SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Banaanbaxyada isbedel doonka ah oo ku soo badanaya Magaalada Muqdisho

Sawirada Bannaanbaxa ka daawo halkan...

Bannaanbax ballaaran oo lagu taageerayo magacaabista Kusimaha Gobolka bannaandir Md Maxamed Cisman Cali ( dhagaxtuur) iyo xil ka qaadistii Gudoomiyihii duqa Magaalada Maxamed dheere oo maanta (Aug 5) ka dhacay degmada madiina Magaalada Muqdisho ee G/banaadir.

Banaanbaxaan oo ahaa mid si heer sare ah loo soo agaasimay oo ay ka soo qayb galeen qaar ka mid ah mas’uuliyiinta xukuumadda Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde ) iyo waliba guddoomiyeyaasha degmooyinka, Wadajir Yaaqshiid Axmed Xasan Caddoow (Axmed Daaci) Muxiidiin Xasan Jurus iyo Gudoomiye ku xigeenka Duqa magaalada Muqdisho ee dhinaca amaanka C/fitaax Ibraahin Cumar Sabriye (shaaweeye) iyo waliba marti sharaf kale oo lagu casuumay ayaa manta ka dhacay degmada wadajir ee G/Banaadir.

Bannaanbaxan oo ahaa mid ballaaran, oo lagu taageerayey xil ka qaadistii guddoomiyihii hore ee gobolka banaandir Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) isla markaasna ahaa mid lagu soo dhaweynayey magacaabista Ku simaha Guddoomiyaha Gobolka Banaandir Maxamed Cusmaan Cali (dhagaxtuur) ayaa ka dhacay dhismaha degmadda madiina.

dad weyne aad u ballaaran oo dhamaantood watay boorar ay ku qornaayeen erayo muujinaya sida ay raaliga uga yihiin Maamulka cusub ee Ra’iisal wasaaraha Dowladda uu u magacaabay, iyo waliba Ubaxyo Qoyan oo ay wateen 4ta waxood ee degmada wadajir ay ka kooban tahay sida Tima cadde, Xaawo taako, janan daa’uud, iyo waaxda Xalane, ayaa ka soo qayb galay bannaanbaxaasi.

Aayado Quraan ah kadib Waxaa halkaas ka hadlay wasiiro uu ka mid ahaa wasiirka arrimaha gudaha Muuse Nuur Amiin oo qadka talephonka uga qeyb qaadanayey banaanbaxa manta ka dhacay dagmada wadajir,Waxaana uu sheegay inuu aad ula dhacsan yahay qaabka siyaaseed ee Md Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) iyo sida uu u wajahay dib u heshiisiinta uu ka dhax wado DFKM iyo kooxaha mucaaradka, waxaa kale oo wasiirka arrimaha gudaha uu soo hadal qaaday inuu ku faraxsan yahay isla markaana uu soo dhaweynayo magacaabista xilka ku simaha Guddoomiyaha gobolka banaandir, isagoo ballan qaaday inuu la shaqayn doono maamulkaas cusub ee badalay maamulkii xilka laga qaaday ee Maxamed dheere.

Waxaa bannaanbaxa manta ka dhacay degmada wadajir ka hadlay ku simaha Guddoomiyaha Gobolka banaadir ee badalay Duqii hore ee magaaladda Muqdisho,Maxmed Cusmaan Cali (Dhagaxtuu) taasoo ku timid wareegto ka soo baxday xafiiska Ra’iisal wasaaraha Nuur Cadde, Waxaa uu sheegay in dadka reer banaandir uu u hayo Istaraatiijiyad wanaagsan oo wax badan ka badalan tii hore, waxaa uu carabka ku dhuftay inuu furayo waddooyinka xiran ee magaaladda Muqdisho waxaana uu carabka uu ku adkeeyey wadada wadnaha , taasoo ka xiran halka loo yaqaan taleex, Dhagaxtuur oo ka hadlayey munaasabad ka dhacday degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho oo lagu soo dhoweynayey xilka loo magacaabay ayaa sheegay inuu dib u soo celin doono adeegyadii bulshada ee magaalada Muqdisho sida korontada, biyaha iyo nadaafada isagoo ka codsaday shacabka ku dhaqan magaalada iney ku gacan ku siiyaan xilka cusub ee loo magacaabay

hadalkaas kasooyeeray Kusimaha Guddoomiyaha Gobolka Md dhagaxtuur ayaa waxaa uu ku kasbaday sacab baaxad weyn, iyo jawi farxaddeed oo ay ku soo bandhigeen ka qayb galayaashii bannaanbaxaas
Sidoo kale bannaan baxaasi waxaa ka hadlay Wasiirka Beeraha Md Mustaf Sheekh Cali
Dhuxuloow oo isagoo jooga magaalada baydhabo bannaan baxan uga qayb galay qadka taleefoonka, wax laga naxo waxaa uu ku tilmaamay in xil laga qaado Guddoomiye gobol in ay isku casilaan Gole wasiiro, oo dadka ay xilka u hayaana ay yihiin dad ku jira xilli xasaasi ah, oo looga fadhiyo wax ka qabashada dagaaladda iyo soo nooleynta nabadda, waxaa uu tibaaxay in manta loo baahan yahay in la ambaaado, lana dhiiri gelinayo horumarinta dadaalada nabad raadinta,

Waxaa isna goobtaas ka hadlay Guddoomiye ku xigeenka Gobolka banaadir ee xagga arrimaha nabad galyada C/fitaax Ibraahin Cumar (Shaaweeye) waxaa aad ugu nuuxnuuxsaday gabood falkii maalinta sabtida ahayd ka dhacay wadada Makka Almukarama , halkaas oo qarax bam uu ku qabsaday hablihii nadaafadda iyo bilicda gobolka banaadir ka waday, waxaa uu falkaas ku tilmaamay mid ka dhan ah bini’aadannimada, “ waxaa wax lala yaabo ah dad ka shaqaynaya nadaafad oo aan ku jirin siyaasas sababta loo laayey, waa mid ku dhisan xasuuq loo geysanayo dadka maatida ah ee aan waxba galabsan” sidaas waxaa yiri Md Shaaweeye oo ka hadlayey banaanbaxa,


Bannaan baxa manta ayaa waxaa lagu soo bandhigay ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka, heeso gabayo iyo waliba buraanburo, oo ay soo agaasimeen abwaaniin caan ka ah gobolka banaandir .

Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
0025215576666
002525907666

Faafin: SomaliTalk.com |  August 6, 2008

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS