama Binladen
hogaamiyaha kooxda al qaacida ee xiligan.
Jabhadiihii mujaahidiinta loo bixiyey waxaa saldhig looga dhigay
magaalada bashaawar ee wadanka Bakistan Waxaana dhinac walba kaga soo
furmay hub casri ah oo maraykanku ku deeqay iyo lacag hagar la'aan ah oo
wadama carabta ee batroolka lihii ay u hureen jahaadka ujeedooyinka
badan huwanaa ee ruushka lugula jirey.
Ugu danbayntii dhimasho iyo burbur badan ka dib waxaa lagu guulaystay in
soofetigii laga saaro afqaanistaan, laakiin howshii halkaa kuma dhamaan
nimankii dagaalyahaniita ahaa ee la isaga keenaya aduunka daafihiisa
waxaa mid waliba ku soo noqday wadankiisii isagoo xanbaarsan figrado
argagaxiso oo xag jira doonayana in dowladihii ka dhisnaa wadamiidiisa
uu manja xaabiyo abuurana dowlado ay iyagu maamulaan oo hogaankeeda
hayaan. Waxaa intaa dheer magaalada bashaawar oo ah halkii la dejiyey
dagaalayahaniintii la dagaalamayey ruushaka waxay isu rogtey goob fowdo
ah oo amaan daro baahday ka jirto, waxayna ku caan baxday ilaa maanta
aynu joogno meesha ugu mukhaadaraadka badan Bakistan iyo gobolkaba.
Dowlada maraykanka oo lahayd figrada asaasida mujaahidiinta afqaanistaan
iyadoo is lahayd xiligaa ku xumee ruushka si ay ugu noqoto Vietnam oo
kale ayaa waxaa ay ilaa maanta kula jirtaa dagaal mujaahidiintii ay
iyadu abuurtay dagaalkaas oo saameeyey nolosha baniaadamka caalamka ku
nool oo dhan.
Qabsashadii ciraaq 2003 waxaa aad uga carooday suniyiinta ciraaq oo ah
dadkii uu ka dhashay madaxweynihii hore Saddam Xuseen (Allah ha u
naxariistee), waxayna bilaabeen inay marti geliyeen dabley ka kala timi
daafaha dunida oo ku doodaya inay yihiin Mujaahidiin doonaya inay
wadanka ciraaq ka xoreeyaan gaalada ku soo duushey, dadka reer Anbaar oo
lagu yaqaan marti soor iyo gobonimo waxay u fidiyeen taageero hiil iyo
hooba leh dagaalyahaniintaas u soo gurmadey, nasiib xumo mudo yar ka dib
waxay bilaabeen inay ku amar kutaag leeyaan dadkii reer ciraaq ee soo
dhoweeyey, waxayna faraha ka laabteen la dagaalankii maraykanka oo waxay
u jeesteen laynta shacabka ciraaq oo ay ugu horeeyaan reer Anbaar.
Sheekooyinka yaabka leh ee arxan darada ha ee dhacay waxaa ka mid ah in
Argagixisadu maalin maalmaha ka mid ah soo dhigeen meel kaalin ah oo
shidaalka laga qaato booyad weyn oo ay sheegeen in uu ka buuxo Batrool
lacag la'aan ah oo ay dadkii ugu yeereen inay qaataan Batroolkan
bilaashka ah, gobolkaas oo ay xiligaas ka jirtey shidaal yari dadkii oo
yar iyo weyn leh waxay ku qamaameen si ay wax uga helaan batroolka la
sheegay inuu bilaash yahay, xataa waxaa dhacday in dadkii baabuurta
watey qaarkood baabuurtii joojiyeen oo jirikaano la soo yaaceen. Nasiib
xumo marka cadadkii ugu badnaa ee dad ahi ku soo xoomeen booyada
hareeraheedii ayay mar kaliya remote ku qarxiyeen booyadii oo ay ka
markii horeba ka soo buuxiyeen waxyaabaha qarxaa..........!! ugu yaraan
190 qof oo ay ku jiraan caruur, dumar iyo waayeel ayaa goobtii ku naf
waayey, dhaawacuna waa tiro beelay.
Ugu danbayntii waxay ku kaliftay shacabkii reer Anbaar inay samaystan
ciidan u gaar ah oo ay buxiyeen "Saxwatul Anbaar" kuwaasoo la dagaalama
kooxaha argagixisada ah ee ay markii hore moodayeen mujaahidiin u soo
gurmaday inay dalkooda la xoreeyaan, laakiin ay cadaatay in hadafokoodu
yahay dhiigyacab-nimo iyo arxan daro.
Anigoo tacsi u diraya ehelka hooyooyinka la xasuuqay hadana waxaan
jeclahay inaan dad badan oo u haystey in xamar jihaad ka socodo ay ku
quustaan xasuuqa hooyooyinka ogaadaana in hadafku yahay yaraysi dhiig
islaam iyo soomali layn.
Walaahu Aclan
Cabdiraxman Xariri
xariri@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Qoraaladii
Hore ee Xariiri