SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Barnaamijkii Radio Xoriyo

05 August 2008.

Dagaallo lagu jabiyay ciidammada cadowga

Kacdoon ka jira Godey iyo dad badan oo xidhxidhan

Adeegayaasha gumaysiga oo dhibaatooyin ka wada Nogob iyo Qorraxey

Kalfadhigii 4aad ee G/dhexe ee jwxo oo guul ku dhamaaday

Kulan ay isugu yimaadeen gudoomiyayaasha unugyada jwxo ee Maraykanka.

Kulan dhex maray masuuliyiin jaaliyada Ogadenya ee K/Afrika iyo masuuliyiin ka socdayt W/arimaha dibada ee K/Afrika

======================

Dagaallo lagu jabiyay ciidammada cadowga

Dagaallo kala duwan oo dhex-maray CWXO iyo kuwa gumaysiga, kuwaasoo toddobaad gudihii ka dhacay meelo kala duwan oo Ogaadeenya ka mid ah, ayaa gumaysiga lagaga dilay ugu yaraan 53 askari, waxaa sidoo kale lagaga dhaawacay 44 askari, sidaasna waxaa noo soo sheegay wariyaha nooga soo warrama dalka Ogaadeenya. Dagaalladaasi waxay u dheceen sidatan;

03/08/08 dagaal ka dhacay duleedka magaalada Fiiq waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 1 askari, 2 kalana waa lagaga dhaawacay.

Isla 03/08/08 dagaal isaguna ka dhacay magaalada Caado waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 4 askari, 3 kalana waa lagaga dhaawacay.

02/08/08 Leediley, oo Birqod ka tirsan, dagaal ak dhacay waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 15 askari, 9 kalana waa lagaga dhaawacay.

01/08/08 waxaa weerar mir ah lagu qaaday ciidammada gumaysiga ee fadhigoodu yahay magaalada Garbo, waxaana la gaadhsiiyay khasaare aan faahfaahintiisa la haynin.

26/07/08 weerar dhabba-gal ah oo lagu qaday ciidammo gumaysigu leeyahay oo marayay meesha lagu magacaabo Tulli, oo ku taalla duleedka magaalada Dhagaxbuur, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 15 askari, 12 kalana waa lagaga dhaawacay.

Isla 26/07/08 dagaal ka dhacay Mando Waley, oo Dhagaxbuur ka tirsan, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 1 askari, 2 kalana waa lagaga dhaawacay.

Sidoo kale 26/07/08 dagaal isaguna ka dhacay Tukaale, oo Fiiq ka tirsan, waxaa gumaysiga lagaga dilay 2 askari, 6 kalana waa lagaga dhaawacay.

25/07/08 dagaal sidoo kale ka dhacay Fara-beele, oo Fiiq ka tirsan, waxaa gumaysiga lagaga dilay 2 askari, 4 kalana waa lagaga dhaawacay.

24/07/08 Dayax-diid, oo sidoo kale Fiiq ka tirsan, dagaal ka dhacay ayaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 2 askari, 1 kalana lagaga dhaawacay.

23/07/08 dagaal ka dhacay Warta Cige, oo Awaare ka tirsan, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 6 askari, 7 kalana waa lagaga dhaawacay.

Isla 23/07/08 Tuur-oon, oo Fiiq ka tirsan, dagaal ka dhacay ayaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 3 askari, 1 kalana lagaga dhaawacay.

18/07/08 dagaal isaguna ka dhacay Farka, oo duleedka Fiiq ku yaalla, waxaa gumaysiga lagaga dilay 2 askari, 3 kalana waa lagaga dhaawacay.

Dhibaatooyin kala duwan oo cadowgu u gaystay dadwaynaha

Ciidammada gumaysiga ayaa dhibaatooyin kala duwan oo isugu jira jidhdil, dhac iyo xidhay u gaystay dadwaynaha rayadka ah ee Ogaadeenya. Dhibaatooyinkaasi waxay u dheceen sidatan,

31/07/08 Haar-cad waxay ciidammada gumaysigu jidhdil ugu gaysteen dadka kala ah,

1- Raaxeeye Maxamed Ganey iyo

2- C/kariin Muxumed Carte

15/07/08 meesho lagu magacaabo Weeco, oo Fiiq ka tirsan, waxay ciidammada gumaysigu jidhdil baʼan ugu gaysteen labo nin oo lagu kala magacaabo Maxamed Daahir Ibraahim iyo Cabdi Xuseen.

Dhinaca kale seddex gabdhood oo muddo lix bilood ah ku xidhnaa magaalada Garbo ayay ciidammada gumaysigu sheegeen inay min 3 sano oo xadhig ah ku xukumeen, waxay u dhaadhiciyeen dhinaca Jigjiga. Mid gabdhahan ka mid ahi waxay leedahay Uur 8 bilood ah, waxayna kala yihiin

1- Ruqiya Cabdi Qalinle

2- Hinda Naadir iyo

3- Kamiin oo magaceed oo buuxa aanaan haynin.

Dhac

01/08/08 Dharkaynley, oo Dhagaxbuur ka tirsan, waxay ciidammada diifaysan ee gumaysigu 300 oo Bir iyo 2 Kaartoon oo Baasto kaga dhaceen ninka lagu magacaabo Sh Bashiir Axmed C/llaahi.

27/07/08 Gol Shinbirey, oo Qallaafe ka tirsan, waxay ciidammada gumaysigu 3343 Bir kaga dhaceen Aar Cabdi Diiriye.

22/07/08 Dalatu waxay ciidammada gumaysigu 1 Kiish oo Sonkor ah kaga dhaceen Shamis Shariif Madar.

18/07/08 Gol-dalaq waxay ciidammada gumaysigu hanti kala duwan kaga dhaceen dadka kala ah,

1- Cabdi-kaafi Guleed Cumar oo ay ka dhaceen 1050 Bir iyo Badeecooyin kala duwan

2- Hire Saahid Cadi oo Beer laga baabiʼiyay iyo

3- C/llaahi Faarax Cabdi oo isagana Beer laga baabiʼiyay iyo

4- Cumar Cabdi Saahid oo sidoo kale Beer laga gubay.

08/07/08 meesha lagu magacaabo Midha waxay ciidammada gumaysigu dhac ugu gaysteen Xuseen Sh C/llaahi oo ay 600 oo Bir. Waxay sidoo kale ciidammada gumaysigu 17000 oo Bir halkaas kaga dhaceen dad kala duwan oo magacyadooda aanaan haynin.

Kacdoon ka jira Godey iyo dad badan oo xidhxidhan

Magaalada Godey ee caasimada Ogaadeenya waxaa ka jira kacdoon dadwayne oo ka dhashay xidhaygii Ugaas C/raxmaan Muxumed Qani iyo qorshayaasha mooraduugga ah ee dhul-beereedyo nawaaxiga Godey ku yaalla loogu wareejinayo dad Itoobiyaan ah oo laga keenay Buuralayda Itoobiya.

Xukuumadda gumaysiga Itoobiya ayaa billowday inay dad Itoobiyaan ah u qaybiso dhul-beereedyo ku liilsan Biya-xidheenka Godey, arrintaasoo ay dadwaynuhu aad u ddiidan yihiin, isla markaana dhalisay gadood ka dhashay magaalada Godey iyo nawaagixeeda.

Ciidammada Itoobiya ayaa gadoodkaas ka dib waxay xabsiyada u taxaabeen dad shacab ah oo tiradoodu ay kor u dhaafayso 800 oo qof.

Adeegayaasha gumaysiga oo dhibaatooyin ka wada Nogob iyo Qorraxey

Qaar ka mid ah calooshood u shaqaystayaasha u adeega gumaysiga Itoobiya ayaa dhibaatooyin kala duwan u gaysanaya shacabka ku dhaqan gobollada Nogob iyo Qorraxey.

Adeegayaasha lagu magacaabo Daaʼuud Amxaar iyo Cabdi Iley ayaa toddobaadkii u denbeeyay dhibaatooyin lixaad leh ka wada gobolka Nogbeed, iyagoo xadgudubyo kala duwan u gaystay dadwayne rayad ah oo goblkaas ku dhaqan.

Labadan adeege ayaa dab qabadsiiyay guri uu magaalada Fiiq ku lahaa nin shacab ah oo lagu magacaabo Bashiir Cabdi Khaliif. Waxay gurigaas ku gubeen wixii hanti ahaa dhex-taallay.

Waxaa sidoo kale magaalooyinka Qabridaharre iyo Haarcad dhibaatooyin kuwan la mid ah ka wada adeege lagu magacaabo Cabdi Siigaale oo la shaqeeya sirdoonka gumaysiga Itoobiya.

Dhinaca kale magaalada Jigjiga waxaa dhawaan soo gaadhay saraakiil sarsare oo ka socda xukuumadda dhexe ee gumaysiga Itoobiya, waxaana ka mid ah Wasiirka Beeraha, ahna ku xigeenka Meles Zenawi Adhisu Lagase, Wasiirka Caafimaadka, Wasiirka Hawlaha Guud, La taliyaha Zenawi Abay Sahay iyo Taliyaha Jeelasha iyo waliba 6 sargaal oo kale.

Qawlaysatadan ayaa la sheegayaa inay wadaan qorshayaal lagu sii kordhinayo cadaadiska ay ciidammada gumaysigu ku hayaan dadwaynaha Ogaadeenya. Waxay sidoo kale qorshayaal nacabnimo oo cusub u dhiibi doonaan calooshood u shaqaystayaasha Jigjiga u fadhiya.

Kalfadhigii 4aad ee Golaha Dhexe 22 – 30/07/08

Go’amadii Kalfadhiga.

Kalfadhigii Golaha Dhexe ee JWXO oo qabsoomay 22 – 30/07/2008, waxaa lagaga dooday ajende xambaarsan qodobo doodeeyo mugweyn oo khuseeya halganka Ogaadeenya, sidii loo maarayn lahaa caqabadaha iyo halisaha halganka soo foodsaaray iyo sidoo kale dejinta qorsheyaasha hawleed ee lagu horumarinayo halganka.

Kalfadhigu wuxuu si qoto-dheer u falanqeeyay, una qiimeeyay xaaladda gobolkaGeeska Afrika, caalamka guud ahaan iyo gaar ahaan kuwa Ogaadeenya. waxaa si sugan loo qiimeeyey tayada fulinta qoysheyaashii iyo barnaamijyadii halganka mudadii u dhaxeysay labada kalfadhi.

Waxaa la isla qiray in guulo lagu naaloodo lagu gaadhay qorsheyaashii iyo barnaamijyadii hawleed, kuwaas oo u fuley sidii loogu talogalay.Wuxuu goluhu soo dhaweeyey guulaha waaweyn ee mudadaas laga soo hoyiyey dhinaca Ciidan,siyaasad iyo abaabulka.

Kalfadhigu wuxuu ku diirsaday heerka biseyl iyo adkeysiga shacbiga geesiga ah ee u babacdhigay cadaadiska naxariis darada ah ee cuna-qabataynta, barkicinta iyo xasuuqa joogtada ah iyo dulmiga wajiyada badan.

Sidoo kale wuxuu goluhu u riyaaqay guulaha taariikhda galay ee ay soo hoyiyeen halyayda CWXO Iyo waxqabadka jaaliyadaha Ogadenia mintidka ah.

Kalfadhigu wuxuu isla qiray in taliska gumaysatada itoobiya yahay mid aad u nugul marka laga milicsado dhinacyada siyaasadda, ciidanka iyo dhaqaalaba, oo jiritaankiisu ku tiirsan yahay taageerada siyaasadeed iyo dhaqaale uu ka helo dalalka shisheeyaha gaar ahaan reer galbeedka. Waxaa la isla gartay inay soo ifbaxayaan ifofaale muujinaya in Itoobiya ku guuldaraysatay siyaasadeedii ku salaysanayd dhulbalaadhsiga iyo xoog ku muquuninta rabitaanka dadyawga Geeska Afrika. Wuxuu ku fashilay qabshadii Jamhuuriyada Soomaaliya

cabudhinta qawmiyadaha uu gumeysto iyo damaciisa gardarada ah ee ku wajahan dalalka dariska ah kuwaas oo sabab u ah deganaansho la’aanta Geeska Afrika.

Dood, falanqayn dheer iyo qiimeyn mug leh ka dib, Kalfadhiga 4aad ee JWXO wuxuu gaadhay go’aano dhaxalgal oo lagu hormarinayo halganka wuxuuna dejiyey qorshe istraatiiji ah iyo barnaamijyo hawleed ku abaaran marxalada uu marayo halganku, mustabalka dhow iyo midka durugsan, ee dhinacyada Ciidanka,siyaasada , abaabulka iyo iskaashiga xoogaga xaq u dirirka ah ee ka halgamaya gobolka G.Afrika.

Waxaa la gudoonsaday:

In la xoojiyo guulaha dhaxalgalka ah ee laga soo hoyiyey dhinacayada abaabulka dadweynaha gudaha iyo jaaliyadaha, ciidanka, dilomaasiyadda lana sii horumariyo dadaalka badan ee loogu jiro xoreynta dalka hooyo.

In la adkeeyo midnimada isku duubnaanta shacbiga Soomaalida Ogaadeeniya si loo fashiliyo shirqoolada iyo barnamijyada dhagareed ee Cadowga

In la adkeeyo iskaashiga xoogaga xaq u dirirka ah ee dadyowga Geeska afrika ee ka soo horjeeda gumeystada Itoobiya.

In la sii xoojiyo dadaalka diblomaasi iyo warfaafineed ee laga raaridayo bulshada caalamka xaqnimada qadiyada Ogaadeeniya.

Kalfadhigu wuxuu bogaadin u soo jeediyey shacbiga geesiga ah ee soo hoyiyey guulaha waaweyn, gaar ahaan halyeeyada CWXO iyo jaaliyadaha mintidka ah ee ka hawl gala qurbaha.

Kalfadhigu wuxuu cambaaraynayaa:

Dhibaatada iyo dulmiga gumeysatada Itoobiya ay ku hayso shacbiga Ogaadenya, sida cunoqabataynta, barakicinta, xasuuqa, dilka, kufsiga iwm.

Gumaadka ay gumeysatada Itoobiya ku hayso shacbiga aan walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Soomaaliyeed iyo siyaasadiisa guracan ee hortaagan dib u soo noolaynta qaran Soomaaliyeed oo madax banaan.

Siyaasadda gumesatada Itoobiya ee dal balaadhisiga ku dhisan ee sababta u ah xasilooni darrada ka aloosan Geeska Afrika.

Falkasta oo argagixiso ah, ha ahaado mid xukuumadeed, mid shaqsiyeed iyo mid kooxeedba.

Kalfadhigu wuxuu ku baaqayaa:

In la sii xoojiyo midnimada iyo isku duubnaanta shacabka lama loodiyaanka ah ee Ogaadeenya, isla markaana laga hortago qorshayaasha uu cadowgu doonayo inuu ku kala qaybiyo.

In shacbiga Ogaadenya si mintid uga hortago fashiliyana qorshayaalka gumeysatada Itoobiya ku doonayso inay halganka xaqa ah ee Soomaalida Ogaadeenya ujeedadiisa iyo nuxurkiisa kaga been sheegto.

wuxuu mar kale uga digayaa xukuumada gumaysiga Itoobiya iyo sharikadaha shisheeyaha ah inay isku dayaan inay ka faa’iidaystaan khayraadka dabiiciga ah ee dalka Ogaadeenya.

In la sii xoojiyo iskaashiga ka dhexeeya JWXO iyo ururrada iyo jabhadaha ka soo horjeeda gumaysiga Itoobiya.

In shacbiga Soomaaliyeed ee Jamhuuriyadda Soomaaliyeed u midoobaan dibu xoreynta dalkooda iyo soo celinta haybadii iyo sharaftii qarankab Soomaaliyeed.

In si degdeg ah oo aan shuruudi ku jirin Itoobiya ugala baxdo ciidammadeeda dalka Soomaaliya.

Wuxuu beesha caalamka ugu baaqay inay taliska Itoobiya ku cadaadiyaan inuu joojiyo siyaasadiisa dhul-ballaadhsiga ah, isla markaana uu u hooggaansamo go’aankii Guddiga Xadka ee Eriteretaya iyo Itoobiya.

Taliska uu madaxa ka yahay gacan ku dhiigle Meles zanaawi wuxuu ka galay shacbiga Ogaadeenya dambiyo dagaal oo ka dhan ah xuquuqda aadamaha, sidaa darted waxaan beesha caalamka ugu baaqaynaa in kooxda uu hogaamiyo keligii taliye Zanaawi la hor keeno Maxkamadda caalamiga ee dambiyada dagaalka.

Wuxuu beesha caalamka u sheegayaa in furaha nabadda iyo xasilloonida gobolka Geeska Afrika uu yahay xal u helidda qadiyada Ogaadeenya, sidaas darteed ay lagama maarmaan tahay inay xukuumadda Itoobiya ku cadaadiyaan inay oggolaato xaqa ay shacbiga Ogaadeenya u leeyihiin inay aayahooda ka tashadaan.

Kalfadhigu wuxuu mar kale cadeeyey mowqifka JWXO ee ah in wada xaajood nabadeed lagu xaliyo qadiyada Ogadeniya,islamarkaana uu shacabka Soomaalida Ogadeniya, mar walba diyaar u yahay inuu iska caabiyo dulmiga uu ku hayo taliska Meles Zinawi iyo ku xad gudubka xuquuqdooda asaasiga Cuna-qabataynta lagu hayo shacbiga Soomaalida Ogadeniya ee dulman waa dambi dagaal oo ka dhan ah xuquuqda aadamiga.Sidaa darteed Kalfadhigu wuxuu beesha caalamka, haydaha xuquuqda aadamaha u dooda, Qaramada Midoobay, Golaha ammaanka EU iyo AU ugu baaqayaa in si degdeg ah cunoqabataynta looga qaado shacbiga Ogadeniya.

Beesha caalamka ee deeqda bixiya iyo qaramada midobayba waxaan la socodsiiyaa in kaalmada ay bixiyaan taliska itoobiya u adeegsado hab military oo uu ku muquuniyo shacbiga ogadeniya.

Kalfadhigga Golaha Dhexe ee JWXO

22-30 July 2008

Kulan dhex maray masuuliyiin jaaliyada Ogadenya ee K/Afrika iyo

masuuliyiin ka socdayt W/arimaha dibada ee K/Afrika.

Masuuliin katirsan jaaliydda Ogadenya ee K/afrika ayaa kulan laqaatay xafiiska Arimaha dibadda ee Wadanka koonfur Afrika.

Dhanka Xafiiska Arimaha Dibadda waxaa kulankaas goobjoog ka ahaa gabadha kuxigeenka u ah uqaynsanaha Geeska Afrika ee Xafiiska Arimaha Dibadda oo mageceeda layidhaahdo Phindile Xaba iyo gabadh kale oo xafiiska Arimaha dibadda uqaabilsan Itoobiya iyo Eritrea.

Kulanka oo bilawday 2 duhurnimo ee saacadda Southern Africa ayaa ugu horayn waxa ay labada dhin sameeyeen isbarasho,kadib waxaa laguda galay muhiimaddii kulanka,taasoo hadalka ay bilaabeen wakiiladii jaaliyadda kasoctay.

Waxa ay wakiilada Jaaliyadda Uga warbixiyeen ugu horayn in ay kamid yihiin Jaaliyadda Ogaadeenya ee Wadanka Koonfur Africa,intaas kadib ayaa waxa ay uga gudbeen warbixinta dhulka Ogaadeenya,sida uu dhulkaasi u ahaa dhul uu dhagray gumaysigii Ingiriiska oo markii dambana ugacan galiyay Itoobiya, xiliyadaas laga soo bilaabo in Dhulkaas iyo gobolka uu kuyaalaaba ahaa mid aan daganayn,waxaa kale oo ay sheegeen inkasta oo xukuumadihii kala duwanaa ee Itoobiya ay isku mawqif ka ahaayeen Ogaadeenya in hadana Xukuumadda Tigreega ee maanta talada haysaayi ay dhan walba kaga duwan tahay kuwii hore,sida kutumashada xuquuqul insaanka,xasuuqa joogtada ah.

Waxaa kale oo ay masuuliintii jaaliyaddu usheegeen in inkasta oo dhibku uu waligii jiray hadana laga soo bilaabo bishii April 2007 markii shirkad Shiine ahoo shidaal soo saaraysay jabhaddu weerartay in Itoobiya ay markaas qaadatay go’aankii ugu adkaa oo kuwajahan shacabka,waxay xayireen dhamaan ganacsiyadii ay dadka Ogaadeenya la lahaayeen Soomaaliya,waxa ay sameeyeen xasuuq aan loo kala aaba yeelin,oo dadka lamirjinayo,tuulinka iyo magaalooyinka oo lagubayo.

Intaas kadib waxa ay madaxdii jaaliyadu ugudbiyeen qorallo fara badan oo soo diyaariyeen iyo sawirro muujinaya dacatiyada ay Itoobiya ugaysato dadka shacabka ah iyo sawiradii Tuulooyinkii lagubay ee uu qaaday satelliteka Maraykanku.

Runtii aad ayay uga argagexeen warbixinta yaabka leh ee ay jaaliyaddu jeedisay,waxa ayna sheegeen in aad ugu faraxsan yihiin kulankan ay yeesheen oo aan noqon doonin kii ugu dambeeyay.

Kadib wakiiladii xafiiska Arimaha Dibaddu waxa ay sheegeen in hawlahaas ay xil iska saari doonaan oo safaaradooda joogta Addisababa ay uxilsaari doonaan in ay gobolkaas xaaladiisa lasocoto amaba ay tagaan,inkastoo hadii haayadihii khayriga ahaaba loo diiday aanan filaynin in ay diblomaasiyiinta loo ogolanyo, ayay tidhi Phindile,waxaa kale oo sheegtay in xafiiska madaxwaynaha ay kawargalin doonaa arintan iyo in marar horeba ay dawladdu talaabo uqaaday,maadaama oo dadka Ogaadeenya ee kunool South Africa ay dhowr mar sameeyeen banaanbaxyo ay kaga cabanayaan xadgudubka ay Itoobiya kuhayso.

Hadalka oo dheeree kadib waxa ay labada dhinac isla afgarteen in xidhiidhku joogto noqdo,markasta oo ay wax soo kordhaana la isla soo socdsiiyo,iyadoo labada dhinacba aad la isugu mahadcilayo ayaa sidaas la isku sagootiyay.

05 August 2008

Axmed Gaal-Eri

Radioxorio@radioxoriyo.com

Raadioxoriyo@yahoo.com

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 41 MB ee dhererkeedu yahay 7560 KHZ,iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com Maalmahaa Talaadada & Sabtida 5:00PM – 5:30 waqtiga Afrikada Bari

Faafin: SomaliTalk.com |  August 6, 2008

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS