Jaamacada Muqdisho oo xarun cusub ka furatey Bosaso
Sawirada Xafladda Halkan ka daawo...
Xaflad si weyn loo soo agaasimey oo ka dhacdey hoolka Villagey ayaa
waxaa lagu furayey jaaamacada muqdisho oo xarun cusub ku yeelatey
magaalada bosaso.
Xafladan ayaa waxaa ka soo qeyb galey wasiirka waxbarashada wasiirka
warfafinta. Wasiirka amniga iyo wasiirka macdanta iyo masuuliyiinta
gobolka bari iyo kan degmada bosaso iyo martisharaf kala duwan oo ay ka
mid ahaayeen odayaasha daqanka iyo isimada Puntland.
Masuuliyiinta jaamacada muqdisho oo halkaasi kahadley ayaa sheegey in
ay bilaabeen sanadkii 2007 daraasaad manta surrto galisey in laga furo
jaamacada muqdisho Bosaso.
Wasiirka amniga DG Puntland oo halkaasi ka Hadley ayaa aad u soo
dhaweeyey sheegeyna iney tahey hormar aad u weyn oo loo talaabsadey
dhinaca waxbarashada.
Isagoo sidoo kale wasiirka waxbarashaduna si weyn u soo dhaweeyey
furitaanka jaamacada Muqdisho sheegeyna inuu aad ugu faraxsanyahay ayna
dad badan ay ka faaiidaysan doonaan jaamacada muqdisho.
Isimada iyo waxgaradkii ka soo qeyb gakey ayaa si weyn u soo
dhaweeyey iyagoo sheegey in ay tahey hormar ay keentey jaamacada
Muqdisho oo xarun ka furaneysa bosaso.
Si kastaba ha ahaatee dadweynihii ka soo qeyb gale iyo masuuliyiintii
halkaasi hadalada kala duwan ka soo jeediyey ayaa aad u soo dhaweeyey
jaamacada Muqdisho.
C/qani Xasan Dhagjar
Bosaso Puntland
binuxasan90@hotmail.com