C/waaxid Khaliif; Qoraa saadaal-wareeray
Wuxuu ka mid ahaa dadka ugu qoraalada badan sanooyinkii lasoo dhaafay ee maqaalo
isdaba-joog ah ka qorayey xaalka sida jawiga dabeysha oo kale isku rog rogaayey
ee Soomaaliya, inkastuu maalinba meel soo joogay, maruu Qabyaalad ka hadlo,
maruu Halgamaa islaami ah isku ekeeysiiyo iyo inta sal-fududaado ku kaco meel ka
dhac kii ugu weynaa ee uu u geysto Culimada sharafta badan ku dhax leh umadda
soomaliyeed.
Waxaan markii iigu dambeysay akhriyey maqaal uu ka qoray shirkii Sanca ee Sheekh
Shariif iyo Shariif Xasan, si la mid ah kuwo Xuseen Caydiid ka shidaal qaata oo
Boggaga internet-ka qaarkood ku qoray in Shariifku uu Halkaas kula kulmay Wasiir
Itoobiyan ah oo kale ayuu isna u hadlay oo kaaga sii darane Sheekh shariif
Sheekh Axmed ku tilmaamay Khaa'in!!!. tanina waxay ahayd wax aanan waligey ka
maleysan Nin sidiisa ah oo kale inuu qoro. Si kasta oo aadan ula dhacsanaan
siyaasaddiisa, ma ahayn inaad ku dhiirrato adeegsiga Eraygan culus ee 'Khaa'in'
iyo kuwo kasii daran oo ay kamid ahayd Gaalo-raac , lacaguu mareykana ka qaatay
IWM.
Iyadoo ay in badan oo Soomaalida ka mid ahi faruryaha la qaniineysay Aflagaadada
uu Cabdulwaaxid ku kacayey dhawaanahan ee ka dhanka ahayd Sheekhaas miskiinka ah
ayuu haatan isku rogay afku-leeble dadka habaara, Halaag baa u sugnaaday kuwa
Jabuuti jooga' waxay ahayd oraah aan kala dhaxbaxay qoraalkiisii ugu dambeeyey
ee uu ku qoray Bogga Somalitalk.com.
Yaab badanaa!!!, ma waxay ku muteen inaad sidaas u habaarto inay Nabad-raadiyeen
oo u naxeen maatida daadsan Muqdisho iyo Afgooye inta u dhaxeysa...malaheyga
Cabdulwaaxid wuxuu ka midyahay qaar soomalida ka mid ahoo markasta ka shaqeysa
ama jecel in Muqdisho iyo qeybaha kale ee koonfurta dalku dulliga iyo dagaalada
ku jiraan. haddii aanu sidaas ahayna afkiisa kuma habaareen dadka nabadda
raadinaya ee dayac dadkaas heystaahi dhibeyso.
Qoraalkiisii ugu dambeeyey Alshabaab iyo Alsheyb ayaan akhriyey, waxaanse kala
saari waayey inuu xambaarsanaa mijaalillo dadka looga qoslisiinayo iyo inuu ahaa
saadaal-siyaasadeed waaqici ah.
Marka uu leeyahay waa adduunyee sow lagama yaabo in Cabdullaahi Yuusuf, Max'ed
Dheere iyo Cabdiqeydiid kasoo saftaan dhanka Muqaawada ama Maxkamadaha, Sheekh
shariif iyo Nuurcadde na kasoo jeestaan dhanka Tigree ga (Nuur cadde wuu kasoo
jeedaa hadaba) maxaad akhriste ku sifeyn lahayd saadaasha nuucaas ah....uma xuma
nin saadaal-wareeray waxaanse hubaa inaadan arki doonin Sheekh shariif oo dhanka
Tirgee ga kasoo jeeda, sida aad adigu la jeclaan lahaydse muujisaye Ishaada
baxarka.
Si kasta oo qolada haatan Asmara joogta aad ula heysato, si kasta oo aad
adeerkaa Cabdulaahi Yuusuf ugu amaanto inuu yahay Nin aan moqifkiisa qarsan, si
kasta oo aad nooga dhaadhiciso inuu yahay nin madaxtinimada uu maanta hayo usoo
maray dhibaatooyin adag sida inuu 'kaadidiisa usoo cabbay', si kasta oo aad jar
uga tuurto Sheekha weyn ee Xasan Daahir Aweys oo aad ku bogaadiso ceebta uu ku
kacay ee ah inuu isagoo Da'dii 80-ka madax la galay maanta isku magacaabo si cad
jago jabhadeed ka uu hayo wiilka uu dhali karo..si kasta oo aad Wajiyo-badane
Xuseen Caydiid..ninka xaafad London ku taallaa laga dooran waayey ee Zakariye
Max'uud ugu yeerto halgamayaal misna aad inta tirada badan ee Jabuuti joogtaa
ugu habaarto in Ilaahey halaago,ayaan kugula talin lahaa inaadan waligaa
xaqiiqda garab marin oo aad hoos u dhugato sida ay u kalamiirmeen garabyada
Maxkamadihii Islaamka iyo halka ay maanta Dadka Soomalidu badankood la heystaan,
Ileyn nabad baa naas la nuugo leh.
Mana ahan inaad dadka u jiheyso meel mugdi ah oo waxa ku dhax jira aaney cidi
garaneyn..waxaan taas ka wadaa.. ma ii sheegi kartaa cidda hoggaamisa
Alshabaabka aad ku tilmaameyso inay yihiiin kuwii dariiqa saxda ah ku
taagnaa...ma waxaad umadda Soomaaliyeed ka gadi lahayd inay saxsanyihiin nimanka
maanta ku faanaya waxaa nala jooga dagaalyahano Ajnabi ah oo ay qaarkood waliba
kaga geeriyoodeen dagaalo dhawaan ka dhacay Gobolka Bakool.....ma kuwii run ka
dhigay wixii Sheekh shariif iyo kooxdiisu lahayd hala beeniyo oo ah inaan
dalkaan wax ajnabi ah joogin ayaad maanta so hormarineysaa oo aad ku
taageereysaa dagaalka caalamiga ah ee ay wadaan. waase maxay waxa ay usii
dagaalamayaan xataa haddii ay Tigree gu waddanka ka baxaaan??.sowse kuwan iyo
kuwa la midka ah maahan kuwa naloogu soo marmarsiyooday oo dagaalkaba naloogu
soo qaaday... waxay dad badan la tahay inay Alshabaab iyo Aabayaashood labo
Sheekh Xasan yihiin kuwa adduunyadana nagu soo jeediyey
Garabka Asmara ayaad aad u qaad qaaday oo aad ka dhigtay dad meel gaari
doona...adigoon dabcan hoos u dhugan shaararka ay gashanyihiin iyo sumcadooda
caalamku sida ay tahay...maxay taladu ka wareertay markii kooxda Asmara ay
aqbaleen inay madax ka dhigtaan Hogaamiye isagiiba dhuumaaleysi ku jira....Sac
ninkii lahaa saynta uga taaganyahay ma kaco!! hadda sidee ayey rabaan inuu
sheekhu meel wax ku geeyo..ma dhoofi karo....malaha wuxuu siyaasada ururkaan ku
hagi doonaa Warqado uu Ururada Caalamka iyo Dowladaha u kala diro.
ismagacaabistii Sheekhuna wax badanbey sumcadiisii u dhintay.
Ugu dambeyntii, waa ceeb aan aakhiro iyo adduunba ku wanaagsanayn inaad
Qalinkaaga ku aflagadeyso qof muslim ah oo aan waxba kaa galabsan, dhaaliishu ma
xumo laakiin meel ka dhacu waa xaaraam, aanna ku xasuusiyo inaad dib u akhriso
Xeerarka Saxaafadda, ugu yaraan, waddanka aad joogto ee Uk oo Erayada qalafsan
ee aad adeegsatay u yaqaan Libel case haddii lagugu soo oogi lahaa dacwad
nuucaas ah. waxaan ka wadaa saaxib inaan wada dhowrno Asluubta Qoraalka oo waxa
aan qoreyno aanan u adeegsan inaan ku dhawaacno sharafka qof kale.
W/Q: Qaasim Cabdulle Xuseen (Nero)
qaasimnero@hotmail.com