SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Ganacsiga magaaladda Baydhabo oo xiran maalintii labaad (Aug 5)

Isku socodka dadka iyo Gaadiidka magaalada Baydhaba ayaa maalintii labaad xiran ka dib markii ay ciidamada Itoobiyaanku maalintii labaad isku ballaariyeen wadada dhaxmarta magaalada Baydhaba,ciidamada oo kaashanaya kuwa dhowaan laga keeney dalka Itoobiya ayaa gaaf wareegaya waddooyinka magaalada Baydhaba iyagoo shacabka fara ku tiriska ah ee goobahooda Ganacsi furan yihiin ku amraya inay xiraan.

Lama garanayo sababta keetey bandowga dheeraadka ah ee lagu soo rogey magaalada Baydhaba,waxaana dadka qaar sheegayaan inay ciidamada Itoobiyaanku dhaansanayeen Booyado Biyo ah kuwaas oo mararka qaarkood sidaan oo kale sameynjirey.

Dhinaca kale ciidamada Booliska ee dhowaan lagu soo tababarey dalka Itoobiya ayaa qaar ka mid ah oo tiradoodu gaareyso 35 askeri ka goostey magaalada Baydhaba kuwaas oo la sheegey inay gaareen magaalada Buurdhuubo ee ka tirsan Gobolka Gedo,waxaana la sheegey inay dhammaantooda ka soo jeedaan beesha Marreexaan,waxayna wateen hubka fudud.

Ciidamadan ayaa la sheegey sababta ay u goosanyaan inay tahay Mushaar la’aan iyo daryeel xumo la soo gudboonaatey inay u adkeysan waayeen ayna sidaas u soo goosteen.


Taliska Booliska ee magaalada Baydhaba ayaa gaashaanka ku dhuftey inay jiraan ciidamo Boolis ah oo ka goostey degmadaas inaysan jirin warkaasina uu yahay been abuur ay sameynayaan kooxaha ka soo horjeeda dowlladda kumeelgaarka ah.


Heshiis laga gaaray dadkii lagu dilay deegaanno ka tirsan gobolka gal Gaduud


Colaad in muddo ah ka taagnayd ilaa 3 qof oo lagu dilay deegaanka Xeraale Gobolka Galgaduud ee Bartamaha Soomaaliya ayaa la sheegay in arrintaasi haatan xal laga gaaray.

Dilka 3daasi nin dhalasho ahaantana ka soo jeeday deegaanka Xeraale dilkoodana ay ka dambeeyeen dad kale oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Degmada Caabudwaaq iyo deegaannada la xariira. Ayaa wararkii ugu dambeeyay waxaa ay sheegayaan in kulanno muddooyin socday heshiis buuxa loogaga gaaray dhibaatadaasi

Kulannada arrimahaan loogaga wada hadlay oo ay ka qayb qaadanayeen odayaal,culumo awdiin,saraakiil iyo masuuliyiin kale ayaa meesha ka saaraya shaki laga qabi karayay in colaaddii muddooyin hore soo dhax martay dadka deegaannadaasi ka soo kala jeeda qaarkood. Ay mar kale soo cusboonaato.

Kulankaan iyo heshiiskaan laga gaaray colaaddaasi iyo waxyaabihii hore ee la kala tababanayay ayaa faa,ido wayn u noqonaya arrimaha nabadda deegannadaasi iyo dadka ku noolba,iyadoo waqtigaan deegaannadaasi iyo noolaha ku noolba ay hayso abaar 3 sano jirsatay,sicir barar,barakac iyo dhibaatooyin kalaba

Qarax cusub oo ka billowday deegaanka huriwaa iyo xaafadaha ku teedssan

Xaalada Degmada Hiliwaa ayaa iminkadan waxay ay tahay mid kacsan kadib markii dadkii ku dhaqanaa deegaanadan ay Bilaabeen in ay ka barakacaan kadib markii Xalayto ilaa iyo shalayto ay ka socdeen duqeymo xoogan oo ay halkasi ay ku duqeynayaan ciidamada Dowlada Itoobiya Kagadaal Markii ay Dagaalo ku Dhexmareen Xoogaga Hubeysan ee ka Soo horjeeda siyaasada DFKMG ah ee Soomaaliya iyo joogitaanka Ciidamada Itoobiya iyo Ciidamo taabacsan Maxkamadaha Islaamka .

Dadkan ayaa waxay kuu sheegayaan in barakac ay barakacaan ayagoo dhowaantan gudaha Magaalada Muqdisho kagadaal Markii Mudo sagaal bilood ah ay ku noolaayeen duleedka bari ee Magaalada Muqdisho halkaas oo ay barakac u joogeen .

Dadkan barakacayaasha ah ayaa Waxaa ay ka cabanayaan Duqeyntii xooganeyd ee shalay ay ku dhexjireen islamarkaana Kudhowaad 20 Qof ay ku geeriyoodeen kuwaasi oo duqeyntii xooganeyd ay waxyeeleysay .

Dadka barakacaya ayaa waxa ay isugu jiraan Caruur iyo haween kuwaasi oo boostoojooyinka Gawaarida lagaraaco aad u buuxinaya Waxeyna kuu sheegayan in ay daruuftu biday in ay kabarakacaan Deegaanadaan maadaama aysan u adkeynsan Karin in ay ku Noolaadaan waxayna ku leeyihiin raja nagashay marka lamagacaabay Maamulka Cusub kaas oo ay taageerayeen yagoo markii ay ku soo laabteen Deegaanadoodina ay Sameeyeen banaanbaxyo ayku taageerayaaan maamulka cusub .

Dadkan ku barakacaya Ceelasha Biyaha Ee duleedka Bari ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay yihiin dadkii ugu Badnaa Ee ka Barakacay Qeybo ka mid ah Degamada Hiliwaa Waxyna Iminkadan ku sii jeedaan Deegaanada Ceelasah Biyaha Halkaas oo Dadkii Horay ugu Barakacay ay ku Heysato Daruuf Nolol xumo taas oo ayan Muuqan ilaa iyo iminkadan cid wax u qabaneysa hadii loo Gargaari lahaana Waxaa soo baxay Dad iyagu taarged ka dhigta Hay’adaha iyo Shaqaalaha Gargaarka ah ee Dadka barakacay u Samafali jiray .

Sikastaba na noqotee arimahan ayaa waxay Qeybka yihiin Amni Xumada kajirta Gudaha Magaalada Muqdisho taas oo iminka ayan muuqan cid iyagu wax ka Qabanaya .


Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
0025215576666
002525907666
 

 

Faafin: SomaliTalk.com |  August 6, 2008

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS